Opinion
16.03.2016 comments (5)
Yuusuf Cumar

Yuusuf Cumar

C/weli Gaas ninkii reerka u dhaanshay ee Awrku dhexda kaga lumay!!

Maamulka Puntland oo ah mid qaangaar ah ayaad moodaa in waayadan danbe uu siba`an u dheel dheeliyaayo.waxba adoon daalin meelkalana aan laaclaacin si fudud u dareen waxa dheeliga keenay waa hogaanka sare oo marin waayay shacbka wadadii toosnayd. Dr Abdiwali Gaas maanta ul uma wato umana duubayo isaga ee waa hoga tusaalayn guud ee ku qotanta hogaamin xun idilkeed.Marhadaad noqoto hogaamiye waxaa ku soomaraya xaalado kala duwan sida guulo,farxad,murugo iyo guldarooyin,nabad iyo colaado,badhaadhe iyo khatar intaba. arimahaas oo dhan waxaa sal u ah go aan.in lawada tashado arimaha la gorfeeyo waxay ku biyo shubanaysaa go aan gaarid uun. wax badan baan xusay in hogaamiye cida noqonaysa laga eego maleeyahay go aan uugu horayn.

 

Waxaan qabaa hadii go aan uusan lahayn hogaamiye in uusan markaa ahayn nin xukumi kara oo meel marin kara dal iyo dad.tusaale yar eeg mogdisho ama xamar,waxaa ka jirta amaan daro iyo xasilooni la aan xadkii dhaaftay hadana madaxwaynaa jooga!! maalintii la doortay gurigii uu galay ee ajinabigu ku ilaalinayo yuu wali ku jiraa.ma dhicin in uu xaafadaha xamar waxkale daayoo tan usoo xigta madaxtooyada intuu lugtiisa ku yimaado ka dhigo hubka oo uu kaseemo kala danbayn iyo amaan buuxa. ninka noocaas ah ayaa soomaaliya ka sugaysaa in uu dalkaa dhan wax kabadalo oo nabadeeyo kuna soo celiyo xasiloonidii iyo kala danbayntii hada waa soomaaliya oo dhan!!

Halkan xikmad baa ku jirta yaan la khaldamin maha in madaxwayne xasan sheikh yahay nin xun maha sidaa arinku.Dulicda maqaalka lasoco ninku waa nimaan lahayn go aan oo macnaheedu yahay ma hogaamin karo dal iyo dad.madaxwaynuhu waa leeyahay aqoon ah xataa heer jaamacadeed,waa leeyahay xoogaa reer magaalnimo uu dadka ku dhex galo,waaleeyahay xoogaa garasho iyo caqli oo eber maha,dhanka kalana haduu garan waayay arinkaa amaanka xamar ah mutacalimiin farabadan baa u sheegay,markaa wuu arkaa waxa larabo oo dhabtu tahay.Waxaa meesha taal waa away ninkii gaari lahaa go aan ah in uu hubka ka dhigo xamar wuuna awoodaa. maqaadan karo go aan waayo maha madaxwaynihii saxda ahaa laakiin dhanka kale waa fadhiyaa kursigii madaxwayne xaqa u lahaa ah nin go aan leh. macnuhu waxaa weeye kursigu waa sax laakiin nin qaldan yaa fadhiya. dhibkaas ayaa haysta xamar anagan puntland ahna Dr baa noo jooga!!!.

 

Shaqsi walbaa hogaamiye mana noqon karo,haduu isku soo cariiryana kama bixi karo wuuna ku fashilmi ku ceeboobi taariikh xumana karaaci,maxaayeelay umadaa kuwada baran oo aad maskaxdaadii iyo caqligaagii usoo bandhigtay.laakiin hadii shaqo aad ka bixi karto aad doonato waad asturnaan waligaa. ma garanayo wax qof uu foolxumadiisa iyo ceebtiisa isu soo bandhigayo!! oo loo baranayo.hadaba waxaan leeyahay war nin walbaa qofwalbaa haka fakaro awoodiisa iyo shaqada uu ka bixikaro intuusan dalabka dhigan.

 

Shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay mid yaysan idinka hoosbixin iska eega ninkii dalabkan idiin layimaada horta go aan maleeyahay? haday tahay jawaabtu malaha go aan haka qabanina arjiga haduu leeyahay go aan kafakara shuruudihii kale ee xigay ee hogaan looga baahnaa.cadawkasta haduu kugu yahay,hadaad siyaasadiisa si kasta u necebtahay ugana soo horjeedo marwalba waxaa ku anfaca nin leh go aan.ninkan hada hafrahaya kursiga madaxwayne baldaya dalkiisii ayuu ajinabi magan uugu yahay.waxaan xasuustay niman 25000 dirham ku kiraystay xamar oo talyaani ka kireeyay kuwaas oo ahaa cumaaniyiin zanzibaar kayimid oo siciid barqash watay bilawgii 1925 kii. odayadii soomaaliyeedna ay indha ka dhawrayeen carabkaa iyo talayaanigaa dalkoodii kala iibsanaya iyagoo taagan oo aan waxba laga waydiin. waxan u qaatay in habawgani halkaa in uu kasoo jeedo!! taariikhdu iyadaa dib isu qorta,maanta waxaan aragnaa madaxwaynihii dalka oo taagan in ilihii dalka ee dhaqaalaha ajinabi la wareegay,haday noqon lahayd dakadii,garoonkii diyaaradaha,isbitaaladii,iyo dhulkii xeebta guud ahaan ee xamar.

 

Waxaa intaa dheer in shirkado ajinabi ahi dhulkii beeraha ay lawareegeen,in uu shidaalkii dalka shirkado maafiya ah ku wareejiyay oo hada dacwadoodu taagan tahay.waxa uusan fahan sanayn waa maxay gobonimo? go aan malaha macnuhu waxaa weeye ma dhihi karo ajinabiga dalkan anaa leh wuu cabsanayaa waayo go aan darada waxaa la dhashay cabsi.waa dabeecada aan ku aragnay dr kayaga.

 

Soomaali waxay u baahan tahay madaxwayne leh go aan fahansan dalka in uu isagu leeyahay.waxaaba ka dhaadhacsan kan hada ku danbaabay kursigii madaxwayne soomaaliyeed in ajanabi xamar dadka ku nool u qabqabto,hubka uuga dhigo sidaa uugu shaqeeyo isaguna sidii cadrad gabar ah oo barbaar tobaadkii kula jiro inta cilaansado halkaa uun isha balcleeyo.waa maan guracan iyo garasho jaan.

 

Markan tayda ka hadlo puntland way wayday laba arimood madaxwayne u xaliya oo kasaara culayskaa siyaasadeed.

1.Waa xal u helida mudug waqooyi oo ay dawlada fadaraalku ka dhistay maamul ka kooban galgaduud iyo mudug oo dhan.tanoo puntland aysan shacabkeeda ka qancin in waqooyiga mudug sidaa ku raacay galmudug iyo in uu yahay sidiisii puntland? nooma cada arinkaasi nasiib daro.

 

2.Dawlada fadaraalku waxay cadaysay in ay go aan qaadatay ah in baarlamaanka lagu soo xulidoono lamayaqaan 4.5. mahayno go aan cad oo puntland ay ku diiday arinkaas,marka laga reebo hadalo aan ahayn rasmi dawladeed oo saxaafada laga sheeg sheego. nasiib daro shacabka puntland mahaysto wax mawqif cad ah oo kuwajahan aayaha masiirka dalkooda taasoo ay xaq u leeyihiin dastuuri ah in ay helaan. arimahani maha kuwo sir gala waa xuquuq shacab dal iyo dad.

 

Waxaa sababay murugtaa labadan qodob ee korku xusan waa go aan darada dr gaas.maha nin xun mana ka soo horjeedi shaqsiyan isaga iyo dadka uu ka dhashay toona cidlana kama maagayo walaalkay ahna madaxwaynahayga. bal se waxaan diidanahay dhaan daban gaalaha! waxaan diidanahay goobaha masiirka puntland lagu hayo ee na khuseeya oo u bahaan go aanka iyo matalida dhabta ah kama muuqatidee maxay ii tari jaazka aadku dheelaysay laatiin amerika!! akhyaarta qurbaha ku daahay ee habeenkaa isaga baahan jimicsiga oo intaa walwalka qurbaha isaga yaraynaya la dheelkooda miyaan kuu igmaday dr gaas? arimahaas culculus oo taagan miyaad qoobkacayaar doonatay maanta? dhinac puntland abaara laga sheegayaa,dhinacna dagmooyin baa la qabsaday baa la leeyahay,labadaa arimeed ee korku xusnaana waa lagaasugayay cadayntooda maxaad ka shaqaynaysaa? hanagu xanbaarin in aan kuugu nimaad puntland xilka iska dhiib wado dhaaniskaaga adeer na dhaaf aanu is difaacnee.

 

Duulkii hogaanka sare ka xumaadaa kama baxaan dib u dhac,wareer,iyo ehelkoo is eedeeya ninba ninka kale ku yiraahda adaa iilahaa.dhibkuna waa hogaanka aan lahayn go aan.waxaan intaa ku daynayaa dr gaas waa NINKII REER U DHAANSHEE AWRKA DHEXDU KAGALUMAY.waaba ninka amerika dhexdoobinaya dhulkiisiina la qabsaday!

