Opinion
20.03.2016 comments (0)
Cali Cilmi Soomow

Cali Cilmi Soomow

Gaas ka tashada, reer Puntland waan idin digay!

Soomaalida waxay tiraahdaa haddii talo oday la yeeli lahaa lax waraabe ma cuneen! Anigu waa iga talo odaynimo, anoo waliba ah nin u dhashay Puntland, waxaan arakaaya dhibaatada soo socota, fiinta anigaa ka foojignaan badan, qatar buu idinku ridayaa, nin aan ogeyn inta aan ogahay ma jirto laakiin qaar badan oo  naga mid ah dano gaar ah baa Gaas ku qasbaya dad iyo dalna dan kama laha, Ilaahay dalka abaaraha ha ka saaro Aamiin.
 
Safarradii Gaas waxaad ka garan kartaa inuu waqti siinayay Xasan Shiikh maxmud iyo Maxamed Cusmaan jawaare, laakiin gaas wuxuu doono ayuu ku hadlayaa dan kama laha oo culays iyo wax xil ah midna ma saarna, reer Puntland manta Colaad iyo Abaaraba waa idin haystaan, waxa aad kaga bixi kartaan waa dadnimadiina iyo inaad isku tashataan, khayaano iyo hoggaan been idiin sheegayana kuma dari kartaan, Gaas wali wuxuu ka sheekaynaayaa Soomalinimo Xasan iyo Jawaari ay qabriga gesheen, xildhibaanadii xamar joogayna ay la xabaaleen, colaadaha iyo abaarta ha ku darsanina talo xumo iyo in loo hoggaansamo qayaanada wax is daba marinta cabdi wali gaas.
 
Cabdi wali gaas maalintii uu xilka kala wareegay Madaxweyne Faroole baa markiiba waxaa soo baxay inuusan barako lahayn, seddex maalin oo isku xigto buu marna lahaa “ Dowlad baa laynaga wareejiyay dhamaystiran” marna lahaa “40 malyan oo dollar deyn bay dowladdii Faroole inooga tagtay”  marna uu shahaado gudoonsiinayay Faroole, hal maalin hadal ka suganaada ninkaas lama sheegin,  balan uu galay oo loogu yimaado lama arag, dadkuna waa iska aamusanyihiin, maxaa jira sidaas dowladnimada la noqotay. Waxay rabaan shacabkaan Puntland in la baro dowladnimada kama soo harto awoodda shacabka,  waxaa la rabaa shicbigaan puntland in loo sheego dowladnimadooda qofkii wax yar  u dhima inuu naftooda oo dhan wax u dhimay  loogana baahanyahay in talaabo ku haboon laga qaado Ilaahow uu madaxweyne ahaado, haddii axsaan loo samaynaayo marka uu ugu liito waa inuu iska tagaa ama waa in maxakamad la keenaa oo sharci uu maraa oo danbigiisa lagu qaadaa.
 
Sanadkee la joogaana, adduunkaan maanta millennium ka maraaya in bin aadaan caqligaaga ku ciyaaro waa ceeb waaye, intee la maraayana , adiga qabiil iyo quran aa nin kugu adoonsanaaya, macquul ma aha, kuwo dhahaayo insurance waayay ma aragtay, intee la joogaana,  waa hubaa Gaas inshuurinsigaas  beenta ah baa la geliyay oo kuwo uu ka dhaadhiciyay inuu jiro inshuuransigaas iyo kuwo isaga u haysta inshuuransi inuu u yahay  kuligood waa qaa,imiin isu kaashaday inay ku noolaadaaan nolol aan loo dhididin oo midba kan kale ku tiirsanyahay oo haddii uu waayana uu dhimanayo, Xasan lacag un bay ka rabaan, shisheeye lacag un bay ka rabaan, gaajo siyaada ah oo xanuun ku haysa oo ay dadka dheeryihiin ma jirto iimaan daro keliya baa haysa, waana sababta ay Puntland u burburinayaan.
Ninkii aad arkaysay  ee wasiirkisii amniga  oo dalkii jooga  oo aan hubo inuu kaga xog ogaalsanyahay  ataagga maanta puntland lagu soo qaaday ka hor yimid oo beeniyay  isagoo aad moodo inuu baqayo, wuxuu fahmi waayay inuu ka gaabsado, kama aha inuu garan waayay wuxuu diidanyahay inuu wasiirka wax sheego, wuxuuna ixtraam ka badan midka uu wasiirkiisa u hayo uu u hayaa Xasan Shiikh maxuud, danta uu ka leeyahay maxay tahay, Xasan Soomaalinimo dan kama laha waa lahubaa oo shaki kuma jiro, Haday biyo wax laga dheefayo rakaha  ka fiiri!!! Xasan Shiikh maxamuud haduu Soomaalinimo rabo koonfurtaa laga arki lahaa, ummadii oo dhan buu labo labo isugu diray, wax run ahaan ninkaas gartay qaai,inimadiisa reer Hiiraan baan arkay, oo waliba an aaminsanahay inuu wax badan u ogolaan lahaa.
 
