Opinion
13.03.2016 comments (7)
Cali Cilmi Soomow

Cali Cilmi Soomow

Gaas muxuu ku mutay in sidaas Minnesota loogu soo dhweeyo?!


Gaas  muxuu ku mutay in sidaas Minnesota loogu soo dhweeyo?!
 
Waxa qaldan haddaan la fahmi karaa, Cabdi Wali Gaas, sida loo soo dhoweeyay oo jaaliyaddii Puntland ee Minnesota u soo dhweeyeen waxay fasiraad u noqon kartaa waxa qaldan iyo meelaha ay wax ka qaldameen, waa hubaal Gaas inuusan mudnayn in la soo dhoweeyo, dadka reer Puntland wax dhibaal mooyee inuusan xabadna tarin, soo dhoweyntiisa Minnesota waxa qudha ee loo fahmi karo waxay tahay  in qabyaaladdii ay dadka madax martay, waxaa kaloo loo qaadan karaa in lagu xumayniyay Xasan Shiikh Maxamuud,  waxay doontaba ha ahaatee gaas ma mudnayn in sidaas loo soo dhoweeyo, ma waxaa lagu soo dhoweynayaa Mudug waxaan saxiixay inay ka mid tahay Galmudug,  Cabdi kariin xuseen guuleed baan saxiibo nahay, maxaa lagu soo dhoweynayaa.
 
Dalka ha loo duceeyo, dadkii aan lahayn Gaas wax bay u sheegayaan , xisaabtan iyo waxay kala hor imanayaan iyo wareysi, waxay sameeyeen waxay noqotay ha loo sacbiyo dal dhisnaa buu soo dumiyayee, wax kale aniga kuma sheegi karo, mid waa jirtaa in dadkii taageerayaashiisa ahaa ee soo qalqaaliyay soo dhoweyntiisa oo ay u horeyeen Ganacsade Cusmaan Shiik axmed iyo ninka fanaanka ah ee la yiraahdo Indho deero ay dadka ku qayaaneen in fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal uu qabanyo show ay lagu magacaabo NO 4.5 taasoo been ahayd  laakiin draadeed dad badan u yimaadeen meeshii uu ka hadlayay gaas.
 
Nin reer  ameerika  ah oo waliba magaalada Minnesota ka yimid baa waxoogaa ii sheegay arrin macquul ah oo loo qaateen ah, oo wuxuu yiri dadka  ameerika jooga  stress baa aad u wada haya iyaga iyo caruurtoodaba, qaar waaba isku buuqsanyihiin, marka munaasbadahan oo kale dadka aa ku arkysid soo dhoweyn uma imaadaan inay xoogaa ku nafisaan, qaar kale waxay is leeyihiin caruurtiina mujtamaca ha soo arkaan oo wax barasho bay intaas uga dhigayaan, waxaa wqliba intaas dheer,  hadeer waxaa sii dhamaanaya xilligii qaboobaha ahaa, wuxuuna  imaatinka Gaas ku soo beegmay maalin aan qaboobeyn oo dadka oo dhan ay raadinayaan meel ay waqtiga ku wada qaataan, marka waxyaabo badan baa is biirsaday.
 
Hadalka  ninkaas aad buu runta ugu dhowyahay waase hubaal wax kasta iyo dan kastaba ha wadaageenee inay dad badan oo meesha yimid ay cabdi wali gaas soo dhoweyniyeen, waxaa kaloo aan Shaki  iiga jirin, in Gaas  laf ahaantiisa uu yaabanyahay oo is weydiinaayo,  kaalay maxaa qaldan? Maxaa sidaan laygu soo dhoweeyay? Dadka ma anigaa siray mise iyagaa ku siray? Mise wax kalaa jira? Waayo ninkaan dhaawacyada uu Puntland u geystay kuwo ay ka soo waaqsan karayso ma aha, wuuna ogyahay, marka ma abaal marin baa taas looga dhigaayaa soo dhoweynta intaas la eg, waa soo dhoweyn hal xiraale weyn ka taaganyahay?  
 
Dadka hadii aan runta laysku sheegayn ma been baa laysku xukumayaa, Ismmada puntland talo ha keenaan, siiba kuwa  ay aadka saaxiibka u yihiin sida Islaan Ciise, iyo boqor Burhaan oo waliba isaga la yiraahdo dhismihiisii gacan weyn Gaas baa ku lahaa, madax-weyne  marka uu kaa dhaqaaqo aadan garanayn waxa ka imaan doona, shaki iyo walaac, amaannadii ma soo celin doonaa, ma run buu sheegayaa mise been, ma sidaas baa waligeed lagu jirayaa, madax weyne gaas ma isagaa layska ilaaliyaa mise kuwa jiritaanka Puntland cadowga ku ah ee ay ugu  horeeyaan Michael Keating iyo  Xasan Shiikh Maxam,ud, ilaa iyo hadda oo uu Gaas ku celcelinayo 4.5 ma yeelayno dad badan baa rumaysnayn inay ka dhab tahay.
 
