Opinion
04.04.2016 comments (6)
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Puntland haday shacab leedahay ma dumayso.


                                        
 
{ SHarci ama wixii qaynuun la oranayay ayaa Looma-Ooyaan noqday! Marka arrintu dad                                                        Looma-Oyaan ah waa ka weyntahay!! }

Waxa ay oggolaatay Puntland wuxuu meel ka dhac ku yahay guud ahaan aayaha Soomaaliya, wuxuu kaloo macneyniyaa nooca uu yahay hoggaanka Soomaaliyeed ee siyaasadda iyo gaar ahaan tayada hoggaanka maamulka Puntland oo sida hadda cad lagu tilmaami karo inuu khaa’in lug-gooyay dadka Soomaaliyeed uu yahay, waa Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, bal adigu magac u bixi muddo 3bil ku dhowaad ah wuxuu si fagaar ah iyadoon cidna qasbayn meel kasta ka sheegayay in nidaam beeleedka 4.5 uusan u cuntamayn dadka iyo dalkaba, been ma aha in dad badan oo waliba ay ka mid ahaayeen xubno xukuumaddiisa ku jira ay waligood ka muujinayeen tuhun iyo shaki faro badan oo ay ka qabaan  inta ay daacad ka tahay waxa uu dad-weynaha u sheegayo, laakiin dad badan oo ay taageerayaashiisa ugu horeeyaan ayaa ku doodayay Gaas inay ka dhab tahay waxa uu sheegayo.
 
Wali anigu waxaan u haystaa inaysan sharci noqonayn qodobbada uu saxiixday ama uu isu Saxiixay Gaas, marka aan sidaas leeyahay waxaan u jeedaa, in markii ugu horeysay sidii lagu heshiiyay ee ahayd in dad-weynaha ay gobollada afti u qaadan qaabka ay u dhacayso doorashada 2016ka uu ahaa habka sharci ahaan ay u baahantahay hadana in lagu oggolaado maadaama markii horaba afti noocaas ah lagu diiday, laakiin dad-weynihii baa afti ku diiday marka anigaa qasab ku socodsiinaya, taas shacabka Puntland bay u taal waxay uga jawaabayaan loogana baahanyahay inay talo midaysan ka gaaraan. Dad-weynaha Puntland waa inay ogaadaan xuquuq badan oo dadka ku nool  gobollada Koonfureed ee dalka ka maqan waxay ku imaan kartaa inay iyaga dastuurkooda ilaashadaan hay’adaha dowladana ku xakameeyaan iyagoo shacabkii ah xeerarka lagu heshiiyay ee dalka u yaal, laakiin ma aha inay sugaan ilaa ay noqotomeel halaq mareen sida magaalada Muqdisho, armaa lagu dilaa?! Armaa AMISOM laguugu dalbadaa?! Armaa lagu Af-duubaa?!
 
Waxa kaloo yaab leh sida ay labada nine e raba inay dadka indho sarcaadiyaan isugu jawaabeen ina kastoo aan qiyaasiyo in Xasan SHiikh Max’ud u runta u dhowaa, waayo wax uu sheegay inaysan saxiixayn qodobbada been-beenta ah ee Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas uu soo qortay taasoo uu yiri waa arrin diidmadeeda iyo oggolaanshaheeda u taal dowladda la soo dooranayo, waxaase arrin aad loogu qoslo ahayd sida uu Gaas uga jawaabay hadalkaas markii ay isaga iyo SHar-Ma-Arke wada saxiixanyeen wixii soo wada qorteen isagoo isu ekeysiinaya inuu qadiyad ama fikrad uu leeyahay lagu qabsaday, oo uu yiri madax-weynaha wuxuu ka hor yimid heshiiskii aan gaarnay isagoo dano siyaasadeed ka leh, waa dad saxiiba sidii ay kaftami jireen.
 
