News
20.03.2016 comments (0)
Garowe

Garowe

Shir dhaqaale loogu ururinayo ciidamada Puntland oo lagu qabtay magaalada Garowe

Qaybo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimada Garoowe, Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane, Craxman Faroole iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo 19-kii bishan shir ku yeeshay guriga uu degan yahay Dr. Faroole ayaa go'aansaday inay ciidamada kala duwan ee Puntland ee xiligan dagaalka kula jira maleeshiyadda Al-Shabaab la garab istaagaan  taageero hiil iyo hooba leh.

Kulankan ayaa lagu go'aamiyay diyaarinta lacag dhan 50.000 $ (Konton kun oo dollar Maraykanka) oo loogu tala galay taageerada kala duwan ee ciidanka,.lacagtan ayaa durbaba intii badnayd lagu soo uruuriyay 20-kii bisha xubnihii loogu talo galay inay lagu soo aruuriyo.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in 8-da xaafadood oo ay ka kooban tahay caasumada Puntland xaafad walba ay maalin leedahay diyaarinta sahayda deg dega ah ee ciidanka.

Kulankan ayaa muujinaya sida shacabka Puntland uu isugu tashaday, isla mar ahaantaana ay naf iyo maalba ugu hurayaan dalkooda, dhanka kale Jaaliyadaha dibada qaarkood ayaa wada dadaal ay dhaqaale ugu ururinayaan ciidanka Puntland ee geesinimada muujiyay.

Dunidaonline.com
Wararka-Puntland


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]