Opinion
20.03.2016 comments (0)
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Al-SHabaabkee baa ku duulay Puntland?!!

Hubanti kale uma baahni, waxaa  igu filan hadalka waziirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qar-Jab), waxaana igu filan sida uu Xasan SHiikh Max’ud ula dhaqamay shacabka SHabeelaha –Hoose, markii ay ku adkaysteen inay rabaan inay iyaga is maamulaan, dagaalkaas wali ma dhammaan, sidaasoo kale dagaalkii uu ku qaaday shacabka  beeraleyda ah ee SHabeelaha –DHexe  deggan, waxaa kaloo daliil cad ah  oo aan la inkiri karin  dagaalkii uu ku qaaday Ahlu Sunnah Wa-Al-Jamaacah si uu saaxiibkii Cabdi Kariim Xuseen Guuleed maamul uu madax ka yahay u sameeyo isagoo aan dan ka lahayn cawaaqib xummada ka imaan karta, sidaasoo kale dagaalkii  uu la galay maamulka Jubaland markii la aasaasayay iyadoo uu waliba si cad oo bareer ah dagaalkaas isugu soo bowdyo qaawiyay waziirkiisii xilligaas Cabdi Xakiim Fiqi, oo waliba isaga uba qaatay dadka Jubaland deggan inaysan Soomaali ahayn illaa uu gaaray heer uu seex-seexdo derbiyada  gigada  diyaaradaha  Kismaayo isagoo iska dhigaya inuu jihaad kula jiro cadow Soomaaliya ku soo duulay, waa Xasan SHiikh, waa dabeecad uu iska bartay,  isagoo gabbaad ka dhiganaya Max’ed Cuthmaan Jawaari oo u garbo duubay  dastuurkii iyo sharci kasta oo ay ummadda lahayd.
 
SHaki  iigama jiro in Xasan SHiikh Max’ud oo ay ku daabanyihiin ama ay daba fadhiyaan sir-doonka dalalka damaca ka hayo Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda Ingiriiska ay ka suuroobaan waxyaabo badan oo qofka caadiga uusan caqligiisu oggolaanayn, Al-SHabaab waxay u qaybsantaa  noocyo badan oo aan ahayn sidii ay markii hore ku bilabatay, waxaa jira Al-SHabaab Maraykan ah, waxaa jira Al-SHabaab Ingiriis ah, Al-SHabaab Qatar iyo carabaha kale ah, Al-SHabaab Itoobiyaan ah, Al-SHabaab Kenyaan ah,Al-SHabaab Djiboutiyaan ah,  Al-SHabaab  AMISOM ah, Al-SHabaab Dowladda federal-ka ah,  waa la sarifay  Al-SHabaab oo iyagaanba is aqoon,  laakiin annaga hal magac bay inoo leeyihiin, dhammantoodna isku si bay inoo dilayaan, qaar waa kuwii asalka ahaa oo waxay inoo dilayaan waxay rumaysanyihiin inay  iyaga keliya Islaam yihiin, inta kalana waxay kuu dilayaan adeegga ay u hayaan sir-dowladaha  soo dirsaday!....
 
Wali wax badan baa innaga qarsoon, waana adagtahay inaan garano shirqoollada laynoo mareegay si wixii la doono laynooga samaysto, khatarta dowladaha dalka yimid iyo ciidammada shisheeye ee meel kasta oo dalka ka mid ah si shuruud la’aan ah iyo madax banaanida isaga dhex maraya, wali dad-weynaha kuma baraarugsana loomana sheego.  Nin kasta oo shisheeye ahna waxay u arkaan inuu ku joogo oggolaanshaha hadba maamulka deegaankooda, diyaaradaha Drone-ska  waxa ay dilaan cidna ma taqaan mana oga, waana shaki la’aan inay inay taba bar dadkeena ku qaadanayaan. Al-SHabaabka hadda la leeyahay wuxuu ku soo duulay Puntland wali dal reer galbeed kama hadlin, wararka  Xamar laysla dhex marayo ayaa waxaa ka mid ah in mas’uul ka tirsan dowladda federal-ka uu yiri Puntland waxaan u dalbaynaa ciidamo AMISOM ah haddii ay taageero innaga rabto, waxyaabahaas oo dhan waxay shaki gelinayaan Al-SHabaabka Puntland ku soo duulay inuu yahay noocii asalka ahaa ama kii aan buuraha Galgala ku naqaanay noociisa, maxaa yeelay sidaan ku baranay kuwaas marka meel  lagu sheego maraakiibta  qaarkood ishu qabanayso ee xeebaha qaatay diyaarado laga soo kicin jiray, laakiin Al-SHabaabkaan waa ka duwanyihiin oo waxaa dhici karta inay yihiin noocyada dowladaha shisheeye ee aan kor ku soo xusnay.
 