{ Golha shacabka                                                                         Puntland wuu gabay                                                                       ilaalinta xeerarkii                                                                        iyo danaha shacabka}
 
Dadaka shacabka ee reer Puntland runtii waxaa lagula kacay dhaqan aan ahayn mid wada xaajood laga geli karo oo aad moodo in Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas uu ka soo min-guuriyay madax-weynaha dowladda federal-ka, maxaa yeelay Xasan SHiikh Max’ud, wax kasta oo sharci ahaa dusha ayuu ka maray. Diidmada 4.5 waxay maamulka Puntland ka noqotay qodob ama xeer ka mid ah qaynuunka Puntland ay leedahay ka dib markii afti laga qaaday qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland isla makaasna ay dad-weynuhu banaanbaxyo ku taageereen, sida keliya looga noqon karana waxay ahayd in mar kale dad-weynaha afti laga qaado, ama xataa ugu yaraan golaha shacabku ka doodaan oo markaas sidaas ku bedelaan (Amendment) laakiin sida hadda Cabdi-wali Gaas u dhaqmay xataa waxay ceeb iyo  meel ka dhac bareer ah ku tahay nimank xil-dhibaannada ka ah Puntland, oo in muddo ahba aad moodaysay inuu soo gaaray cudurka xil-dhibaannada Federal-ka xubnaha ka ah oo aan iyaga haba yaraatee waxba ka duwanayn nimanka dadka dalxiisayaasha soo dhoweeya oo war-wareejiyay (Tour Guide) waayo shaqadoodii waxay noqotay inay kolba “Somaaliyeey Toosoo” u qaadan Xasan SHiikh ama Cumar SHar-Ma-Arke ama xubnaha kale xukuumadda ku jira.
 
Marar badan waxaa laga hadlaa inay jiraan dad Looma-Ooyaan lagu magacaabay laakiin xaqiiqda taas way ka duwantahay, waxaana shaki ku jirin in qof kasta oo Soomaali ah oo dalka ku sugan ilaa iyo intii uu dalka burburay ay dhammaantood ahaayeen Looma-Ooyaan, sababta ugu weyna ma aha wax kale ee waa iyadoo uu sharcigii iyo xeerarkii ummadu dhigatay laga kor yeelay qof kasta oo siyaasadda maanta jirta mansab ka haya, waxaadna arkaysaa run ahaantii waxa looma Ooyaanka noqday inaysan dadka ahayn laakiin uu yahay sharcigii iyo xeerarkii qaynuunka ahaa ee ilaalinayay karaammada iyo xuquuqda qofka muwaadhinka ah. Tallaabada uu Gaas manta sida gaarka ah u go’aansaday ku diiday ugana hor yimid codkii shacabka Puntland ay ku diideen 4.5 waa tusaale aad u sahlan oo laga fahmi karo sida qof kasta oo siyaasad u mansab sheeganaya uu isugu dayayo inuu ka kor maro qaynuunka, xeerarka ay ummaddu ku heshiisay.
{ Saciid Xasan SHire,                                                                                                                              Guddoomiyihii hore golaha                                                                                                                             shacabka Puntland, waxaa loo riday                                                                                                                                     oo uu eersaday diidmada                                                                                                                             nidaamka qabaliga ee 4.5}
 
Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, waxaan shaki ku jirin in Baker Olgan safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, uu soo dedejiyay inuu Gaas oggolaado 4.5 isla markaasna uu siiyay dhiiri gelin iyoo guubaabo, Olgan oo isaga u ololeyniyay in Gaas uu ka soo qayb galo qaybta labaad ee shirkii bishii hore ka dhacay magaalada Istanbul ee dalkaas Turkiga ayaa la aaminsanyahay inuu xataa laaluushay adeegsaday Gaas. Eedda iyo meel ka dhaca loo geystay shacabka Soomaaliyeed ma aha in Gaas iyo xubnihiisa Waziirrada ee guuddiga la ahaa ay ku bad-baadaan, eeddaan waxaa iyagana qayb ka noqonay madax-weyne ku-xigeenka Puntland Cameey, iyo saaxiibkiisa af-hayeenka golaha shacabka Puntland Axmed Cali Xaashi, qaynuun ahaanna xubnahaas sidaas bay ku dhacayaan mana jiro sharci difaacaya waxayna mudanyihiin in maxkamad la soo taago, laakiin ma aha inay ku badbaadaan Beenta, KHayaannada, iyo waliba KHtarta ay horseedi karto arrinta ay u bareereen.
 
