News
12.05.2016 comments (0)
Qaw

Qaw

Iska horimaad dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo ka dhacay degaanka Qaw

Waxaa abaaro duhuradii maanta dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ka dhacay deegaanka Qaw ee gobolka Bari. dagaalka ayaa ka dhashay markii ciidamada Badda ee Puntland oo amar ka heysta Agaasimahooda ay u yimaadeen dhalinyaro u dhashay deegaanka oo halkaa beer ka falanayey.

Ciidamada ayaa dhalinyardii ku amray in ayan beer ka falan karin degaankaasi, iyagoo sabab uga dhigay in dhulkaa laga iibshay nin carab ah oo u dhashay dalka Eimaraatka Carabta.

Dood kadib waxaa halkaa la isku weeydaarsaday rasaas taas oo sababtay dhimashada Xuseen Yaasiin Aadan iyo dhaawaca Cabdirashiid Axmed Aadan oo labaduba ahaa dhaliyaradii beeraleyda ahayd ee u dhashay degmada Qaw.

Waxaa kaloo la sheegayaa in dhanka ciidamada Badda ee Puntland ay iyana ka dhaawacmeen labo askari. jawiga ayaa ah mid kacsan waxaana suuragal ah in mar kale halkaasi dagaal ka dhaco.
 

Dadka degaanka oo mka caraysan dhacdadan ayaa is weydiiya "Waxa ay tahay shaqada dhabta ah ee ciidamada Badda ee Puntland ee ay qalabka u sitaan?" Maxayse la isugu leenayaa dhalinyaro walaalaha ah ee wada reer Puntland?
 

Hadii aan isku dayno in aan qeexno sababta loo aasaasay ciidamada badda ee Puntland waxa ay tahay:
 

* In ay la dagaalamaan tahriibta, burcadbadeeda iyo kaluumeysiga sharci darada ah ee ka jiray xeebaha deegaanka.

* In ay guud ahaanba sugaan amniga xeebaha Puntland.
 

Marnaba ma aheyn "mandate" ama (shaqadii loo abuuray) ciidamada Badda Puntland in ay wardiyeeyaan bogcad si sharci dara ah uu C/weli Gaas uga iibsaday nin carab ah oo u dhashay wadanka UAE. isku qabsiga dhulku waa howl u taala ciidanka Booliiska oo iyaguna ay tahay iney u sii gudbiyaan maxkamada Rayid ah.


Su'aalahan ma ahan kuwa jawaab loo hayo, waxa kaliya oo la oran karaa inay tahay damaca axmaqnimada ah ee C/weli Mohamed Cali Gaas oo maanta dhiigoodii u daadiyay dhalinyaradii isu hilba diri lahaa.

Si kastaba sababo aan la garaneyn awgood ayaa inta badan Warbaahinta Puntland waxa ay ka gaabsadeen inay wax ka qoraan dhacdadan foosha xun.

Dunidaonline.com
Wararka-Puntland


 


COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]