Diyaaradaha saanadda ah ee dowladda federal-ka ah ay Puntland u dirtay waxaad moodaa inay jawaab looga  jawaabayay  eedayntii  kululayd ee waziirka Amniga Puntland si meesha looga saaro tuhanka dowladda federal-ka la tuhunsanyahay, hubka dowladda federalka maamul goboleeddada dhisan si qaynuun ah ama sharci ah bay tahay in saami looga siiyo, mase dhicin illaa dowladda lagu eedeeyay inay dagaalkan gacan ku leedahay, askaraa la soo taba baraa maamullada gobollada cidna loogama daro, marka diyaaradaha saanadda ah cadayn uma noqon karaan inaysan jirin eedaha uu Qar-Jab u jeediyay dowladda federalka, waxaana jira waliba warar sheegaya in diplomatsiyiin shisheeye ah ay dowladda cadaadis ku saareen inay saanadaas diraan…..si kastaba ha ahaatee Puntland duulaanka lagu qaaday waa qorshe lagu soo beegay xilli shaki weyn uu ka jiro siyaasadaha dalalka shisheeyaha ah eek u wajahan Soomaaliya, siiba xilligan kala guurka ah.
 
Waxaa iyadana in ka badan 90% macquul ah in dowladda federal-ka  eedda uu u jeediyay Qar-Jab ay dhab tahay aan meesha laga saari karin, maxaa yeelay dalkii wuxuu noqday meel qof kasta wuxuu doono ka samayn karo, siyaasigii Soomaaliyeedna wax kasta oo uu samayniyo oo dhan waxay ku soo urureen hebel ku-xumee. Waxaase  arrin cad oo ina soo martay ah oo uusan qofna inkiri karin in madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud uu xabsiga ka sii daayay  Gen. Cabdi  Max’ed  Ismaaciil oo ahaa taliyihii hore ee Ciidmmada Asluubta, oo isagu ay maxkamadda ciidammada ku xukuntay xabsi daa’in markii lagu helay inuu xabsiga ka sii daayay ciidamo ka tirsan Al-SHabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar-sare, taasoo ka dhan dagaalka ay dowladda iyo shacabkaba kula jiraan Al-SHabaab.
waxaan iyadana aan ka war qabnaa in November 14, 2013kii, Puntland lagu qabtay labo nin oo midna Ingiriis yahay kan kalena uu ahaa Faransiis, labadaas nin  oo goboladaas ku soo galay inay ka shaqayniyaan hawlo samo afal ahaa, ayaa sida lagu eedeeyay markii la baaray telefonadooda laga helay fariimo ay ugu digayeen ha’adaha dowladaha reer  galbeedka ee dalka jooga, iyagoo u sheegaya  hadba meesha ay Al-SHabaab hawl-gal ka fulinayso inta uusan dhicin hawl-galkaas! (u malyn maayo inay xiranyihiin waqtigaan) taasi miyeysan macnaheeda ahayn inuu jiro xiriir ay dowladaha reer gabeedka ah la leeyihiin Al-SHabaab, oo waliba haduusan ka badnayn la mid ah kan carbaha sida dalka Qatar uu la leeyahay oo kale?! Kaaga daranee xogta khatartaas  maamulada deegaanadaas jooga lama oggoleyn in la siiyo, waxba uma sheegayaan,  hadhoowdiina cambaaraynta bay kugu kaalmayniyaan!!....waase yaabee! maxaa hadda diiday in ciidammada badaheenii buux dhaafshay ee iska degay iyadoo aanan laga war hayn waxa ay ka hayaan ay nimanka ku soo duulay Puntland ayagoo badda soo maraya, sow taas macnaheeda ma aha inay waddad u baneeyeen ama xataa soo galbiyeen?!......Mise ma arkin baad is leedahay?!...
 
Dagaalkaan  hadda socda tddobaadka wax dheer,  ee Al-SHabaabta aanan garanayn ay ku soo qaaday Puntland, ilaa Al-SHabaab waa noocyo badantahayee, ma aha in Soomaalidu fududeysato, ama inuu fahamka ka khaldamo ama lays moodsiiyo waxaan jirin, Koonfurta Soomaaliya  si dhib yar baa sal-dhigyo looga samaystay dalka lagu qabsanyo laakiin tani waa qorshe kale oo la rabo in lagu dhamays-tiro qorshe hor leh oo sal-dhigyo looga samayniyo gobollada wali ay naftu ku sii dambayso!...KHatar!..Halis! arrintaan in la yaraysto ma aha, Col Gondahaaguu Ka DHashaa! Waa tan oo kale, dagaallada hadda ka socda Puntland waa qiyaas aad caqli gal u ah in dalalka shisheeye sir-doonkooda oo kaashanaya Dowladda Federal-ka ah ay ka dambeeyaan, waa suuro gal inay ka dambeeyso dowladda federaalka ah lafteeda, laakiin hadda waxaa arrin fiican ah in dareenka dadka Soomaaliyeed in ka badan 80% uu dagaalkan dhiilo geliyay waayo waxay  waayo arag u yihiin 26kii sano ee la soo dhaafay maalin kasta inta la argagixiyo, cabsi la geliyo, khatar la geliyo, oo laysku diro oo la dhex galo baa marka dambana  ciidamo idin kala ilaaliyaan idiin keenaynaa. Haddan qatyaan ka joognaa Itoobiyaanka luuq-luuq kasta kaaga hor imanaya, Puntland meeshii aad martaba, tuulooyinkii, baadiyihii, marka Soomaalidu ha garato waxa socda gacanna ha siiyaan shacabka Puntland, si looga hor tago qorshaha qarsoon ee duulaankaan…hana la ogaado Al-SHabaab mid ma aha ee waa noocyo badanyahay!!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]