Waxaan dareemayaa Soomaaliya inay agoontowday! Waxaan dareemayaa shacab iyo dad u danqaanaya inaysan ku noolayn! Gaas shaxda uu degay ma aha inay dhaqan gasho, arrinta uu xasan Shiikh ku hambalyeyniyana sharci ma aha, haddii sharciga la raacana mowqifka Puntland wali waxba iskama bedelin, waxa ay Gaas iyo SHar-Ma-Arke isku af garteen waa fal danbiyeed u baahan in shacabka Puntland si midaysan uga jawaabaan, Baarlamaan wax laga sugayo ma jiro, Maxkamaddii sare awal buu kas uga tegay inay samaysanto, arrintu waa dulinimo in dalkiina lagu qabsado magac been ah, sharci been ah, Xasan iyo kuwa la socdaa Muqdisho oo dhan bay siiyeen Turki iyo Ingiriis. Ma aha Gaas iyo saaxiibadiis inay intii hartay dalka ay qiimo bakhas ah adinkoo taagtaagan dushiina ku siistaan.
{Michael Keating baa Xasan                                                                                                                  SHiikh Max’ud wakiil ka                                                                                                      noqonaya!..macnaheed?!}        
                                                                                                                      
KHayaannada maanta la soo gabgabeeyay waxay ka soo bilaabantay booqashadii uu Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke ku tegay Puntland (June,2015) isagoo markaas iska dhigaya nin raba inuu damiyo colaaddii ka dhex aloosnayd ciidammadii uu hoggaaminayay General Muxyidiin Axmed Muuse iyo kuwii Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas ee isku hor fadhiyay tuullada Qarxis, ayaa waqtigaas u sheegay Gaas, Af-hayeenkii barlamanka Saciid Xasan SHire, iyo xubno kale oo ka mid ah golaha Waziirradiisa oo uu ku jiray Waziirka Duulista Hawada Puntland Xasan Xaaji Saciid inay oggolaadan in nidaamka 4.5 doorashada lagu qabto 2016ka.
 
Sida xogta lagu hayo taladaas waxaa ka hor yimid Saciid Xasan SHire iyo waziirka Duulista Xasan Xaaji Saciid oo iyagu u sheegay Cumar Cabdi-Rashiid inay taas xad gudub ku tahay qaynuunka ay Puntland dhigatay iyo heshiiyadii ay wada galeen dowladda Federal-ka iyo Puntland sidaas daraadeedna aysan aqbali karayn nidaamkaas. Arrintaas ayaa waqti dheer ku qaadatay Cumar Cabdi-Rashiid oo uu muddo u joogay halkaas,  iyadoo dad-weynaha reer Puntland ay la ahayd inuu dhex-dhexaadinta ciidammadaas u joogay, wuxuuna ugu dambayntii ku guuleystay isagoo u maraya odayaasha dhaqanka in waziirka duulista Puntland Xasan Xaaji Saciid uu oggoleysiiyo nidaamkaas 4.5 ah, laakiin guddoomiyhii Barlamanka Saciid Xasan SHire iyo isaga waxay ku kala tageen xanaaq iyo is faham la’aan iyadoo uu Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas uu la safanyahay Cumar cabdi-rashiid.
Saciid Xasan SHire, ayaa arrintisa waxay ku soo dhammaatay in laga eryo Barlamanka haddii uusan oggolaanayn in habka 4.5 lagu qabto doorashada 1026ka dhacaysa, waxaana sida meelo badan laga xaqiijiyay, Saciid Xasan SHire isaga laf ahaantiisana uu sheegay ka dambeeyay in is casilaadiisa dowladda federal-ka iyo Cabdi- Wali Max’ed Cali. Sida warar isla maalmahaas soo baxay oo laga helay ilo rasmi ah oo ku dhow-dhowaa xafiiska Cumar Cabdi-Rashiid SHar-Ma-Arke lagu sheegay Cumar iyo Xasan ayaa soo diray lacag ay u soo dhiibeen xubin ka tirsan baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Garaad, taasoo loo adeegsaday Saciid Xasan SHire laga qaado xilka guddoomiyenimmada.
 
