Opinion
12.05.2016 comments (0)
Qore: Muuse Xaaji Abees

Qore: Muuse Xaaji Abees

QARANIM0 MA JIRI-JIRTAY?

 QARANIMO HADDAY SOOMAALIYA WAA KA JIRI-JIRTAY YAA AAFO DHAAFSADAY
                OO BILILIQAYSTAY 1991-DII  IYADOO BARBAARTAY OO 30 JIR AH?


War dadoow ma xuud baa liqay qaranimadii aan qarniyaasha ku soo xoog, xoolo, naf iyo maal beellay, una soo gallay halgankii adkaa ee dheeraa? Ma jirtaa cid innala wadaagta dayaca iyo darxumada aseeb-tay Soomaaliya oo qaran la'aan ah 26 sano, horena ugu soo dhaqantay qarannimo aad u gaamurtay?

Ma caqli baa, mase waa ceeb adduun haddaan odorosnay inaan qaranimadii qaangaarnimada quruxdu u raacday ee aan 30 sano kobcinaynay, miraheediina gurannay ay nasiibdarro koox yari u aragtay in aan gacmaha kaga gubanay, lana sii wadi-kari-waayey ilaalinteeda, go'aanna ku gaartay in la iska tuuro, rasmi ahaan ayaana loo tuuray Qaranimadii, lagana doortay qabiilka inna-garbaduubay, ooddana innoorogay
ee aan hadda la taahaynno, horaana loo yiri:
 
(NINKII DHAADKA ISKU DHUFTA ISAGAA U DHUTIYA) iyo weliba (GABLAN BAY  MUTAAN NIMAN HADDAY GUDA-COLLOOBAANE, GOLDALOOLADOODAA WAX GALA NIMAN U GAALAAYE)?

Su'aal ayaa oranaysa: "MA LA TEBAY OO LOO DARSADAY QARANIMADII INDHO LA'AANTA LAGU RIDAY 25 SANO KA HOR, MASE WAABA LAGA RAYSTAY OO LOO BOGAY XAALADDAAN KU SUGANAY"?

Siyaasiyiin, Isimo, Aqoonyahanno, Odayaal, Saraakiil, qabqable & anna waa i kan boqolaal kor u dhaafaya oo weli aad u soo badanaya, ​xumaha iyo fidnada oo aan lagaba daalayn, laguna faraxsanyahay hurinta shidada, iyadoo hiil la bidayo dulmi, loona arkayo fariidnimo fogaatay ayaa taagan, waxaana lagu dhaqmayaa dareen culus iyo daandaansi & hadal la'aan, iyadoo aad loo hoobanayo, aadna loo halaagsamay su'aal la'aan.
 
Waxaa  ​aad loogu faanayaa in la dhigo riwaayado aan isgeyin oo kulligood kharbudaad ah, loolana jeedo sidii qof walbaa u noqon lahaa Madaxweyne, haddii kale suldaan. Shaqsiyaadkaas damacooda waalidu dhaanto waxay rajaynayaan in ay helaan shacab la maamulo iyo dhaqaale abaalgud uga dhigaan si ay u sii badiyaan sharka iyo shidada aan dhammaadka lahayn, si halkaas ay uga soo baxdo shaqo dullaalnimo oo aan aayatiin lahayn.

 Ilaahoow aqoontii, iimaankii, dadnimadii, taarikhdii iyo dawladnimadii aan ku bedelannay burburka iyo caqlixumada naga caaqibay, dibna noogu soo celi sharaftii, karaamadii, magacii, maamuuskii iyo awooddii aan caalamka ku lahaan jirray, gaar ahaan fagaarayaashii la isku baranjiray kana qaadi jirray heeskii wacnaa ee soo baxay 1977 markii aan garaacnay albaabadii gumaysigii Addis Ababa ka talin jiray ee caalamku isu taagi jiray markay aqoonsadaan shaqsiga Soomaaliga ah, wuxuuna ahaa heesku:  

