Opinion
26.03.2016 comments (0)
Cali Cilmi Soomow

Cali Cilmi Soomow

Gaas iyo Cumar Cabdirashiid 4.5 iyo waqti kordhin waa la diiday!

Al-shabaab maxaa loo leyniyay haddii Xasan Shiikh Maxmuud iyo Cumar Cabdirashiid iyo kuwa la hal maala lagu soo dhoweyniyo Garowe? Philosopher Greek ah baa horay u yiri, qof aan wax fahmayn inaan wax la wadaago waxaa iiga fudud anigoo baaldi duleela biyaha badda ku dhura! Macnaha wax kale ma aha Jugjug meeshaada joog maalin kasta umadda wax anfacaaya ma aha, Al-shabaab waa la gummaadaa kuwii soo diray red carpet baa lagu soo dhoweynaa, marka maxaa tan lagu macnayn karaana?!!!!! Gaas waaba kasay iyo Cumar laba nin oo Xasan Shiikh shaqaale u ah waaye isla mar ahaantaasna dano gaar ah ka dhexeeyo, bal kuwaas waaba la garan karaa Soomaaliya oo dhan bay rabaan inay xoogaa sanuud ah siistaan oo waxay isku qilaafaan waa aniga dalka gadaaya adinkana aan Puntland idinka gado, wax kale iskuma haystaan, 4.5 iskuma diidana, Mudug oo dhan in Cabdi kariin Xuseen guuleed lagu sharfo iskuma diidana, hadda waxay ka shaqaynaayaan sidii Xasan Shiikh muddo 3sano ah xukuumaddiisa loogu kordhin lahaa.
 
Hal nin baa dadkii oo dhan ka caqli badshay, wax macquul ah ma aha, maxaa jira Gaas haduu dadka ka caqli badin karo xasan qurunka uu huurinaayo ma yeeleen, Cumar cabdi rashiid isagu xafiiskiisaba Xasan Shiikh baa ku shqeeya waraaqaha uu Xasan Shiikh Soo qoro buu saxiixaa oo wax qarsoon ma aha, dadka xildhibaanada ah waxay  kuu xaqiijinayaan Cumar iyo Xasan  inay ka dhexeeyaan wax iyaga kala weyn hawsha ay  ahayd inay qaranka u qabtaan, kuwa kale waxay ku leeyihiin wuxuu u egyahay oo lagu shabihi karaa  raiisal wasaarihii hore Saacid Faarax shirdoon, laakiin Shirdoon iyo Xasan waxay heshiis ku ahaayeen arrinta  Kismaayo laakiin cumar cabdi rashiid dantiis wax weyn ma aha oo waa wax layska yaqaan.
Reer Puntland yaan la qaldamin, kolayba labada ninba inaysan waxba dan ah idin hayn waad ogtihiin ee malaha beelahooda ayaad ku xaq dhowraydaan, maalin kasta ma qatar aad u jeedaan baad indhaha ka qabsanaysaan,  nimankaan iyagaa Al-shabaab dalka uga daran, Al-shabaab waa cadow la yaqaan, waa cadow aan ku dhahayn walaalaan nahay, waa cadow aan ku dhahayn Soomaalaan  wada nahay, waa cadow aan ku dhahayn Islaam baan wada nahay, waaba kuu cadeeyeenba dagaal iyo colaad keliya baa inoo balan ah, laakiin kuwaan Xasan Shiikh Maxamuud, Faarax cabdulqaadir,  Cumar cabdi rashiid, Cabdi Wali Gaas, Maxmed Cumar carte qaalib, Cabdi kariin Xuseen guuleed, Cabdi salaam Hadliye, iyo xubno kale,  iyagu mar waa dowladda Soomaaliya, mar waa xubno beesha caalamka  ka mid ah (Jasuusiin), mar waa Al-shabaab, mar waa Somaliland, mar waa Puntland, mar waa Hiiraanland, mar waa Galmudug, Baarlamnak idin joogana ee aad is leedihiin Puntland buu baarlamaaan yahay keliya waxay tirsadaan 30ka bisha iyo hadiyadaha laga soo baryay cadowga Soomaaliyeed, Sun glass, suit, tie, saacad, mobile phone, faraanti, perfume, maalintiina qoraxday ka harsadaan,  waana caam ahaan ay ka simanyihiin  xildhibaanada dalka oo dhan, isumana haystaanba inuu xil saaranyahay, iyagu Af wax cunay xishoo ma aha ee waa af wuxuu cuno keliya yaqaan!
Cumar cabdi rashiid muxuu waqtiganu yimid Garowe?! Al caaqil yafham. Gaas, booqashadii uu Itoobiya ku tegay waxaa xiriir la soo sameeyay safaaradda Ingiriiska, waxay is yiraahdeen lama yaqaan laakiin warar hoose oo xan ah ayaa sheegayay in Cumar cabdi rashiid loo soo dirayo iyadooo markaasna lagu dhawaaqayo in lagu heshiiyay in madax-weynaha  Puntland uu ka qayb galo shir looga tashan waqtiga kala guurka, oo dantiisu tahay in Xasan Shiik Maxam’ud muddada loo kordhiyo. Bal adiga is weydii xukuumadda Xasan Shiikh Puntland colaad bay ku kala tageen, mowqifkii Puntland shacabkeeda isma bedelin, Xasan wuxuu si  jees jeesto ah ugu noqnoqayay in codku u batay 4.5 oo aan laga noqonayn, marka  maxay tahay booqashadaan ku soo boodka ah. Waxaa kaloo cacajaaib ah in labad nin Gaas iyo Cumar  ay hadalkooda ka bilaabeen sidii dad wada hadal horay ugu soo socday in laga wada hadlayo sidii looga gudbi lahaa xilligan kala guurka iyo sidii danah Soomaaliya loogu hiilin lahaa, waa yahayee gaas ma wuxuu rabaa manta inuu inoo sheego Xasan baan la shirayaa si soomaaliya loogu hiiliyo?! War Alle ka yaaba oo cadaab ka cabsada, jileeca heerka gaaray, nimanka guriga baalamaanka  Puntland degan baan u haysanaa haddii uu gaas Xamar iyo Xasan iska aado.
 