 
{Aamus Ingiriis baad tahayee!!}
 
KHatar faro badan baa jirta, waa wax iska muuqda in dalkii laynagu haysto, Xasan, Cumar iyo Gaasna aan bar garanayno laakiin aysan ehel inoo ahayn, waxaana intaas garab socda barnaamijo cabsi gelin iyo caga juglayn ah oo ay wadaan wakiillada shisheeyaha u jooga Soomaaliya iyagoo iska dhigaya inay Diplomatsiyiin yihiin laakiin hab gumeyste inoola dhaqmaya. Waxaa dhowaanahan aan maqlaynay in siyaasiyiin u Soomaaliyeed oo haystay jinsiyadda dalka Ingiriiska markii ay dhowr jeer arrimaha Soomaaliya ka hadleen ay safaaradda Ingiriiska u sheegtay inay aamusaan maadaama ay yihiin Ingiriis.
Waxay tani ku tusaysaa qoto dheerida arrimaha dalalka shisheeyaha ah ay ka leeyihiin Soomaaliya, waxayna dhinaca kale ka cadayn u tahay in shacabka Puntland waxa taladooda af-duubay inaysan ahayn nimanka indhaheena u muuqda, taasi macnaheeda waxaa weeye wax badan baa adag inaan ogaano laakiin caqligeena inooga filanyahay; dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay, dagaalkii Al-SHabaab, qorshaha ka dambeeya in laynagu qasbo nidaamka 4.5, arrimuhu wali fari kama qodna, waxay ubaahanyihiin miyir qab, geesinimo, wada-tashi, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo dhab u fiiriya arrimaha agagaarkooda ka socda, is garab taagana shacabka Puntland.
 
Cabdi-Wali Max’ed  Cali Gaas, qodabbada uu sheegayo ee uu soo safay wax macna ah ma laha, heshiis meesha yaalana ma jiro oo aan ahayn in Gaas uu gacan ku siiyay Xasan SHiikh Max’ed khayaannada uu dadka Soomaaliyeed ku hayo si mar kale loo soo doorto, taasoo sida la qorsheeyay ku imaan karta in wax lagu doorto qaab beeleedka 4.5, macnaha Gaas iyo Shar-Ma-Arke waxay ay saxiixeenna waa 4.5 in Xasan SHiikh Max’ud mar kale lagu soo doorto wax kale oo ku jira ma laha, sababtuna waa; 1) dowladda heshiiska lala gelayo yaa hubanti u haya inay soo noqonayso oo heshiiskaan ay mas’uuliyadiisa iyada saarantahay, ilaa heshiiskaan mid hadda dhaqan geliya ma aha ee waa mid dowladda la soo dooran doono laga rabo inay dhaqan geliso, maxaa marka heshiiskaan looga baahanyahay?! 2) Gaas isagoo raba indhaha dadka isu tuso inuusan kalsooni ku qabin dowladda federalka wuxuu iska dhigay in heshiiska damaanad qaad uga raadinayo wakiillada aajnabiga ee iyaga ah nimank taladaan wata, oo haddii aad fiirisid meelaha ay ku saxiixanyihiin safiirrada waxaa ku qoran Guarantor (Damaanad-qaade)  waase su’aalee Gaas dadka ma wuxuu dhab ahaantii u haystaa sida uu horayba u sheegay inay yihiin jaahiliin aan intaas garan karin?! Mise  ergeda shisheeyaha ah baa Notary inoo ah?!....3)Gaas, qodobbada ay soo qoreen isaga iyo saaxiibbadii waa kuwii mar horaba Puntland iyo federalka ku coloobeen oo wax la garan waayay ama siyaada ah kum a jiraan waana xuquuqda gobol kasta oo federalka ka mid ah uu ku leeyahay dowladda federalka.
Bal ummadyahay dhab u fiiriya waxa la leeyahay waa la oggolaaday, Gaas wuxuu ku leeyahay heshiis baan gelayaa laakiin waxa Beesha Caalamka loogu yeero ee anigu ka bar garanayo Michael Keating, iyo Xasan iyo Gaas waxaa lagu tuhmi karaa inay wax badan kala socdeen duulaankki Al-SHabaab oo laysku ogaa adigoo dalka ka maqan baan Puntland qabanaynaa 4.5 qasab uga dhigaynaa….
Puntland, arrintu ma aha inay idinka baahdo, waqtigu inuu dheeraado looma baahna, waa hubaal in ay jiraan shirqoolo is daba yaala oo uusan Cabdi-Wali Gaas ka bixi karin oo idinku soo fool leh, waa hubaal handdadaad faro badan iyo inay soo socdaan go’aanka Gaas baan aqoonsannahay lagamana hor imaan karo, laakiin si deggan oo  nabadda iyo midnimmada la ilaalinayo waa in arrinta la hor keenaa SHir-Weyne iyadoo barlamaanka lala xisaabatamayo isla markaasna laga codsanayo in go’aankii dad-weynaha meeshiisii lagu soo celiyo.
 
