Opinion
18.04.2016 comments (1)
Abdullahi Ahmed Azhari

Abdullahi Ahmed Azhari

Kacaanka, Toosinta. Federaalka, Toosinta.



1985 ayaa Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka  Somaliyeed XHKS  ee kaligi wadanka Xisbi ahaan uga jiray xiligaas,Isku soo qaaday in Siyaasadda  Kacaanka wax si ka yihiin, waxaa laga falanqooday in wax la saxo oo aan loo fadhin  sidaana ayna  ku sii socon, Waxaa la yiri Barnaamij iyo qorshe haloo sameeyo Arintaas, waxaa la isku soo qaaday  Magacii loo bixinlahaa  Barnaamijka, waxaa Afka la soo marin waayay Kacaanka ayaa la toosinayaa ayadoo Xisbiyiintii laga maqlay guux loogu magac bixinaya Barnaamijka, Toosinta Kacaanka, Aqoon yahano iyo Gudigii Eray bixinta Farta Somaliga iyo waliba Xubno ka mid ah XHKS ayaa loo bandhigay magacii Barnaamijka. Waxaa la soo jeediyay in wax la toosiyo balse aan la oran kacaankaa la toosinayaa oo aan loo qorin sida tan, Toosinta Kacaanka. Loose qoro Kacaanka, Hakad, Toosinta. Marka ay tahay Kacaanka Toosinta, Isim iyo Ficilba waa dhanyihiin. Balse Marka ay tahay Kacaanka, Toosinta. Waa Labo Isim oo wada socda mana cada in uu yahay kacaanku waxa la toosinayo, balse shaki kuma jiro in wax un la toosinayo. Hawlwadeenadii laamaha dawladu Waa isla ogyihiin in Kacaanku qaloocday oo la toosinayo ee waxa wax loo maldahayo Waa kuwa Mahayo moogga ah oo aan Xilla hayn sida wax loo suuraynayana aan ogayn, Barnaamijkaa waxaa ka horeeyay mid la oran jiray Laba Kaclaynta Kacaanka, oo boorka looga qaaday maamulada Gobolada iyo degmooyinka badan kooda, Mudooyinkii ka dambeeyay 1978.

Bishii September 2004  ayaa la isku raacay in Wadanka Somalia uu noqdo Mid federal ah, uuna isku raaci karo laba gobol iyo wixii ka badan 18 kii gobol ee jiray ka hor burburkii Dawlada 1991, ayadoo lagu qeexay Axdi ku meel gaar ah, dabadeed 2012kii ayaa Dastuur ahaan la isku raacay ayadoo laga sii bixiyay Faahfaahin dheeraad ah. Federalimka waxaa ku dhaqma dawlado badan ee caalamka, habka la qaatay oo qoranna waxaa ku qeexan wada shaqaynta iyo kala dambaynta Dawlada federalka ah iyo kuwa ismaamulka , balse sida aan qornayn ee loogu dhaqmayo waa Kaaf iyo kala dheeri. Dawlad gobaleedyada hadda jira iyo waliba Dawladda dhexeba waxay u dhaqmayaan midba sida uu rabo ayagoo aan dibba loo eegayn Baalna ka soo rogin  waxa qoran.

Haddaan xaajo sidii daba Ari loo faydin, ma fayoobaato, qodobadani waa hoga tusaalayn kooban ee ishaaraya waxa wadanka ka jira oo aynu iska fiirsanayno.ninbaa laga sheegay War Taladi Ba’dayoow Saw talo kuuma dhalato.

1.       Dawlada dhexe iyo Kuwa Goboladu Isma Xukumaan, waxayna u dhaqmaan sidii laba Dawladood oo siman.

2.       Dawlad Goboleedyada Dariska ah waxaa ka dhexeeya Cadaawad aan micno iyo sal lahayn.

3.       Dawlad Goboleeyo waxaa jira iskaashi siyaasadeed ka dhexeeyo oo isku xulufaystay iska caabinta kuwa kale iyo Dawladda Dhexeba.

