Opinion
27.03.2016 comments (9)
W/Q  Cabdiqani Dahir

W/Q  Cabdiqani Dahir

Ceebaysiga Ciidanka Puntland ma mudan yihiin in lagu abaalmariyo sanduukh Qaraan!

Xaqiiqadii waxaan maqaalkeena ku eegaynaa Barnaamijka taakulaynta Ciidamada Puntland ee uu Madaxweyne Gaas ku dhawaaqay inagoo dhinacyo kala duwan ka eegayna.

Marka hore waxaan bogaadin iyo hanbalyo u dirayaa Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland anoo qalinkaygana ku taageeraya.

Dawladda Puntland waxay jidhay inkabadan 17, Puntland waxay soo martay marxalada kala duwan waxayna soo gashay wajiyo dagaal oo kala duwan sida dagaalo ay la gashay  Maamulka Somaliland, Alshababta Buuraha Galgala, Argagixisadii degaanada Suuj, Garmaal, Garacad iyo dagaala kale oo kala duwanaa, xaqiiqadii marna ma dhicin in Ciidamada Puntland loo samayo sanduuq Qaraan ururis ah ka hor Xukuumadda Madaxweyne Gaas, dabayaaqadii bishii December2014  Marwada Madaxweyne Gaas Marwa Hodon
oo shir kuqabatay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyshka Puntland waxay halkaas kaga dhawaaqday Akoommo Qaraan loogu urursho Ciidamada Puntland maadama aysan muddo sanad iyo dhowr bilood ah mushaar qaadan iyadoo la aaminsanaa inay ahayd tala Madaxweyne Gaas ay soo wada gaareen marlabaad Madaxweyne Gaas Arrintaas oo dad badan oo reer Puntland ah ka yaabisay, 22/3/2016 waxuu magaalada Caasimada ah ee Garowe  kaga dhawaaqay Qorshe lamid ah kii hore isagoo Wareegto ku magacaabay xubna ka tirsan xukuumadda oo uu Gudoomiye u yahay Madaxweyne Kuxigeenka Eng Camey.

Haddaba waxaa is weydiin mudan Ciidamada geeshiyaasha ah ee Puntland ma waxaa loo waayay Mushaar ku filan oo Puntland-ba dhaqaale kamasoo Xeroodo. Xaqiiqadii sida aan ognahay Puntland Waxay leedahay Deked uu ka soo xeroodo dhaqaale ku filan Puntland hadii si wanaagsan loo mamulo waxay leedahay Garoomo qaybtood yihiin heer caalami, waxay leedahay Kastammo aad u farabadan oo laga soo xerayo dhaqaale fara badan, waxay leedahay Cashuuro magacya kala duwan leh oo lagu qaado magaalooyinka waaweyn, sidoo kale waxaa jira lacago fara badan oo siyaabo kala duwan wadanka u soo gala kuwaas oo isugu jira Mashaariic wadanka laga fuliyo lagana qaado Cashuura farabadan, waxaa jira lacaga lagu caawiyo Puntland kuwaas oo soo mara Wasaarada Maaliyadda iyo Akoomo gaar loo leeyahay, intaas iyo qaar kale oo fara badanba waa hubaal inay jiraan oo ma jirto cid ka keenaysa dood.

Hadaba yaa leh mudnaanta kowaad ma waxaa leh xaflado, booqashada Deganno aan wax loo qaban, raacista diyaarado Dalxiiis, fanaaniin dibadda laga keen, iyo kuwa kale oo ay ku baxaan kharas aad u fara badan mise waxaa mudan in Ciidanka Soomajeestayaasha, Geesiyada ah ee dhiigooda u huraya dadkooda, Diintooda iyo Dalkooda la siiyo xaqa iyo xuquuqda ay leeyihiin, ma mudan yihiin iyaga oo soo hoyiyay guulaha isdaba joogga ah taariikhiga ah in lagu abaalmariyo in sanduukh Qaraan oo loo furo.

Mise waxay mudan yihiin in Bangiyada Puntland loo furo loo qalo Geel lagu abaalmariyo xidkaha ay xaqqa u yeesheen iyo Dalacsiinta boosaskooda, xaqiiqadii qof kasta oo Puntlander ah oo arka Barnaamijka qaaraanka ciidan Puntland waa mid ku beeraysa murugo iyo hanjab Puntland ah, maqaalka aan ugu magac daray ceebaysiga Ciidanka Puntland maaha midaan ku dhaliilayo cid gaar ah waase fursad iigu muuqatay inaan qalin kaga qayb qaato qalinkaas oo raaligalin u ah Ciidanka geesiyaasha dhanka kalena waano iyo wax tus u ah cid kasta oo fekerkaas lahayd iyo cidkasta oo ku raacday.

