Islam
30.03.2016 comments (0)
Qore: Muuse xaaji Abees

Qore: Muuse xaaji Abees

RABBIYOOW SOOMAALIYA KA SAAR ABAARAHA, COLAADDA IYO QARAN LA'AANTA RAGAADISAY

RABIYOOW, RAXMAANOOW, RAXIIMOOW, MAALIGOOW, QUDDUUSOOW UMMADDAADA SOMALIYED
DAD, DUUNYO  IYO NOOLE KALE WAXAY U LIITAAN, UNA  ILDARANYIHIIN ROOB LA'AAN SIDAAD ILAAHOOW ADIGUBA OGSOONTAHAY, CILMINA UGU LEEDAHAY EE RABIYOOW, QAADIROOW RAXMA- DAADA KHAYR IBAHA UGA WADA SAAR ROOBAB LOOGA BOGSADO ABAARAHA OO CAMIRA DEEGAAN KASTA OO KA MID AH DALKA SOOMAALIYA.
 
ILAAHOOW ROOBAB AAN NAGA RAAGIN OO NAGU RAAGA AWOODDAADA IYO NAXARIISTAADA IYO IDANKAAGA DHAQSO UGU SHUB DEEGAANNADAADA IYO ARLADAADA AY KU DHAQANYIHIIN ADOO- MADAADA SOOMAALIYEED EE DICIIFKA AH EE AAN WAXBA AWOODSANKARIN IN AAD ADIGU AAD UGU U NAXARIISATO MA AHEE.
 
ILAAHOOW ILAAH KALE OO XAQ LAGU CAABUDAA MA JIRO ADIGA MOOYAANE.
 
ILAAHOOW ABAARAHA, DAGAALLADA, CUDURRADA, FAQRIGA, FIDMADA ADDUUN, NABAD LA'AANTA, IIMAANDARRIDA IYO DAMACA WAALLIDA AH EE WAAYADAN DAMBE GAARAY IN LA ISU XOOG SHEEG- TO, ILAA HEER IN DAL IYO DADKIIS LA KALA QABSADO, DADKANA LOOGU NECEBYAHAY INTA NABADDA, DIB U HESHIISIINTA, SOOMAALINIMADA, WALAALNIMADA, DOONIDDA HALKAY KU DAMBEYSAY QARA-NIMADII QAALLIGA AHAYD EE DABAYL-RAACDAY 1991-DII, RAQ IYO RUUXNA AAN MIDNA LA HAYN.
 
CASIISOOW HADDAAN CIIR LA DHAMIN LA-COKANAAN-WAAYE                      
 
CASIISOOW CARRUURI LA DHALAY CAANO LALA WAAYE

CASIISOOW CIRROOLAA U GO'AY GAAJO CULANKEEDE


Qore: Muuse xaaji Abees
email: abees11@gmail.com


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]