4.       Dawladda dhexe ee federalka  waxay u dhaqantaa sidii Tii kacaanka ama hab aan federal ahayn.

5.       Dawladda Federal ahi waxay Gacan saar iyo wada shaqayn aan saa u buurayn la leedahay Gobolada qaar, ayadoo siisa Gargaar dhaqaale.

6.       Ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federalka ahi waxay ka Hawlgalaan Gobolada ay Dawladda federalku gacan saarka la leedahay oo kaliya.

7.       Ciidamada shisheeye ee jooga wadanka ma cada goorta ay soo Afmeerayaan barnaamijka ay u joogaan wadanka.

8.       Majiro qarshe guud iyo Istaratiijiyad ay dawladda Federalku ugu tala gashay in ay wadanka oo dhan ku maamusho.

9.       Sidoo kale ma jiro qorshe iyo istaraatijiyad ay dawlad Gobaleedyadu u gudbiyeen Dawlada dhexe oo mudaysan  lagulana  Xisaabtamo.

10.   Miisaaniyada Dawlada Dhexe kama muuqato in wadanku Federal yahay, mana qeexayso barnaamijyada horumarinta  qaybtii uga aadanayd dawlad Goboleedyada.

11.   Dawlad Goboleedyadu waxay leeyihiin Ururo jaaliyadeed,sida  jaaliyada puntland, jaaliyadda Galmudug, jaaliyada Jubba land, jaaliyada koonfur galbeed, bal eeg Aduunyada Dawladaha ka jira kala bar waa federal, wali ma arkaysid Jaaliyad Gobaleed Dawladi caalamka ka tirsani leedahay , waxaad ila moodaa bur bur iyo Goosasho Goboleed in uu soo dhawyahay .

12.   Waxaa ka sii Daran Marka la leeyahay  Beelaha Xamar Dega, goormaa caasimaddii Soomaaliya Beelo gaar ah la siiyay .

13.   Waxaan ba ka sii yaabay markii la yiri odayaasha Beelaha hawiye oo siyaasadii iyo  xafiisyadii dawlada horboodaya Go’aanana soo saaraya, aydoo ayna jirin Golayaal odayaal oo lagu heshiiyay.

14.   Sidoo kale ma qeexna shaqana kuma leh doorka wasiirada federaalku ku leeyihiin Dawlad goboleedka, haday kormeer ugu tagaana in la soo dhaweeya iska daaye waa lagu qoslayaa.

15.   Dawladaha deriska ahi toos bay xiriir ula leeyihiin Dawlad Goboleedyada ayadoo ayna marna is weydiin dawladda federaalka ahi wadashaqaynta iyo calaaqaadka ka dhexeeya inta uu le’egyahay.

16.   Waxaa jira Mashaariic Horumarineed oo Dawlada federalka uga baahan Saxiix oo ay dawlad goboleedyadu sheeganayaan in ay Dawlada Dhexe ka meer meerayso saxiixooda.

Isku soo wada xooriyoo  waxaan shaki ku jirin in wax qaloocdeen, waxaasina Waa habka Wadanka maamulkiisa la doortay in lagu xukumo oo isagoo si cad u qoran una qeexan la baal marayo cid walba say doonto u fasiratay.  Waxaa dawlada federalka ah iyo kuwa Gobaleedyadaba la gudboon in si wada jir ah loo qaato barnaamij ku aadan hir galinta Federalka inoo qoran, oo  aynu isloogan uga dhigno Toosinta Federaalka.

Mahadsanid

Abdullahi Ahmed Azhari

Azhari101@gmail.com

COMMENTS

Mr Omar

Waad mahadsantay Abdullahi Azhari waxaad ka hadlaysid waa wax jira laakiin wakhti iyo is qancin badan oo dhab ah bay u baahantahay.
POST A COMMENT
Captcha

[top]