Opinion
23.04.2016 comments (4)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.

Hoggaan xun abaar waa ka daranyahay.



Allow ummadda naxariistaada deeqda,
badbaadadoodana waa cafiskaaga,
 ee Allow Raxmaankow  Roob barakaysan
 oon rafaadin maatada, guryahana aan rujin,
 rug qabow  iyo Allow rays nooga
 dhiga arllada ”Aammiin”

 
Bal adigu malee, roob la’aanta dalka ka iyo abaarta jirta waxaaba taas ka daran xil-kasnimo la’aanta nimanka u mansab sheeganaya mas’uuliyadda dalka! Arrintu waxay maraysaa meel  Ilaahay ogyahay!  Heerka uu kulka marayo iyo dhirtii iyo ciiddii siday u engegeen waxaad ka qiyaasi karaysaa sida dadka iyo xaywaankii u ekaadeen, u itaal  dareeyeen , ama u le’anayaan, IIlaahay adoontiisa uu uuntay ninna ugama naxariis badna, laakiin sida aan ka baranay sunnaha nolosha waa wada imtixaan, marka imtixaan laga hadalayana waxaa ujeeddadu tahay in qof kasta mas’uuliyad saarantahay. Qofkii hanti Eebbe siiyay haddii ay la noqotay inay taasi tahay sharaf uu dadka dheeryahay  oo kii aan la siin hanti buuran ama xoogaa lagu cariiryay uu u haysto  inuu cambaar leeyahay ama  uu dulaysanyahay labaduba ma aha ee Eebbe agtiisa waa un  imtixaan keliya ee wax kale ma aha( sida ku cad Al-Fajr) marka dadka tabaalaysan Alle ha looga baqo hantida waa imtixaan waana hantidii Illaahay.
 
SHaki iigama jiro oo Alle wuu ina roobayn oo  wuu ina doojin oo waligeenba barwaaqaan ku soo jirnay  in-shaa Allaahu waligeenna aan ku jiraynaa, laakiin mas’uul  xil-kas ah haddii la waayo ama hoggaanku noqdo midaan ka danqanayn dhibaatada iyo wax-yeellada shacabka ka dhur sugaya xilka ay u dhiibteen, taas abaarta waa ka darantahay, dadku reer Puntland waxaad moodaa inay  heshiis ku yihiin inaan runta laysu sheegin waana meesha uu ka il helay Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, hasa yeeshee dad badan maanta ay baranayaan, waxaana kaaga daran tan uu hadda la maagganyahay, waxaadna moodaa run ahaantii sida uu shacabka Puntland ula dhaqmay meel ay joogaanba inay tahay sidii uu safarkiisii u dambeeyay Toronto ka sheegay oo ah sida uu u haysto inay yihiin dadaan waxba kala garanayn. Waxaa taas gacan siiyay war-baahintii Puntland ee la rabay inay ahaato muraayadda iyo indhaha dadka shacabka ah oo iyadana 90%  noqotaya naar-afuuf beentiisii wali dadkii uga dhigaya siyaasad iyo mid xirfad aqooneed ah! Aad baan uga xumahay.
Odayaasheenna dhaqanka marka
ay xil-dhibaannada soo xulayaan Culummada
 iyo imaamyada misaajidda ha kaashaadaan!
 
 War-baahinta Puntland yeey u adeegtaa?! Cid u adeegto ma aqaan! Xataa kuwa iska le uma adeegto, ma aqaan haddii ay xoogaa dakhli ah ku qabaan, hasa kama muuqato hal shardi oo ka mid shuruudaha laga rabo war-baahin u adeegaysa ummad ama mujtamac, Waxay arrintu u egtahay in war-baahintii Puntland aysan daacad u ahayn inay u adeegto danaha shacabka ay magacooda badankood qaateen, marar badan marka aan aqriyo qoraallada iyo wararka ay shabakadaha qaarkood faafinayaan waxaan dareemaa yaxyax aad u weyn, waayo xogaha ay qorayaan intooda badan ma aha kuwo innaga dahsoon, laakiin waxaan ilaa iyo hadda u haystaa in war-baahin badan uu ninka madax-weynaha ka ah maamulka Puntland Cabdi-Wali Maxmed Cali Gaas uu lacago siiyo hadii uusan iibsanba, war- baahinta Puntland waa inay fahamtaa Cabdi-Wali Maxmed Cali Gaas ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka Puntland wuxuu ka galay gefef cad-cad oo si xishood darro ah uu ula bareeray, sidaa daraadeed war-baahin sheeganaysa inay u adeegayso Dad iyo Dal waa ku ceeb inay qayb ka noqoto khayaannada intaas la eg oo waliba madax-weynihii maamulka, ku-xigeenkiisii, af-hayeenkii baarlamanka, iyo xil-dhibaannadii ay sacabka isugu garaaceen…
 