"SOOMAALI, SOOMAALI, SOOMAALI BAAN AHAY, SANKUNEEFLE MA OGGOLI INUU IGA SARRAYN KARO"

Waxaan xusuustaa Soomaaliya oo aad looga caroodo, loogana shallaayo nasiibdarradii iyo ciirsi la'antii ku dhiidhiibsatay dalkeenna iyo dadkeenna markay siday doonaan innaga yeelee gumaystayaashii adduunka ee isugu jiray Africa iyo Yurub, kuna qaybsadeen Soomaaliya magaalada Berlin oo ah dalka Germany1884, waxayna ka dhigeen Soomaaliya 5 qaybood, inkasta oo aanay weli innadeyn ee ay 2-dii xoroowday 1960-kii 30 sano kaddib burburiyeen una qorsheeyeen in ay ka dhigaan 20 maamul oo xabbad la isugu dhiibay, ileen doqoni waa magaratee, waxaanse aaminsanahay in aanay arrimuhu noqon doonin tooda oo keli ah balse ay
ku dambayn doonto midda Alle ee runta ah, insha Allaah.

Shirqoolkaasi wuxuu u fulay sidii cadoowyada shisheeye u rabeen, maxaa yeelay ma jirin cid ay uga baqana- yeen iyo damiir aadaminimo oo ay xeerinayeen, waxaana ka mid ahaa gumaystaashii dayaca nabaday waqti aanaan isugu fillayn aqoon, talo,tabar iyo midnimo oo aanaan iska waabinkarin nacabyo hore u soo addoon- saday caalamka, waxaana ka mid ahaa aafooyinkaas: ETHIOPIA, ITALY, BRITAIN IYO FRANCE..
   
Haddaba su'aashayda 1-aad ee maanta waxay tahay: ma moognahay weli in aan shalay ka  ilduufnay ama weyney aqoon, tabar,  talo iyo midnimo aan ku daafacanno dalkeennii hooyo ee innaga oo indhaheennu 5 yihiin duhur cad asaageen cagta ku dhuftay Soomaaliya iyadoo ololaysa, dibna innoo soo jalleecaysa, kana koobnaa: (DEBEC, HAREEY, DUBBAD, DAAWAD iyo HEETIS)?

DARKA KAMA CABBAAN QAALMIHII DARARTA WAALLAAYE, HABEENKOO DALOOLTEGEY RATIGU DEEB MA ROORSADO'E, DOOXADA RAMAASLEY NIRGUHU GIICDA MAHAYAANE.

               "CIILOOW SHANEEY TALO XUMAAN CUDUR KA WEYNAYNE".

Aad baan u ciishooday ugana carooday sidii ay gumaystayaashu micida dhiigga leh ugu aaseen 5 qaybood oo Soomaliya ka mid ahaan jiray, si bareer ahna loo qaybiyey, loona qoondaystay dalkeennii hooyo ee aan aadka u jeclayn, dabadeedna ay si fudud u kala qaybsadeen, innaguna ku dambaynay ikhyaar iyo aayo la'aan muddo qarniyo ah, iyagoo uga danlahaa in la kala geeyo midnimada, maskaxda, muruqa, maalka, maamulka, maa- muus iyo magaca ummad waxwalba iskaga midka ah sida afka, diinta, dhaqanka, muuqaalka iwm. Hase yeeshee inkasta oo ay kala dhantaaleen dhumucdii iyo wadajirkii Soomaaliya, haddana kuma guulaysan siday
wax u rabeen, waxyeelona kuma iman afka iyo diinta.
 
Hase yeeshee, su'aashayda 2-aad ayaa waxay tahay, haddiii 26-kii June 1960-kii iyo 1-dii July 1960-kii 2 Qaybood oo kala ahaa Waqooyi iyo Koonfur waa iyagii Ilaahay aad u fahamsiiyey garashadii wanaagsanayd ee ahayd in ay midoobaan, ayna wada dhistaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, si habboon ayeyna u hawlgashay, aqoonsi wacanna adduunka uga heshay.