Waxaad ka garan kartaa in wakiilka Qarramada Midoobay ama Ingiriiska Michael Keating iyo Xasan SHiikh Max’ud is ogyhihiin, mar keliya Keating iskuma dayin inuu wax ka bedelo talada Xasan SHiikh Max’ud, mar keliya talo uguma noqon Xasan SHiikh, hadaba reer Puntland tijaabo adag baa idin hor taal oo geesinimo u baahan, oo urursanaan iyo in lays maqlo u baahan, oo u baahan inaad fahamtaan in cadow soo duulay u Xasan dhulkii qaar siiyay waxyaabo badan oo aan la ogeynna u soo saxiixay ilaa heer ay ka suuro geli karto in laydinku soo duulo si bareer ah, siyaasiyiintiinana waa la handdadi garab istaag iyo dhiiri gelin bay idinka rabaan… wax aydan rabin cidna idinkuma qasbi karto, waxa uu saxiixay Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas sharci ma aha mana noqon karaan, waxaa iyadana hubaal ah midnimmadiina iyo isu tanaazulkiina oo keliya inay Puntland ku badbaadayso.
 
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan
 
COMMENTS
12.01.2017icuoyax

C oliguria, disappearance twisted, moderately, trachea.

http://dutasterideavodartonline.org/ - dutasterideavodartonline.org.ankor <a href="http://online-purchaselevitra.net/">online-purchaselevitra.net.ankor</a> http://20mg-cheapest-pricelevitra.net/
12.01.2017lowxoronixo

S kin pranced difference polygonal laid valgus.

http://dutasterideavodartonline.org/ - dutasterideavodartonline.org.ankor <a href="http://online-purchaselevitra.net/">online-purchaselevitra.net.ankor</a> http://20mg-cheapest-pricelevitra.net/
12.01.2017fihjiwav

To management homeostatic stretched position.

http://dutasterideavodartonline.org/ - dutasterideavodartonline.org.ankor <a href="http://online-purchaselevitra.net/">online-purchaselevitra.net.ankor</a> http://20mg-cheapest-pricelevitra.net/
12.01.2017otiosuxusicir

Alvarado scanner primordial transfusion light's orbit concordance.

http://dutasterideavodartonline.org/ - dutasterideavodartonline.org.ankor <a href="http://online-purchaselevitra.net/">online-purchaselevitra.net.ankor</a> http://20mg-cheapest-pricelevitra.net/
12.01.2017axeqqaboxugl

Think covert avoid polycythaemia melanocyte trudging proliferates.

http://dutasterideavodartonline.org/ - dutasterideavodartonline.org.ankor <a href="http://online-purchaselevitra.net/">online-purchaselevitra.net.ankor</a> http://20mg-cheapest-pricelevitra.net/
12.01.2017avjagadinivij

Rupture sanitized, primary creative neurosis.

http://dutasterideavodartonline.org/ - dutasterideavodartonline.org.ankor <a href="http://online-purchaselevitra.net/">online-purchaselevitra.net.ankor</a> http://20mg-cheapest-pricelevitra.net/
POST A COMMENT
Captcha

[top]