News
20.03.2016 comments (0)

Jaaliyadda PDF Germany oo la wareegtay Daawo 5 Ton ah oo loogu deeqay dalka Soomaaliya [Sawirro+Video]

Ha’yadda Jarmalka u qabailsan gargaarka Dawooyinka ee German Medical Aid ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqday 5 ton oo daawo ah, qiimaheedu ku kacay 1.000.000 € hal Million oo Euro, dawadan oo isugu jirta noocyo kala duwan ayaa waxaa la wareegay Jaaliyada Qurbajoogta Puntland ee dalka Jarmalka (PDF Germany) oo wada shaqayn kala dhaxaysayo Hay’adan Gargaarka Daawada ee German Medical Aid.

Munasab kooban oo madaxda Hay'ada Medeor Dirk Angemeer iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee dalka Jarmalka Eng. Mohamed Abdirahman Ali ay kula kala wareegayaan daawadan ayaa lagu qabtay xarunta Hay’ada Medeor, deeqdani ma aha midii ugu horaysay ee ay Hay'adu siiso dalka Soomaaliya, waxayna Hay'adani Jaaliyadda ku wareejisay sanadihii 2014 iyo 2015 Dawo lagu qiimayay (300.000 €) saddex boqol oo kun oo Euro.

Gudoomiye Maxamed C/raxmaan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa intaasi raaciyay inay deeqdan gaarsiin doonaan gobolada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug,  sidoo kalena Hay'ada Medeor iyo Jaaliyada PDF Germany ayuu sheegay inay  iska kaashanayaan, sidii xarun Dawooyinka  looga hirgelin lahaa lahaa dalka Soomaaliya.

Sawirro



























Video



Dunidaonline.com
Wararka-Yurub




 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]