Dawladdaasi waxay shaqaynaysay 9 sannadood, waxaana mudadii ay shaqaynaysay dawladdaas iska beddelay 2 Madaxweyne oo kala ahaa: Aden Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 3 Ra'iisalwasaare ayaa si wanaagsan ula shaqeeyey, waxayna kala ahaayeen Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen & Maxamed Ibraahim Cigaal.
Madaxdaasi waa wada dhinteen, waxaana ugu geeri dambeeyey C/risaaq Xaaji Xuseen. Rabbi ha u naxariisto, jannada fardoowsana hoygooda aakhiro ha ka yeelo. Aamiin insha Allaah.

Hase yeeshee xukun milleteri ayaa dalka ka dhacay 21-kii October, 1969-kii, sidaas ayaana dawladdii shacabka laga soo dhexdoortay loo bedelay, sahalna hawlihii siyaasadda looga nasiyey.

Dawladdii milleriga ahayd markay halgan adag iyo maamul kacaan ah soo wadday 20 sano waxaa 26-kii Jannaa-yo,1991-dii bedelay mooryaan miyiga galgaduud Gen. Caydiid ka soo abaabulay, lana soo faray in ay xamar aadaan kana doonta xaqii laga dhacay ayna ka mid ahaayeen dahabooyin, doollar, daaro, doonyo, dukaamo, baabur, beero, warshado  iwm, waxaana sidaas talo ku siiyey Mingiste Haile Maram ee Ethiopia,
isagoo sidaas kaga ciilb beelayey karbaashkii lama filaanka ku noqday ee 1977.

Ugu dambayntii dawladdii la riday mooryaantii bedeshay waxay ka soo daadufeen miyiga galgaduud
markii lagu casumay in ay bililiqo u aadaan xamar, maxaase ka dambeeyey? Waxaa ka dambeeyey in Bililiqo
kastaa ay u horseeddo bililiqo kale oo ka buuran bililiqadii hore, ilaa ay cagta wada mariyaan gobollada
koonfureed ee Soomaaliya sida waqooyiga Mudug, Beledweyne, Baydhabo, Kismaayo, Gobolka Shabeellaha Hoose oo ilaa hadda ay ku suuxayaan, lagana fujin la'yahay, kuna sii darsadeen Banaadir.
Waxay kaloo aad u holliyeen, balse ku halaagsameen Garoowe iyo Boosaaso, waana iyagii yiri: Boosaaso
ama baab'a, waana ku baab'een. Waxay kaloo ku baab'een ayna ka noqdeen haad geed waayey Beledweyne.

waxaana maanta Soomaaliya ugu aayatiin liita kooxihii bililiqada lagu ababiyey, lana fac ah dagaallada, isbaa-
rada, miisaanka dadka, boobka, iimaandarrida, xaaraan-kunaaxnimada, damaca waalan, doolaalka iyo duullaanka aan xadka lahayn. Shaki kuma jiro in kooxdii kibirku aafeeyey inbadan ku dambayn doonto hoo-
yooy hoosta i geli.  

Waxaa ka dambeeyey, lagana dhaxlay in ay xabbaddu wiiflayso har iyo habeen muddo rubuc qarni iyo bilo ah. In dadkii Soomaaliyeed intoodii badnayd ku dhammaadaan badaha adduunka iyo webiyada. in xeryaha qaxootiga Kenya, Ethiopia iyo caalamka oo dhan magan u noqday iyo dalal badan oo adduunka ka jira, sida Yurub, Maraykanka, Canada dhoobanyihiin, iskuna dilayaan, iyagoo weli xambaarsan dhaqankii baas ee isdilka ahaa ee ay dalkoodii kala yimaadeen, calamkuna ku daalay sidii wax looga qaban lahaa.
     
                                               WABBILLAAHI TAWFIIQ
                                              Qore: Muuse Xaaji Abees
                                               (abees 11 @gmail.com)


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]