 

                                                                                             Gunaanadkii iyo Gabagabadii

 

Dhibka oo dhami waa go aan la aan haysata xamar iyo puntland tanoo ka imanaysa madax jilicsan oo ku danbaabtay kusi loogu talagalay madaxwayne go aan leh oo hogaamin kara dal iyo dad.waxaan halan ku xusayaa arin aan kaga quustay intabadan madaxda soomaalida maanta,raganimo xumida maha dr gaas oo kaliya markaan ka hadlayo puntland,waxaa waayo dhawayd hadaanahay shacabka puntland isaga kaaya dhigay wax na difaacaya madaxwaynihii hore ee puntland mudane faroole iyo wasiirkii tacliinta mudane cali xaaji waan ku diirsanay hadaladoodii iyo dagaalkoodii ay saxaafada la soo istaageen.waxaan ogaanay kadib markii beeshii caalamku timid garoowe oo nimankii qaylinayay la arkay oo lalashiray,in arinkiiba noqday cidi kuma arkaysee afka buuxso!! labadaa nin waa khainul wadan dr gaas ayaana dhaama ogaada taas.waaba horar inaga mushtaraya oo inagadanayaba nimankaa malaha damiir iyo dadnimo ay ku difaacan puntland wax kalay doonayeen waase baranay kana digtoonahay.iyaga waxaan leeyahay hadaad aragteen wiilkan yaroo jaazka ciyaaraya adeer anagaa ilaashanayna puntland kamana qabanaysaan wax xil ah danbigaad gasheen aawadii.shacabka waxaan leeyahay najiskastaa yuusan tolnimo inagu beer la xawsanin ee aan ilaashano damiirkeena dalkeena iyo dadkeena nin yaynaan raacin tolkasta oo aynu nahay,maxaa yeelay waxaaba laynoo qaatay doqmo lasyka dulmari karo oo la isticmaali karo waa sidee? wanaagaas ka muuqda jubaland oo hada in la yaqleelay rag baa ukacay libaaxyo ah warku dayda waa mataankiin ee aad liibaanteen ee.

 

 

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

 


COMMENTS
18.03.2016Abdul Aw-nur

Wadani

Dadka webkan hel waxaan dhihi lahaa ,lamajoogo xiligii dacaayada iyo cayda Puntland iyo madaxdeeda, The state is under attack so come something usefull.

mr

doqon baad tahay qabyaaladi dilootay iyo cuqdada , waxaad ku farxaysaa dhaliisha gaas , waxad ka naxaysaa , horumarka reer puntland,
mijintaada jaadka ah iskaga mirqaan kolley faa,iido ma lihide

mr

ManshaAllah ilaahey ha shsrfo Hana xafido mafaxweeyne Abdiweli Gas. waligey ma arag qof sidaas loo jeclyahay. somali oo dhan baa meelkasta katimid. Anigu aad iyo aad baan u jeclaa in aan gacanteeyda kusalaamo oo isku masawiro.Columbus ayeyvii suurtoobi weyday. Minneapolis ayaan uga dabatagay mana ii suurtagalin in aan isku masawiro. khalqigii soodhaweynayey ayaa 100,000 ( boqol kun) kor udhaafay. sadex beri kadib hafladii soo dhaweynta ayaan fursada mahelin sababtoo ah dadkii ayaa faraha kabatay.baakinada hoteelkiisa wey buuxeen. sidaas darteed fursad aan isku masawiro ma helin. inshaAllah next time he comes back I will the chance to meet him and shake his hand and get my dream photo with him. it's true every body loves Abdiweli. Somalis from every region and all walks of life wanna see him. the place looks like the POPEOf the vatican came. never seen something like that. it seems people really trust him. He visited the malks and the coffee shops. he was down to earth like any common guy on the street or neighborhood. he even visited capital park. can you believe that. he chitchat with ayeeyos and awowos and sipped coffee with them. that's hilarious and that's a sign of a great leader. I think that's the reason why people loved him alot. And that's the reason why I respect and longed to have a historic portrait with him. too bad I didn't get the opportunity to do so. and I the the main reason why people gathered by the thousands is the fact that he stood up the will and the wishes of his nation by by advocating for a system that would lead Somali nation to a true democracy and development for all somalis.
17.03.2016Doqon-waanshe

Ha wareerin

Ninka la baxay ANIGA ha wareerin, doqoninmo loo baahna, ninkaan dalkii oo dhan isagaa noqday, ummadiina wuu qalday, wax kastana isaga ka muhiimsan, waana in ummadda loo sheegaa Gaas in Puntland loo soo kiraystay walina qandaraaskii u socdo intaas haddad garan weydayna Idiots Club arji u qoro kugu daali maynee.

mr

kuwanina waxay ku wareereen cabdiweli gaas , dadka akhbaarta usoo gudbiya mise webka waxaad u furateen shkhsi colaaddiis
POST A COMMENT
Captcha

[top]