News
01.04.2016 comments (2)
Tacsi

Tacsi

Ina lilaah wa ina iIaahi raajicun: Siciid Cali Yusuf (Gadayare), Enjineer Xoosh iyo intii geeriyootay

Inaa lilaah wa inaa ilaahi raajicuun alaha u naxariisto Siciid Cali Yusuf ( Gdayare) iyo Enjineer Xoosh iyo intii kaloo dhimatay kuwa dhaawacana ilaahay caafimaad degdeg ah ha siiyo, aqoontayda Marxuum Xoosh waxaan ka wada tirsanayn Xisbigii Horseed ee Puntland wuxuuna ahaa xubin firfircoon arday wax ku soo bartay wadanka dibadiisa diyaarna u ah inuu aqoontiisa wadankiisa kula soo noqdo si wixii uu qaban karo u qabto.
 

Marxuum Gaadayare waxaan bartay 2009 xiligaas oo aan ka mid ahaa Golihii Wasiiradda ee maamulka Dr Cabdiraxman Faroole wuxuuna ahaa nin waqtigiisa inta badan siiya xalinta colaadihii joogtada ahaa ee Gobolka Mudug, mana ugu yeeri karo keliya Xisabiye Gobol aragtidayda wuxuu ahaa nin nabadoon ku fiican xalinta khilaafyada, wuxuu ahaa nin shacab iyo Dowladba ay ku xisabtamaan xiliga ay shaqo ama boowasho u imaanayaan Gaalkacyo, waxaan xusuustaa maraan shaqo ahaan u imaan jirnay xukuumad ahaan Gaalkacyo uu na soo raadin jiray si uu noola qaybsado xaaladaha magaalada ka jira iyo waxaan u socono, wuxuu ahaa nin u fududeeya ciidamada Dowladda baahidooda marka ay howlgal Amni ka samaynayaan Gobolka, wuxuu ahaa nin dhamaan xaliya baahiyaha Dowladda marka ay shirar ka socdaan Gobolka khaas ahaan dhinaca dhaqaalah, dejinta Madaxda dejinta ciidamada soo dhoweynta Wafuuda halkaa imaanaysa, wuxuu ahaa nin awood u leh dhaqale kasta oo Dowladu u baahan tahay inuu ka sooo qaado magaalada hadhiowna qaansheegad ahaan dib loogu soo diro, wuxuu ahaa nin dadku quud dareeyaan xilkiisa, iyagoo u shaagaya madaxda inuu waqti dheer joogay Gobolka, inuusan daacad u ahayn Maamulka, laakiin madaxda Wasaarada uu hoos yimaado iyo ilaa Madaxweyne markay la kulmaan Marxuum siciid waxay ku qanci jireen in shaqada uu hayo ayna adag tahay in la helo qof buuxin kara booskiisa, uuna istaahilo mid ka saraysa tan uu hayo hada.
 

Shaqada uu hayay waa xisaabiye Gobol ma ahayn nin aqoon ahaan xirfadaas xisaabiyayaasha kale wax badan dheeree laakiin sahqaooyinka kale uu hayay ayaa magaca uu maanata leeyahay iti tabida la atabayo u samayeeyay,. qofka xilka haya waa “ Qof raadsada xilka albaab kastana u gala una baahan in xil loo magacaabo” iyo “ qof xilku u baahan yahay oo xilku yiraahdo qofkaas ayaa igu haboon aqoon ahaan, hufnaan “ Marxuumku wuxuu ahaa mid xilku u baahan yahay, waxaana xusuustaa in marar badan uu yiri inaan shaqada iskaga tago oo baaris caafimaad sameeyo Ayaan rabaa, laakiin xaaladaha ka taagan Gobolkaas maaha mid lagu degdegi karay in la helo shaqsi buuxiya booskiisa.
 

Marxuumka Puntland keliya ma tabayso ee waxa tabaya dhamaan Somaalida waayo qofkii nabadaynta Mudug ka shaqeeya wuxuu ka shaqeeyay guud ahaan nabadaynta Somaalida waayo waa Gobol ay wada degan yihiin dhamaan dadka ku abtirsada Somaliya,( Multicultural Region).
 

Waxaan ku soo gabagabaynayaa.

* Waa in laga warhayaa xaasaska marxuumadaas iyo caruurtooda.

* Waa in Dowlada iyo shacabku aysan waqtiga ku dhumin wufuudaan iska daba imaanaysa dantooduna tahay sidii 4.5 Puntland looga dhaadhicin lahaa ee ay indhahooda kala furan amnigana xooga saaraan.
 

* Waa in wax layska weydiiyaa dadka ka soo jeeda Gobolada kale eek u dhaqan Puntland waxaa la gaaray xiligii dadkaas ay dib ugu noqon lahaayeen goboladooda ugana qeyb qaadan lahaayen dhisida Goboladooda .

 

Cabdiwali Xirsi Nuur

Ex Wasiir-xigeenka W. X Xoolaha

 


COMMENTS
04.04.2016sharaf xajiik

eng xoosh waa kee

MARXUUMINTA ALLAH HA UNAXARIIATO DHAMANTOOD GACN KA XAQDARN BAA DISHAY... NINJA KALENA ENG XOOSH Lama oran jirin marxuumkaas wuxuu ahaa Eng Hassan Abdiqadir Hassan... Eng Hasan Ruush....

mrs

ALOOW MAOGTAHAY NINKAASI WUXUU AHAABA TEG ALAAHUUNBUUNA CAAWA UBAAHANYAHAY ILAAHOOW QABRIGA UNUUR UNA NAXARIISO ISAGA IYO INTII ISLAAMAHBA HAKAFAAIIDEEYSTAAN JAGADANA HAISUSOO TAAGEEN RAGII REER MUDUGOO JECLAA BOOSKA INUU BANEEYO OODACWADA WELIGOOD KADABA WADEY OOYUUSAYEY HADEY KARTI AYKUWADAAN OOKUMAAMULAAN LEEYIHIIN,YEEYNA MEELAHA KAYUUSINE WAANU OGNAHAY INEEY DABBAALDEG UFADHIYAAN INTA UMMADA KALE TACSI UFADHIDO,WAXAANSE USHEEGI LAHAA GAADDAYARE INEEY TABEYSO UMMADA GOBOLKAASI AYNA USINAAYEEN KUWA UGUNECEBNA AY AHAAYEEN KUWA UU UGUWAXTARKA BADNAA
POST A COMMENT
Captcha

[top]