Waxaa kaloo aan ogahay oo aan in wakhti badan ka bacdi xaqiiqsaday in Cumar cabdirashid amar lagu siiyay inuusan Faroole booqan oo gurigiisa uusan tegin, Saacid ba dad badan wax ka sheegeyeen bal adinku midkaan ila arka iska socda, ee looga leexanayo yeysan reer Qardho idinka caroon, ma aha rabitaan loo qabo. Waanse yaabanahee haddii  nin kasta oo cadow inoo ah tolkiis dartooda loo dhaafo Puntland sidaas ma ku badbaadaysaa? Waa Gaas waa Cumar Cabdirashiid, waa kuwo kale oo xamar u shaqo tegay, Somaliland arintaas meel cad bay saartay, laakiin nimankaan mushaarka ku suga baarlamaanka Puntland  ee iska harsada, Alla maxaa taariikh madow idinka qormaysa, maxaa magacyo laydin yaqaan, maxaa jira dadka qatyaan yaa Alaah bay idinka taaganyihiin, bal is xisaaba maxaad noo qabataan? Alle idin ceebee,  adinka oo dhan ceebta haddii wax la cuno la helayo waxba uma taqaanaanee.
 
Shicbiga Puntland Alle kor ha idinka yeelo! Ciidankiina adinkay idin dhimanayaan,difaaciinay habeen iyo maalinba u taaganyihiin, adinkay idin dhaarteen, waadna aragteen siday daacadda uga tahay inay idin dhintaan. Nimaka idin dagaalamaya labo sano wax mushaar ah boqolkiiba sideetan lama siin, qaarkood shaqadii baa laga eryay caayna waa loogu daray, kaaga daranee ninkii sidaas yeelay malaha markii laga adkaan waayay ciidankii buu isku soo maswiray, oo sida hadda cumar cabdirashiid samaynayo oo kale isna u hambalyeeyay. Gaas yaan ciidanka lagu haleyn, waa madaxweyne,  doorashadiinii buu ku noqday laakiin idin ma noqon. Magacii aad siiseen buu iska wataa laakiin idinkuma shaqayn, ciidamadiina dhaqaalaysta, been yaan laydiin sheegin, waa nimankii uu maalin kasta lahaa magacyo been bay mushaar ku qaataan, waa nimankii uu qadiyay, laakiin waxaa  eebe mahadiis ah inay yihiin niman og inay askar u yihiin Dadk, Dalka iyo Diinta,isagoon dalka joogina u soo dagaalami jiray, Noolada!
 
Soomaaliya Ha Noolaato!             Puntland Ha Noolaato!
Wa-bilaahi Towfiiq!
Cali Cilmi Soomow


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]