Economy
07.05.2016 comments (1)
Arimaha Dhaqaalaha

Arimaha Dhaqaalaha

Maxaa sababay Sicir-bararka & Dhaqaala burburka Puntland?

Waxaa maalmihii tegay dhegahayaga ku soo dhacayay Danyarta reer Puntland oo ka qaylinaya Sicir-barar ku habsaday oo saameeyay noloshii dadka danyarta ah iyada oo qaarkood uu ka demay Dabkii, Ganacsatadii taagta daraydna ay kaceen oo uu ku dhacay waxa loo yaqaano (bankrupt).
 
Dhaqaalaha Puntland?

Puntland waa qani waxaana dhaqaalaha gobolku ku tiirsan yahay ka ganacsiga Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga iyo khayraadka dabiiciga ah, waxaana hubaal ah hadii dalku helo maamul wanaagsan oo hormariya khayraadka Puntland ay leedahay, in dalku tiigsan karayo horumar ama hore u socod dhaqaale, waxa kale oo dhaqaalaha Puntland saamayn ku leh Mashaariic horumarineed oo Beesha Caalamku bixiso kuwaasi oo inta badan ku wajahan kaabayaasha dhaqaalaha iyo magaalaynta "Urbanization".

Maxaa keena sicir-bararka?

Ugu horayn sicir bararku ma aha aafo ama masiibo dabiici ah “Natural disaster” balse waxaa keena dhaqaale burbur, maalmul-xumada ama nidaaamka Dawliga ah oo aad u liita, musuq maasuqa aan la xakamayn, Qaraaba-kiilka, Laaluushka, Lunsashada amaba boobka Hantida Qaranka iwm.


Cabirka Sicir-bararka “CPI“

Sicir-bararku wuxuu yimaadaa marka ay si is dabajoog ah kor u kacaan qiimaha Maciishada iyo Adeega “Goods and Services”,  waxaan lagu cibraa "CPI-Consumer Price Index" nasiib daro Puntland  ma laha nidaam lagu cabiro Sicir-bararka, guud ahaana dalka Soomaaliya waxaa ugu danbaysay xili la la socodo kororka sicirka qiimaha khudaarta, timirta, hilibka, bariiska iwm sanadkii 1968-kii.

Wadamada maamul wanaagu ka jiro waxaa lagama maarmaan  ah inay leeyihiin "CPI" si loo ogaado heerka uu sicir-bararku marayo “rate of  inflation” si dabadeed loo xakameeyo amaba loo sameeyo daraasad lagu ogaanayo waxa dhaliyay Sacirka kacaya, sidoo kale wadamada uu maamulku ka jiro waxay qaadaan tilaabo xakamayn ah waxaana loo xil saaraa gudi aqoon u leh arimahan.

Puntland iyo saaamaynta Sicir-bararka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu sheegtaa inuu yahay Professor ka qaatay shahaadada Dhaqaalaha ee PhD Jaamacada George Mason ee dalka Maraykanka aqoontii uu sheeganayay miyaanay waxba kama jiraan ku sifoobayn, miyaanay tani ceeb iyo weji-gabax ku noqonayn, Madaxweynaha Dhaqaalayahanka ahi weligii ma ka fekeray sidii Puntland loogu samayn lahaa nidaamka lagu qiyaaso sicir-bararka?.

Waxaa nasiib daro ah in dhakhtarkii cudurka dawayn lahaa uu isagu cudurka abuuro ama masuul ka yahay, Madaxweyne Gaas fikir iyo xakamayn daaye, isga ayaa loo aanaynayaa inuu leeyahay masuulayada burburka dhaqaalaha Puntland, Maamulka Gaas ayaa lagu dhaliilaa inuu caadaystay musuq maasuq aan loo meel dayin, Qaraaba-kiil iyo boobka hantida Qaranka.

Ka sii darane waxaa maamulka Gaas xiligan Puntland ka wadaa uruursiga iyo Sicir-goynta Doolarka "Dollarised Economy" wuxuuna cashuurta ku qaadaa Doolarka Maraykanka, isla mar ahaantaana wuxuu si xad-dhaafka u daabacaa lacag Shilin Soomaali Faalsa ah taasi oo Dawladdu suuqa soo geliso "Money supply".

Gunaanad

Arimahan oo idil waxay ku tusayaan in si ula kac ah loo burburinayo Dhaqaalaha Puntland, iyada oo harka cad dakhliga dalka soo gala Acountiyo dibada ah lagu shubanayo, shacabweynahana lagu harqinayo warqado Been-abuur ah oo lagu dhacayo hatidooda,  Allaha dhawro shacabka xalaasha ah ee Soomaaliyeed, dal hogaankiisii boobayo weligii horumar gaarimayo!!!

Arimaha Dhaqaalaha
Dunidaonline.com



 
COMMENTS
08.05.2016Doqon-waanshe

Tuuga madax-weyne ma ahee iska erya.

Gaas aqoonta uu sheeganayo waxba kama jiraan, keliya wuxuu helay meel shacabkii lahaa iyo odayaashii ay dayaceen, waa tuug caadi ah advantage ka qaatay shacabkii dalka oo doonaya inay ilaashadaan nidaamka u dhisan, laakiin nidaamka sidaas laguma ilaaliyo.

Tuug raba inuu wax ku xado mas'uuliyaddii loo dhiibtay ama shaar qabiil oo la leeyahay reerkiisa yeysan dudin, sidaas ma aha nidaam dowladnimo lagu ilaashado, dhallin yarrada waa inay intaas fahamtaa oo intay badaha ku dhimman lahaayeenwaxaa dulliga iska dul qaadaan, ma aha inay runta ka cararaan oo badaha Europe ay ku haftaan.

War doqankaan iska erya anigu waannadiisa waan ku daalay wax garan maayo, waxaa cidna idinka qaban mayso, qabiil uu masruufana ma jirto, laakiin qabiil kasta oo idinka mid ah wuu dulayniyaa, hantidoodii buu dhacayaa, nin uu nolol u oggolyahay oo aan naftiisa ahayn ma jirto,war sabab uu idin la joogo ma jirto, awal baa la yiri Hoggaan xun Abaar waa ka daranyahay. iska kiciya ku mudaaharaad, la dagaal, noloshiina iyo hantidiina ilaashada, waa ula kac waxa uu idinku samayniyo.
POST A COMMENT
Captcha

[top]