Nimanka iska harsada xarunta golaha shacabka iyo xafiisyada, maxaa u diyaarsan? Xasan Shiikh iyo Michael Keating iyo safiiradii taageersana waa soo socdaan, haddii aydaan keenin talo lagu bedeli karo 4.5 waxay noqonaysaa in dowladda Xasan muddada loo badiyo, waana qorshaha u qarsoon dowladda kamana walwal qabto diidmada oo waxay rumaysanyihiin diidmadaas inay ku heli karaan 2sano in iyaga waqtiga loogu daro, maxaa marka diidaya koleey cabdi wali gaas kama sugayno go,aan maxaa marka diidaya inaan hadda dhahno ilaa laysu soo baahanayo nin walba gurigiisa ha ku ekaado,  waa aan wax lagu bedeshaa aan la helayn inta Xasan iyo jawaari caqli u yihiin koonfurta.
 
Soomaaliya Ha Noolaato!                             
Puntland Ha Nolaato!
 
Wa-bilaahi Towfiiq
Cali Cilmi Soomow


 
COMMENTS

mr

ManshaAllah ilaahey ha shsrfo Hana xafido mafaxweeyne Abdiweli Gas. waligey ma arag qof sidaas loo jeclyahay. somali oo dhan baa meelkasta katimid. Anigu aad iyo aad baan u jeclaa in aan gacanteeyda kusalaamo oo isku masawiro.Columbus ayey ii suurtoobi weyday. Minneapolis ayaan uga dabatagay mana ii suurtagalin in aan isku masawiro. khalqigii soodhaweynayey ayaa 100,000 ( boqol kun) kor udhaafay. sadex beri kadib hafladii soo dhaweynta ayaan fursada mahelin sababtoo ah dadkii ayaa faraha kabatay.baakinada hoteelkiisa wey buuxeen. sidaas darteed fursad aan isku masawiro ma helin. inshaAllah next time he comes back I will get the chance to meet him and shake his hand and get my dream photo with him. it's true every body loves Abdiweli. Somalis from every region and all walks of life wanna see him. the place looks like the POPE of the vatican came. never seen something like that. it seems people really trust him. He visited the malls and the coffee shops. he was down to earth like any common guy on the street or the neighborhoods. he even visited capital park. can you believe that. he chit chatted with ayeeyos and awowos and sipped coffee with them. that's hilarious and that's a sign of a great leader. I think that's the reason why people loved him alot. And that's the reason why I respecte him and longed to have a historic portrait with him. too bad I didn't get the opportunity to do so. and the main reason why people gathered by the tens of thousands is the fact that he stood up for the will and the wishes of his nation by advocating for a system that would secure and lead Somali nation to a true democracy and development for all somalis of all regions
15.03.2016Shariif-Sakiin

Silly Cigalle

!!يا عجلى كلامك فاض من قالك ان صوموو ما له حق ان يعبر رأيه؟ أراك إنت تعبان لحالك waad iska sheekaynaysaa, Soomow xaq buu u leeyahay inuu ka hadlo sida uu u arko nikaan sheeganaya inuu yahay madax-weynahay, 1st Stupid answer you deserve is waa run muxuu ku mutay, ma dadkaas aabahood baa? ma isagay u shqeeyaan? miyey caashaqeen?! miyeey is yaqaanaan dhamaantood? muxuu u qabtay? marka ninkaan haddii aad leedahay dalka iyo dadkii buu u soo shaqeeyay, wax wanaagsan buu soo sameeyayay, waan sababta intaas oo dad ah ugu soo baxday waa wax la garan karo! laakiin iimaha iyo ceebaha uu sheegay Cali Soomw haddii uu leeyahay maxaa laga soo dhoweynayaa waa runee, marka adiga naftaad inaad keli wax garad tahay ha iska dhigin saaxiibow, Cigalle, waxaad u egtahay oo keliya nin caadhifadaysan, waayo labad nin ee aad midna u hiilinayso midna ka hiilinayso waa kuu siimanyihiin.rnrn2nd stupid answer Saaxiib ninkaan Soomow qoraal waa yaqaan, laakiin waxaad kala garan la'dahay hab qoraalka iyo hadal caddaanta. 3rd idiotic answer is iska aamus saaxiibo oo xadiithka aad soo daliishatay adigaa hadda jabinayee ha jabin xadiithka.
15.03.2016cigalle

soomow sal u yeel hadalkaaga

Adeer Sharif Adeer wax la fahmi karo keena oo la idin ku raaci karo. Marka hore soo parta sida wax loo qoro. Tan kale waa inaadan xanaaqsaneyn mar kii aad rayi aad dhiibanasid. Yaa ka hadlin? Sidee u hadlin? Maxaa loo soo dhaweyey Dr Gaas? Waa 1st stupid question? Maxa uu ku muteystey in la Dr Gaas la soo dhaweeyo? Waa 2nd stupid question.
Yaa rabtaa inuu kuu jawaabo? Ma Dr Gaas mise Dadkii soo dhaweeyey? Its a silly and useless questions. Yaa rabtaa inaad wax ka dhaadhiciso? Hadalkaagu waa mid suuqi oo aad u hooseeya, waxaana fahmi kara Hawiye iyo Sharif-sakiin. Ma aha laqad Majeerteyn. Maxaa Dr Gaas Madaxweyne ka dhigey anigana dooxada i fariisiyey weeye nuxurka hadalkaaku, taasina waa wax rabaani ah. على كل حال :خير الكلام ماقل ودل hadalkaaku waa in uu yaryahey macno uu leeyahey. Shariif iska babiska Soomow isagu ha isbaboyo
14.03.2016Shariif-Sakiin

