Opinion
23.03.2016 comments (0)
Qore: Muuse Xaaji Abees

Qore: Muuse Xaaji Abees

YAA QUUS AH???

QUUSTA 1-AAD WAA MUQDISHU IYO INTA DULMIGA KU TAAGEERTA, MATASHADAYAAL WAA PUNTLAND  IYO JUBBALAND OO LOOLA DHAQMAY "QORAY IYO QIIQIIS LA-ISLA-TUUR" MARKAY GO'AAN MIDAYSAN KA YEELANWAAYEEN SHIRARKII MAAFIYONIMADA IYO SHIRQOOLKA EE   KISMAAYO IYO MUQDISHU.
  
Dagaalkii dugaagnimada, indho, dhego iyo aqoon la'aanta ku biloowday ee Xamar ka dhacay 31-kii December galabnimadeedii oo Axad ahayd 1990-kii weli waa socdaa 25 sano iyo bilo kaddib, wuxuuna u dhacay sabab aan dhaafsiisnayn xintan qabyaaladeed, xasad, masayr maskab iyo aragti gaabni ku dhisnayd far-ku-fiiqid Madaxweyne dalka ku qabsaday inqilaab ciidan 21-kii October 1969-kii, shacabkuna ku soo dhoweeyey gacmo furan, caleemo qoyan, banaanbax taageero ah iyo rabitaan ay u oomanaayeen Ummadda Soomaaliyeed 9 sano, mana jirin cid garanaysay shaqsiga hoggaanka u hayey isbeddelka.

Xukunkii iyo Maamulkii Ciidammadu horseedeen wuxuu u xuubsiibtay guul iyo horuumar ummaddu aad u mahadisay muddo 10 sannadood ah, waxaana ka mid ahaa guulihii mudnaanta koowaad kacaanku siiyey:- Qoraalkii afka hooyo. Kobcintii beeraha iyo wax soo saarka iyo kalluumaysiga. Kor u qaadiddii caafimaadka iyo waxbarashada. Midnimadii ummadda iyo nabadgeliyadii lagu wada seexday. Xarumihii ama dhismayaashii hayadaha dawladda oo casriga ahaa oo lagu dhisay iskaa wax u qabso. Qabyaaladdii beeluhu iskaga horimanjireen oo la aasay. Tiradii, tababarkii iyo tayayntii ciidammada qalabka siday. Xoreeyntii Jam. Jabuti iyo hawo-jebintii gumaysigii qallafsanaa ee Ethiopia. Himiladdii lagu abuuray warshado yar. Waxaan la illaawikarin sidii sharafta lahayd ee Siyaad Barre "uga dayriyey, una dayriyey baryada iyo gacmo hoorsiga shisheeyaha". Haybaddii iyo xushmaddii la siiyey Safaaradihii Soomaaliya uga furraa Caasimadaha Caalamka iwm.

Digniintii cuslayd ee Ex. Madaxweyne Siyaad Barre u qaddimay dawladdii Kenya ee waqtigaas markii ay si
aad ah ugu xadgububtay nabadgelyadii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Waqooyi Bari
ee Kenya, waxayna digniintaas kaddib la siiyey tixgelin iyo xushmo weyn.
 
Kooxdii yarayd ee horseedka ka ahayd qaranjabkii Soomaaliya waa lagu halaagsamay kaddib markii ay u ghego nuglaatay talooyin shirqool iyo debin Soomaaliya loogu talogalay burburkeeda, ayna si doqon-ma-garato ah dhegaha ugu shubeen wixii laga dhaxlay dagaalladaas dabada dheeraaday, waxaana ka dambeeyey madax shisheeye oo uu koow ka ahaa Mingiste Haile Mariam-kii Ethiopia.
 
