News
09.03.2016 comments (0)
Muqdisho

Muqdisho

Xil. Cabdibare oo mar kale ka hadlay boobka lagu hayo hantida shacabka [Maqal]

Xildhibaan Cabdi Bare Jibriil oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna xubin aad u fir fircoon, oo mar kasta ka hadla dulmiga, musuq maasuqa, xuquuqda bani aadamka, xoriyada hadalka iyo ku xadgudubka shuruucda dalka, ayaa sheegay in xoog lagu haysto hantida shacabka somaliyeed.

Xildhibaan Cabdibare ayaa mar kale sheegay in ay jiraan dhulboobka lagu hayo Hantida shacabka somaliyeed isagoo mar kale dignin u diray dadka Xalaalaystay boobka hantida shacabka ah.

Dhulka la boobayo Ducumintayada Cabdale shideeye waxaa Fududeeya xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir oo ku Caanbaxay Boobka hantida shacabka.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo hadda ku sugan Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa HOREY Cabasho uga keenay qaar kamid ah shacabka somaliyeed oo uu u fududeeyo warqadaha Faaisada ah ee Cabdala shideeye.

xildhibaanka oo Waraysi Xasaasi ah sinayeey k24 ayaa mar kale kadigay dhulboobka xoogan ee lagu hayo shacabka somaliyeed ,waxaana uu sheegay in ninka khiyaamada wata ee Xeer ilaaliyaha qaranka uu joogo Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland.

XXildhibaanka oo Waraysi Xasaasi ah sinayeey kismaayo24 ayaa mar kale kadigay dhulboobka xoogan ee lagu hayo shacabka somaliyeed ,waxaana uu sheegay in ninka khiyaamada wata ee Xeer ilaaliyaha qaranka uu joogo Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland.

Dhacay Muqdisho, maadaama maasuuliinta sar sare, ee dowlad federaalka ee Muqdisho ka soo jeeda, oo uu madaxwaynuhu ugu horayo, uu mowqifkoodu yahay in ay garab siiyaan budhcada hantida ummadda xooga ku haysta?!! Meeye maamul goboleedyadii maxay uga hadli la’yihiin shacabka hantidooda xooga looga haysto Muqdisho?!!

Cabdibare ayaa sheegay in Sanadkan uu isbadal dhici doono isla markaana laga guulaysan doono kooxoahan dhaca iyo Boobka shacabka ku haya .

Dhagayso



Dunidaonline.com
Wararka-Puntland


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]