Cigalle Stupid

Midkaagaan xoogaaga Afrikaan Amerikaanka uu ka koobiyay af ingiriisiga ka bartay dadka ha caayin, waa doqonkaana cigale isku magacaabay, ninka wax qoray horta aad buu wax uga qoraa midkaan Gaas la leeyahay ee meesha layska keenay, maba istaahilo in wax laga qoro, laakiin anigu waxaa rumaysanahay inuusan wax been ah ka sheegin ee inta badan uu runta ka sheego.rnrnHadda midkaagaan quranlaha ah ee Cigalle, aan ku weydiiyee Gaas maxaa dadka intaas la tiro eg u soo dhoweeyeen? ma adeer buu u yahay, ma abti buu u yahay, ma lacag buu u qaybinayay,Parking waa lacag,benzine waa lacag, free-way waa qatar, maxaa intaas loogu maraayaana? anigu waxaan qabaa inay doqonimo tahay,maxaa yeelay, ninkaan xil baa loo dhiibtay waana lagu qasaaray, dalkii buu dumayay, wixii jiray buu baab'shay, waxa lagu soo dhoweynayo maxay yihiin? waa doqon nasiib badan, waayo adigaba wxaad ugu hiilinayso waa magac xunka ah ee aad wadaagtaan ee wanaag iyo barako aad ku aragtay ma aha.Soomow ha noolaado!wax doqonkaan runta u sheegaba isagaan haynaa.
14.03.2016cigalle

Grow up.

Ku-lamaa uu hadal uu bato, ku-lamaa macno darro uu bato. Tan kale Titleka waxa uu muujinayaa ninka cantra baqash-kaan xar-xariiqey inuu ka xun yahey in dad intaa le'eg ey soo dhaweeyaan Dr Gaas. Lamana garan karo qoladda uu u xanaaq-San-yahey. Ma Gaas mise Dadka soo daweeyey? Everybody can see this is a bloody fucking personal stuff.it's a pure envy and he is there and i'm here.
Adeer ka weynow hoos wax ka araga. Kor fiiri, miskaxdaada waa iney kala duwan markii aad musqul aad ku jirtid iyo markii aad Majeerteyn aad la hadlasid. وبعدين لازم تفهم ان ثرثرة للحمير فقط.
13.03.2016Doqon-waanshe

Tuug Beenaale ah

Beenaalaha la baxay Runsheeg, meel kasta ayaan ku arkaa, aleylahay adigaa cuqdadaysan , oo gaas shaxaad iyo baryo u daba jooga, tuug xun oo hunf ah baad tahay, shacabka puntlandba lama shiree muxuu yahay shacabka uu minnesota kula shirayo?! adiga iyo Gaas isku caqli baad tihiin xishoon meysaan, waxaadna rumaysantihiin ceeb maxay ku yeelaysaa labo af maroojisee, waxaa xadi karto xad, been sheeg, waxaan ku cunin cun, marka tuug xun oo qabyaalad ka hadlaya ayaad tahay ee ninkaan waxaan run ahayn anigu ugama baran, midda kale waxaad tiri kuwii mudaaharaadayay ninkan wax qoray sida uu sheegay minnesota ma joogo, marka waxa meesha ku qoran maadan aqrin dad baanad caayaysaa adigoo nin wuxuu yahay aan la aqoon u hiilanaaya.

Runsheeg

Waxaan u malaynayaa kan qoraalkan qoray inuu ka mid ahaa kuwii Doonayay inay ku mudaharadaan Mudane Gaas, Laakiin markay arkeen in ay mawjado qaadeen kuwii mucaaradka yar ahaa ee isku uruursaday guriga kuwa Cuqdadaysan ayay Boorarkii dhigeen.

Cuqdad u dhinta maxaa laga bi'iyay kuwaan waxaan jirin tabanaya.

Run ahaantii wali maanan arag Madaxweune ka macquulsan ,wax is la wayni ah ee ku jirtaana ma jirto ilaa inta uu yimid Minnesota illaa iyo iminka shacabkii Soomaaliyeed ayuu la shiraya lana qaxwaynayaa,Xattaa Maalashii Somalida Mid uusan tagin ma jirto ,xatta Schoolaadkii Somalida ayuu soo booqday,waxaana leenahay Alaha Sharfo.

Waxaa aaminsanahay inuu yahay Madaxweynaha Dhabta ah ee Somalia Mustaqbalkana noqon doona insha Alaahu
POST A COMMENT
Captcha

[top]