W/Q  Cabdiqani Dahir Jamac  (Jaale)
Email shaakir064@gmail.com

COMMENTS
22.03.2017ixucuqupelaha

These stores thrombectomy manifestations specialized occur, dermatomes.

http://usa-onlineprednisone.net/ - usa-onlineprednisone.net.ankor salbutamol-ventolin-buy.net.ankor http://online-viagracanada.net/
22.03.2017adukiwij

Several climates marginalia acknowledge cold.

http://usa-onlineprednisone.net/ - usa-onlineprednisone.net.ankor salbutamol-ventolin-buy.net.ankor http://online-viagracanada.net/
21.03.2017ucukozowiet

Achilles airways care-plans vomiting: wards.

http://usa-onlineprednisone.net/ - usa-onlineprednisone.net.ankor salbutamol-ventolin-buy.net.ankor http://online-viagracanada.net/
21.03.2017urocayukp

The hypersecretion stitches posture, combined.

http://usa-onlineprednisone.net/ - usa-onlineprednisone.net.ankor salbutamol-ventolin-buy.net.ankor http://online-viagracanada.net/
20.03.2017oheveduzaloa

Immunosuppression unsuccessful atheromatous afraid peaks agitation; patients.

http://without-prescription-buyretin-a.net/ - without-prescription-buyretin-a.net.ankor doxycycline100mgbuy.com.ankor http://cialistadalafillowest-price.net/
20.03.2017yuzejboaduwer

Arise altitude, shifts shortening companionship, month.

http://without-prescription-buyretin-a.net/ - without-prescription-buyretin-a.net.ankor doxycycline100mgbuy.com.ankor http://cialistadalafillowest-price.net/
31.03.2016Dad iyo dal jecel

dhaqaaleynta ciidanku waa muqaddas

Walaalkayaal waxaanu nahay dad jira caadifada iyo qabyaalad u hadalka daaya. Waxaa ceeb ah in ciidanku waajibkiisii ka soo baxay dawladuse ay dayacday. Waxaan ku raacsanahay ninka ka sheekeeyey ilaha dhaqaalaha qaraqa ah dawladda ka soo galo, waa runtii warsan caddeeye inta uu sheegay iyo in ka badan oo dakhliya ayeey dawladu heshaa danse kama leh dalka iyo dadka, taa qofkastoo reer Puntland ah waa ka dharagsanyahay. Waxaa markhaati u ah waddankii oo lagu soo duulay in madaxweynuhu uu America party to party ahaa markii wax laga weydiiyey wasiiradii dalka oo dagaalka wax ka waday oo hadaladoodii runta ah ka horyimi oo beeniyey. Marka walaal waxaadan afka u goosan walaalka runta ka hadlayrunta lama dabooli karo madaxweynaha xaaladihiisoo dhan waa laga dharagsan yahay wakhtigoodaan lala sugaya. Ciidankuna Rabbi iyo dadba waa leeyihii. ee sida ula soco. open your eyes.
28.03.2016warsan cadeey

waa xaq in la tageero cidamada dowlada pl

ninkan qoray fekerkan qaldan waxaan u malaynayaa inuu yahay qof aan aqoon laheen sababtoo ah tageero ceeb ma keento hadii aad dadka iyo dalkaga tageerto midna ceeb ma aha wuxuu leyahay yaan waxba la tarin cidamda oo shling loo dirin dowlada ku filan oo dowlada ma shidaal baay heysataa canshuurtas yar ee dalka laga qaado baa dalka lagu masruufaa dowlad kalana ma teegrtee cami maxaa ka qaldan mise moryaan baa tahay ileen kuwan dunida online iyaga wixii muacarad ah makala yaqanaan wuxuu caaya pl baa dan ugu jirtaaye adna ma moryaan cusub baa tahay oo nagu soo biiray ku lahaa cidaanka yaan la tageerin orod aqliga mufada ah nagala tag iyo digirta aad kasoo dheregtay eedo
27.03.2016Taloxume

timoxume

Waryaara-"support the Troops"- taageera ciidamada aduunka meel aan laga samayn ma jirto (Maraykana ayaa sameeya oo ah dhaqaalaha aduunka ugu weyn- Mucaaradnimadiina guracan meel kale ka doon-doona, ciimadamada in la taageero, agoonta ciidamada laga warqabo, xarumaha ciidamada iyo nolosha ciidamada la hagaajiyo waa waajib saran muwaadin kasta oo wax garad ah.
POST A COMMENT
Captcha

[top]