Video
21.03.2016 comments (1)

Puntland ayaa soo bandhigtay Meydad iyo maxabiis ka tirsan Alshabaab [Sawirro+Video]

Ciidamada Puntland ee ka dagaalamay Togga Suuj ayaa soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii halkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay, waxaana saraakiisha Puntland ay sheegeen inay si rasmi u soo afjareen dagaalkii halkaas ka socday.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la soo qabtay maalinimadii shalay, waxaana caawa fiidkii la geeyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Maxaabiistan oo gaareysay illaa 32 oo dhalinyaro aad u da’yar ayaa waxay u badnaayeen kuwo da’dooda u dhaxeysay 13 illaa 19 jir. sidoo kale dhawr nin oo rag waawayn ah.

Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale soo bandhigay, illaa 65 dagaalamayaal ku dileen dagaaladii ka dhacay Togga Suuj, isla markaana ay ku daba jiraan qaar kale oo ka firxaday halkaas.

14-kii bishan ayay aheyd markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doonyo watay ay ka dageen xeebta Garacad iyo Garmaal, dagaalyahanadan ayaa lagu qiyaasay inay gaarayaan 500 oo nin, dhan kale waxaa isla maanta la soo afjaray dagaalkii ka socday dhanka Mudug halkaasi oo lagu dilay malayshiyo fara badan isla mar ahaantaana lagu qabtay maxaabiis farabadan,






 

maxaabis (1) maxaabis (2) maxaabis (3) maxaabis (4) maxaabis (5) maxaabis (6) maxaabis (7) maxaabis (8) maxaabis (9) maxaabis (10) maxaabis (11)


COMMENTS
22.03.2016Abdullahi

Wadani

Salaam dhammaantin:

Gaas isku sawirka ha iska daayo ee askartii dhimaamatay iyo kuwa dhawacah wax ha siiyo nafacleh siiba kuwii geriyooday dadkoodi si ay nolool cusub uu bilaaban..Guul
POST A COMMENT
Captcha

[top]