Opinion
24.05.2016 comments (0)
Maxamed Saliid Calisamey

Maxamed Saliid Calisamey

Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya kadib, ma laga yaabaa inay Soomaaliya Madaxbanaani buuxda hesho?

Waxaa laga yaabaa in akhristeyaasha qaarkood, isweydiiyaan waxa qormadu ula jeedo, madax bannaani buuxda. Waxaa loola jeedaa, in ay ammaanka Soomaaliya gacanta ku hayaan AMISOM, marka laga reebo Somaliland (oo iyadu ka Baxday Soomaaliya) Iyo Puntland.

Waxaa intaa dheer, in, wax kasta oo ama Go´aan ah ama siyaasad ah ay inoo yeeriyaan, qolo la baxday beesha caalamka, Ethiopia, Kenya iyo cidkasta oo ay dani uga xirantahay Soomaaliya.

Waxaa caanbaxday erayada ah, Maraykan baa hebel wata, kanna Masar baa wadata, keerna Ethiopia baa wadata.
Intaas waxaa dheer in wadamada deriska ah oo ay Soomaaliya isku hayn jireen, dhul iyo dad ay gumeystuhu si ula kac ah ugu dareen wadamadaas, ay hadda fursad u heleen, inay iyana lug ku yeeshaan talada Soomaaliya.

Iyagoo u soomaraya hogaamiyeyaal ay toos u xukumaan ama ka taliya gobolo ay wadamadaasi ammaankooda, iyagu gacanta ku hayaan. Iyadoo ay middaasi u dheertahay qaar kale oo ay siyaasada Saaxiib hal dhinac ah kula yihiin. waxaa xusid mudan in Soomaali badani u arkaan inay Soomaaliyada Maanta, ay ka wanaag iyo xorriyad badan tahay, Soomaaliyadii ka horreysey 1991dii.
Dabcan, iyagoo ka door bidaya, amarkii iyo taladii Soomaalidu lahayd, midda ay shisheeyuhu iminka wataan.

Doorashada kadib.

Talada dalka, haday kusoo laabtaan siyaasiyiinta maanta joogta, maxaa la filan karaa? Waxaynu si fiican ula soconey hab dhaqankii 4ta sano, ee ay siyaasiyiinta maanta talada hayaahi ay ku caan bexeen. Kuwaas oo caado ay u ahayd, inay mooshin ka keenaan wasiirka koowaad. Waxaa caado u ahayd is qab-qabsi siyaasadeed oo u dhexeeya golaha wasiirada iyo Madaxtooyada.

Middaas waxaa wehelisa aqoon la´aan xaga maamulka ah, iyadoo lagasoo xigtey mid kamida madaxda ugu sarraysa dalku inuu ku faanay in ammaanka dalka, Dhaqaalaha iyo hay´adaha Dawlada loo dhiiban karo dalal kale, Sida kuwa deriska ah oo iyagu danahooda fushanaya.

Arrintaasi waxay daboolka ka rogtey siyaasadii qarsoonayd ee sababta u ahayd, waxa keenay in la bilaabi waayo, hab ciidamada shisheeye dalka looga saarayo.  Iyagaaba lays hoos dhigay, oo waxaaba loo haystaa inaan kuwo ay Soomaaliya leedahay aan looba baahnayn.

Waa siyaasadda keentay inaanay jirin qaab dhaqaale oo wax looga qabanayo shilinkii Soomaaliga oo dhamaaday iyo weliba sicir bararka joogtada ah. Marka laga tago guuldarrada siyaasadeed ee Soomaaliya, lasoo deristey 4tii sano ee lasoo dhaafay,  iyo sida loo dayacay fursadihii qaaliga ahaa ee soomaray, waxaa caddaatay inay horumar, u yaqaanaan, meelo yar yar oo guryo iyo maqaaxiyo ay dad shakhsiyaad ahi ka dhisteen, dhulkii danta guud, kuwaasoo waliba ku suurto galay, ammaan ay hayaan askar shisheeye, sida Uganda, Burundi, Ethiopia iyo Kenya.

Meelahaas waxaa ka mid ah Xeebtii Liido, Barxadii ceelgaab oo ay ula bexeen ”Beerta Nabada” . Arrintaas oo ah  mid, aad looga yaq-yaqsoodo in ammaan Amisom iyo dhismo ama bililiqo dhulkii danta guud lagu sheego horumar. Waxaa caado u ah madaxda maanta joogtaahi, inay yiraahdaan erayga ah nabadda iyo horumarka aad u jeedaan waxaa laga keenay meel fog.

Nimankaasi waxaysan marna fahmi karin, inuusan Ammaan iyo talo aadan adigu lahayn aanay waarayn. Waxaa xusid mudan in ay bishii hore EU: ay tiri waxaan jaranaynaa 20% kharashka ay ku bixiyaan mashruuca Amisom, markaa ay Uganda soo saartay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya. Shalay oo ay taariikhdu ahayd 22, May 2016 waxaa iyana ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso Kenya.

Inkastoo uu madaxweynaha maanta, ee dayacay fursado looga maarmi lahaa ciidamo shisheeye, uu ka codsaday madaxweynaha Uganda inuu hakiyo, qorshahiisa daabulaada ciidamadu, hadana waxaa lagama maarmaan u ah inuu la baxo ciidamadiisa, maadaama uusan u hayn kharashka ay u baahanyihiin si ay usii joogaan Soomaaliya.


Haddaba, hadday taasi dhacdo, ma lagu raaxaysan beach view Liido iyo Ceelgaab, beerta nabada? Jawaabtu waa maya, waxaana la arki, iyadoo ay alshabaab taagan yihiin irdaha goobahaas. Iyadoo taasi jirto, ayaa waxaa wax laga naxo ah in raggaasi ay weli u hamuun qabaan inay talada dalka dib ugusoo noqdaan.

Talo ku socota Qabaa´ilka Soomaaliyeed.

Anigoo og in qabiil waliba uu u qabo ceeb-kasaliim, siyaasiga qabiilkiisa ka tirsan, ayaan waxaan hadana codsanayaa inay kuwa wax xulayaa fiiriyaan, fursadihii la dayacay iyo weliba sida ay inoogu amar-kutaagleeyaan, wakiilada wadamada shisheeye iyo kuwa la baxay beesha caalamku. Inay eegaan is qab-qabsigii madaxda sare ee dawlada, Mooshinadii wax ridida iyo lug jiidka ahaa ee afartii sano ee lasoo dhaafay hareeyey Soomaaliya.

Hadda, markaad intaa eegtaan, waxaa waajib idinka saaranyahay badbaadinta Soomaaliya. sidaas awgeed waxaa waajib ah, inaydaan soo celin kuwii fashilmay 4tii sano ee lasoo dhaafay. Inaan laydinku beer laxawsan, waxaan leeyahay Aqoon been ah, tusaalena ku qaata kuwii hore inooku sheegan jirey Aqoonyahan kuwaas oo si xun ugu fashilay aqoontii, wada PhD ahayd.

Hadda, doorkaan ku doorta qofka aad dooranaysaan, Alle ka cabsi, daacadnimo iyo inuu qofku beenta ka cararo. Intaas haddad keeniweydaan ka quusta waddankii Soomaaliya la oran jirey, qaatana masuuliyadaas.
 

Maxamed Saliid Calisamey
mxsaliid@gmail.com


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]