 
 
War-baahinta run ahaan u adeegaysa dadkeeda, waa inay macnaysaa dhagarta iyo shir-qoollada maalin kasta loo soo mareegayo ummaddeeda, Madax-weyne basaas ah oo raba inuu mushaar wadan kale ugu qaato xilka uu Soomaaliya ka hayo, madax-weyne maamul goboleed oo raba inuu gobolka uu joogo uu basaas ka noqdo, haddii ay war-baahintii la rabay inay xarggahaas fur-furto, ummada u sharraxdo, ummadda u sheegto sidii ay uga bixi lahayd dabinnadaas, sidii ay u midoobi lahayd, sidii ay u yeelan lahayd wada tashi ay iyadii hor boodo khiyaannadaas, oo waliba ka soo hor marto dhgar-qabayaashaas oo u doodo!....waa ayaan daro! Waxa dhacay waa cuqubo!...Xasan SHiikh Max’ud, Cumar Cabdi-Rashiid Cali SHar-Ma-Arke, Max’ed Cusmaan Jawaari,Cabdi-Kariim Xuseen Guuleed, Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, iyo SHariif Xasan SHiikh Aadan yaa isu soo soocay dadkaan?! Isku caqli, isku siyaasad, isku wax kasta (Uniformed) waa wax laga shakin karo inay dalal shisheeye isu soo ururiyeen oo inoo keeneen, waxay banaysteen inay sharafteenii, waxay iska dhego tireen wax kasta oo cabasha ah oo shacabkii Soomaaliyeed ka yimid, marka waxaa waajib ahaa in war-baahintu noqoto mid la xisaabtamaysa oo ku qabsata waxa shacabku tabanayo, ee ma ahayn maalin kasta in laynoo soo sawiro niman diyaarad sii fuulaya oo war bixino dalkeena lagu dhagrayo dalal shisheeye u wada.
 
Waxaa taas kaaga daran, war-baahintii Soomaaliyeed oo dhan kuma tartamayso waxyaabaha caado ahaan war-baahintu ku kala hor marto sida sugnaanta wararka, ilaalinta anshaxa, iyo u adeegidda siyaasad ay ka dambeyso dan-guud. Waxay ku tartamayaan waxyaabo aad rakhiis u ah oo salka ku hayo is colaadin ay waliba ku hoggaaminayso mujtamacii la rabay inay isku duwado oo midayso, beenta Cabdi Max’ed Cali Gaas uu u sheegay dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan reer Puntland waxaa ka daran beenta ay sheegayaan qaybo badan oo ka mid ah war-baahinta Puntland iyagoo waliba beentii uu ninkaas u bareeray ee uu barqadii fagaaraha la soo istaagay isku dayay inay u ekeysiiyaan inaysan been ahayn, oo side bay taas ku dhacaysaa?! Kaaga daranee wali waxay soo qorayaan go’aanno ad-adag oo ka soo baxay dowladda Puntland!!!...oo ma waxuu ka adagyahay Raganimo  DHego Adayg Baa Iiga Haray?!....Balse ka war web site-ka qoraya madax-weynaha Puntland oo kor meer ku sameyniya warshadda hubka ee Itoobiya?!
 
Odayaashii dhaqanka ma aqaan wax ku dhacay! Aawaye odayaashii dhaqanka?! Odayaasha runtii waxaan u hayaa ixtiraam iyo karaamo, laakiin ma la bajiyay, ma waxay ka cabsadeen in afka loo soo duubto, mase?....maahmaah baa ahayd Rag Aamusay  Iyo Riyo Raamsi Daayay Labaduba Reerkoodii Gabe! Xataa cabsi haddii ay jirto in laynoo sheego baan xaq u lahayn, arrinta waxay maraysaa war xaggee bay salaaddu iska qaban la’dahay?! Odayaasha hal arrin eeddeeda waxaan rajayniyaa haddii aysan qaadayn inaysan marka hore yeelin, oo maxay tahay?!....odayaasha xil-dhibaannadii ay inoo soo xuleen waa kuwaas ajandaha ay ka hadlayaan ama ka doodayaan ka sugaya Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas inuu u soo gudbiyo,  waa kuwaas Xamar iyo Puntlandba Parliament-ka dhexdiisa shaxda ku cayaaraya, wa kuwaa xafiiskii madaxtooyada, ra’iisal wazaaraha iyo ka dhammaan la’ madax-weyne ku-xigeenka, waa kuwaas wixii la qarin lahaa iyo waxaan la qarinaynba xantoodu xataa  caruur gaadhay.
 