Dadkii loo heshiiyey ee loogu talogalay in la gumaado, hantidooda la dhaco, iyagoo khabaarmoog ahna xabbad lagu casumay waxay ahaayeen dadka reer Puntland, qorshahaasina sidii loogu talo galay ayuu ugu hirgay usc, welina kooxdaasi kama daalin, ma dhergin, mana nasan ee sannadba sannadka ka dambeeya waa arradanihiin, ooman yihiin, baahanyihiin, una ildaranyihiin, maxaa yeelay hore ayaa loo yiri: "IIMAAN ALLAA UUR-BUUXIYA".

Haddaba waxaa caddaan ah in aan dawladda Xamar dan iyo heello kalahayn, wax xanuun ahna aanay ku hayn  saxariirka dawlad la'aantu badday Ummadda soomaaliyeed lyo mahadhada ay ku reebtay 25 sano, kaddibna ay weli kooxdaasi u haarayso, hamuunna u qabto dhiig, hanti aanay lahayn iyo dad kale deegaan-kood. Waxaa caddaynaya arrintaas waxshinimada iyo waallida ah dagaalka ay ku hoobteen ee hadda kasocda Puntland, waxaana ka horreeyey 4 ilaa 5 weerar oo culus oo ay ku soo qaadeen Puntland, kulligoodna ay khasaaro ka gurubsadeen.

Siyaasadda caafimaadka qabta ee dawladda iyo shacabka Puntland aad u jecelyihiin, har iyo habeenna ku hamiyaan waa in dib loo doono, dibna loo curiyo dib u heshiisiin, walaalnimadii iyo midnimadii Somaliya, dibna loo soo nooleeyo qaranimadii ku dhimatay Mogadishu in ku dhoow 26 sano.

Aragtidaas in badan ayaa Puntland ku daashay, dibna ugu dhacday danaynteeda iyo u gacan-haadin dad sii-
jeeda, waase lagu hungoobay, waxaana jawaab looga dhigay samo-katalintii Puntland dagaallo isdabajoog ah iyo in khataro badan loo maleego. 
 
Xaaladda Xamar waxay dhanna u dhaafiweyday, macangagnimo, ijiid-aan -ku-jiidee, gacmo daalis, iyo dani iiguma jirto Soomaaliweyn, shaqo qaran, daryeel Soomaaliyeed, dastuur, federaal, dib u heshiisiin, dagaal baan ka xigaa haddii aan la rabin 4.5, "ILLEEN NIMAAN XISHOO-NAYN DAGAAL XEELI KAMA HAYSO".   
 
Sidaas darteed, maamul kasta oo ka jira Mogadisho waa quus iyo samir aan hadal ka taagnayn, waxaana laga quustay markay ku caddaatay in ay quus iyo belaayo doon ka dooratay wanaag oo dhan.
 
Haddaba haddii Puntland iyo Jubbaland ka gaabiyeen ama ficil ka qaadanwaayeen macangagnimada iyo quus-nimada Mogadisho, qudhoodaa looga baqayaa in ay u jirradaan quus 2-aad, mana ahayn in ay  illaawaan shirarkii lagu xaqiray ee ka dhacay Kismaayo iyo Mogadisho, laguna qiimeeyey; "QORAY IYO QIIQIIS LA ISLA TUUR".

Dagaalka qorshaysan ee toddobaadkan Mogadisho ku soo qaaday Puntland ujeedkeedu waa in sanka laga geliyo 4.5, maxaad u diidday in aan la wareego Gobolka Mudug si aanan ciriir uga gelin aqoonsi caalami ah, in ay istaagaan mashaariicda horuumarineed, khalkhalna la geliyo xasiloonida ka hanaqaadday Puntland.

Sidaas awgeed, waxaa shacabka Puntland ka sugayaan dawladda iyo siyaasiyiinta Puntland mawqif adag oo lagaga maarmayo Hawtalhamagnimada, garaad li'ida, dad-cunnimada iyo aayatiin la'aanta la degtay kuna
dhiidhiibsatay ex Mogadisho.

                                 Qore: Muuse Xaaji Abees
                                  Email: abees11@gmail.com
 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]