Gaas wuxuu wax qabad inooka dhigaayaa inuu isla soo maswiro habarta wasaaradda arimaha dibada u qaabilsan  ee dalka maraykanka u qaabilsan Africa ee Linda Thomas Greenfield,  ntaasoo caado ahaan uu la kulmi karo qof kasta oo America joogo iskuna maswiri karo, waxaana ka dhaadhacsan inay taas dadka reer Puntland u arkayaan wax weyn oo uu ku khaldi karo. Waxaad ku jirtaan dagaal iyo xilli adag oo abaar ah, waa hadaad tihiin reer Puntland, dowladdaan aad daba socotaan ama uu Gaas idinka daba wado iyo miyaad aragtaan wax dan idinka leh, ogaada marka kama mid tihiin, Gaas yuusan been idin sheegin, maxaa meel aan lagaa rabin isugu ridridee waxaan hubaa baahi idin haysa  Xasan dowlad uu madax ka yahay ma jirto, waad soo aragteen xumaantiina keliya buu shaqo ka dhigtay, yuusan gaas idin hoolaalin.
 
Anigu dad dhan oo ummad ah ma oran karo waa sixranyihiin, laakiin reer Puntland calaamado dad sixran bay leeyihiin, u dhabo gal, Waa yahayee yaa sixray, waa yahay Gaas maxay ku caashaqeen haddii aanay sixranayn? ciidammada uu kala eryay, mid uu la dagaalo, mid uu gaajaysiiyo, baa manta dalkii difaacaya iyagoo aan isagana waxba uga rabin abaal ah, waa dalka uu maalin kasta qayaanayo iyaguna difaacayaan, laakiin kuwo badan oo uu u horeeyo baarlamaanka oo dalkay leeyihiin la leeyahay indhahay ku hayaan waana aamusanayihiin, ma sidaa bay ku fiyowyihiin? Ma Gaas baa fiicnaan iyo xumaan kala yaqaan?  Mise wax kalaa jira oo dadku waa wada sixranyihiin, yeey taas ka dhaadhici kartaa.
 
Shicibka Puntland waxaa aad ugu amaanayaa inay is garab taageen si buuxda ciidammada dagaalamaya,  waxaana kula talinayaa hadaydan Gaas iska qaban waligiin dhibkaas baad ku jiraysaan ee ogaada, hadda wuxuu la aamusanyahay inuu barnaamijka  Michaael keating iyo Xasan Shiikh maxud ay xamar ka wadaan oo ay rabaan inii dowladda waqtiga loogu daro buu wax ka wadaa, haddii aad adinka keensan waydaan qorshe  iyo talo waxa aad ka yeelaysaan hadii Xasan iyo Jawaari waqtiga loo kordhiyo gaas aan iska raacno buu idinku oran doonaa ee hadda ka tashta, Gaas, iyo Cumar sharmarke waxay shirko yihiin Xasan iyo jawaari, yaan laydin gaadin, marna Gaalkacyo, marna Garacad, marna Godobjiraan iyo Suuj maalin kasta meel ha laydinka soo attakgareeyo.
 
Ciidmmada yeysan idinka gaajoon,Gaas waan hubaa wuu qadin, wuu gaajaysiin, wuu silcin sidii uu waagii horaba mushhaar la.aanta u dhigay oo kalaba, wuxuuna ku fekerayaa oo waliba qorshihiisa laga garankara inuu doonayay inay hubka iibsadaan si uu dadka ugu qasbo inuu AMISOM keen. Waxaan aad ugu mahad celinayaa shicibka nugaal taakulada ay la garab istaageen cidammada, waxaana xasuusinayaa shicibka Puntland Ciidamada waad ka war haysaan waa wiilashiinii, waa kuwa aad dhiigooda iyo naftooda ku seexataan, intaad wax kasta oo kale iska dhaaftaan taagera oo garab is taaga ciidamadiina, oo Gaas ha ku halaynina.

Soomaaliya Ha Noolaato!                              Puntland   Ha Noolaato!
 

Wa-bilaahi Towfiiq
Cali Cilmi Soomow


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]