Odayaasheena, miyeeysan baran tabcadaan maalin kasta lala eeganayo, miyeeysan arag dadkii caannaha ku shubtay, dadkii iyagoon weydiisan doortay, dadkii iyagoon dhaarin, dadkii iyagoo aan wax shuruud ah ku xirin doortay, wax ku dhacaya, miyeysan arag kuwa ay iyagu u soo xuleen dhibaatada ay ku hayaan dadkooda?!....oo maxay uga qaban la’yihiin? Jawaabtu waa sahal, waa mid aad u fudud oo waa markii horaba iyagu uma soo xulin, run ahaantii iyaga soo ma xulin  laakiin waa loogu wan qalay, balse haddayba taagantahay oo waa isla habkii shalay, nimmaadan diin ku aqoon! Nimaan misaajidka tegin! Nimaan xishoon! Nin aysan xummaanta dadka gubayn! Nimaan beenta ceeb u aqoon! Nimmaan soor quureed diidayn! Nin dheriga keligii loo geddiyo! Nimaan kan taagta daran u turayn!.....Xil-dhibaannadii hore ee aad inoo soo xusheen qaar badan oo ka mid ah wanaag kumaanan arag.
 
Odayaasheena, la tashada dadkaindhaha mujtamaca ah, weydiiya maxay idinla tahay? Ma qaadan karnaa? Astaamo fiican ma ku ogtihiin? Iimaamyada misaajidda weydiiya, barayaasha jaamacadaha wax ka dhiga weydiiya, waayo dadkaani waa indhihii dadka aad rabtaan in xil-dhibaannada aad soo xulaysaan ay wakiilka u noqdaan?! Waase iga weydiinee ma jiraa oday wax ka qaban karaa gefefka uu ummadda ka ga;lay xil-dhibaan uu isagu soo xulay?! Jawaabtu waa maya, marka haddii ay sidaas tahay ma wanaagsana in rag wax ku ool ah oo ay ku jiraan ragga aan kor ku soo tilmaanay kula wadaagaan talada oo haddi ay wax fiican ka soo baxaanna la yiraahdo ammaanteedu odaygu yeesho oo la yiraahdo “Allay lehee odaygu dadkiisii buu la tashtay” haddii ay xummaadaan la yiraahdo “ haddee odaygu taladuu dadka la wadaagay”.
 
Hoggaan xummada abaarta iyadaa ka daran, dalka Soomaaliya wax hoggaamiyeyaal ah waxaa ku haray waa odayaasha dhaqanka iyo culumada, waxa Beesha caalamka loogu yeero, labadaas ayeey wali dagaal kula jirtaa, nidaamka siyaasadeed ee 4.5 danta laga leeyahay oo uusan u dhamaanayn waa dagaal ku wajahan odayaasha dhaqanka iyo in layska hor keeno mujtamacyada ay odayaasha u yihiin oo ay dakano kala galaan, oo ay is nacaan oo meel talo loola noqdo iyo cid wax laga maqlo la waayo! Wax baa ii muuqda, waana waxa hadda socda, marar badan waad arkaysaa odayaasheenii dhaqanka ahaa iyadoo loo gefayo, waan mashruuc ku dhex jira nidaamka 4.5, Culummadeenii iyaga mar hore ayaa waxa Beesha Caalamka loogu yeero ku guuleysatay qorshayaashii ay dadka kaga hor keeni lahaayeen, Argagixiso, Al-SHabaab, Mintidiin, Xag-Jir, dadku waa inay diidaan in Culummadooda la aamusiiyo, waa inay diidaan in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay argagixiso si aysan door uga qaadan xilka iyo waajibaadka diintooda, dadkooda iyo dalkooda ka saran.
 
Abaaraha dalka ka dhacay waxaa ka daran hoggaamiye xun waana  waxa Beesha Caalamka loogu yeero qorshaheeda ku
salaysanyahay, bal Xasan SHiikh Max’ud iyo Cumar Cabdi-Rashiid maxaa ka galay abaaraha ka dhacaya Puntland ama gobollada kale Somaliland, waa madaxdaas midda ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero rabto inay dalka xukunto, waana sababta Michael Keating uu ugu dhegay 4.5 oo uu rumaysanyahay inay xafiiska ku sii joogi karaan inta uu ka dhamaysanayo saxiixyada ka dhiman,. Culummadeena wixii sama-fal ah haday abaar tahay, hadday cuduro iyo masiibo kale tahay, dadka u horeeya ee dhibaatadaas wax ka qabashadeeda u guntada waa iyaga, laakiin marka ay timaado inay ka hadlaan hoggaanka siyaasadeed ee ummadda waa Argagixiso oo yaa inoo qorayna?!.....Hoggaan xun abaar waa ka daranyahay !

W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
 
COMMENTS

Xikmad Laawe

Doqontaadan la baxay Doqon waanshe ,Malaha Doqonku waa Adiga waanada u baahan,kaliya waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo kalmadda ahayd Gaas iyo Faroole miyaa Puntlan u siman.

Aan kuugu celiyee xaqiiqan ma,aan ahi labadaa reroor ee ay ka dhasheen Nimankaasi,waxaana wacan in markaad hadlaysid aad xaqiiqda taabatid,Gaas waa Nin aqoon yahan ah Caalamakana ku xidhan,Faroole anigu ku danbaabi maayo,waxaana la yidhi War Dhafoor buu ku yaal,Puntland waa Gaas Nolol ka wacan tii hore ayay Puntland iminka qaaday,Adigana waxaan ku leeyahay Alaha ku Caafiyo
24.04.2016Doqon-waanshe

Doqontu badanaa!

waa midkaan la baxay Abdi geed xun oo soo uraya oo laciin ah baad tahay,rnCabdi-Wali Gaas hadda waxba lagama sheegin waa sida ay runtu tahay, Cabdullaahi AHUN, waa dhintay warkiisana hadda meeshaan ma yaalo, Gaas, Xasan, Cumar Cabdirashiid midna siyaasadda dalka ninkaan wax soo qoray kama xigo, mucaaradnimadana caay ma aha, malaha adiga meeshaad aad joogtaa looga yaqaan Caay, marka aan ku weydiiyee hal arrin oo uu ninkaan been ku sheegay meesha iigama muuqato, gef kalana kuma yaal, ha cabsan ninkaan qabiil ahaan keliya baad ku nacaysaa oo waa sidaad u hadashay, is caddee maxaad beenta ku falaysaa oo aad isaga dhigay inaadan qabyaalad la qylinayn, adinkaa iska kay xiga ku lahaa beenaale fulay ah baad tahay.rnrnTan kale Xasan culusoo dowladdiisa haddii ay fadhiid tahay ma tan gaas baa marka horay u socota? what stupidity? mase xumaanta kaa buuxda ma Faroole iyo Gaas baa Puntland u simman, haddee see baa loo heshiin wuxuushnimadaas oo kale baa laguula immaanayaa, sidee baa marka loo heshiinayaa?!

Ar waan ku qaldamay

Ar ninkaan ma MJ aw ahaay, aniga waligay itoobiya aa iigu horeysay qof la baxdo Sooyaan, ogaadeen aan moodaayey, abidkayna ma arkin isagoo Xasan Sh. maxamuud wax fiican ka sheegaaya, laakiin MJ ma moodeyn,Cabdi wali gaas maxaa laga caaynaa nolol maba noolee,been lagu sheegay beenaalana waas yahay, ee ninkaan horta wax waas qori yaqaan ee hadalkiisa waa adadagyahay waana cadyahay, anaka qaatir billaahi aan ka joognay, Xasan Sh. rnrnhadda Saaxiib aan kala qalayno aniga markii hore Ogaadeen aan kuu qabi jiraylaakiin ina adeerkaa aa ku kashafay, ee odayga Xasan ah ee madaxweynahaaga ah iska dhaaf oo ka ducayso, waliyul amri waaye, sidaa ku ixtiraam, waana soo celnaynaa inaad nala doortaan baan rabnaa.

qucdad

Axmed Yaasiin Waxaan u malaynayaa Farbaa ku godan,Xukuumadii Abdulaahi yuusuf mucaarad aad u fog ayuu ahaa,tii Faroolana Muxaafad aad u dhow ayuu ahaa,TAN GAASNA waad aragtaan sida uu mucaaradkiisu yahay.

Waxay ila tahay CIISE RIYOOLE isma qariyo Meel kasta uu joogo waa isla kii ,adeerayaaloow Waqtigiinnii qaadateena Dadka ka fadhiista.

Waxaan Maqli jiray Dhadhanshaa waalan DHARGAANA ka daran,waa yaab,maantana Axmadoow ma Websidekaan ayaad la timid Qurunkaan.

Waxaad u socotay oo u araranaysaa ma,ahan Xasan Culusow iyo Xukunkiisa Fadhiidka ah ee Waa Gaas,Gaasna kaama xigo oo idinkaa Maxamuud Saleebaan isla ah ee waxaan diidanahay Huuhaada aad wadid ee waliba aan lahayn JID iyo JIHO toona
POST A COMMENT
Captcha

[top]