Opinion
29.05.2016 comments (3)
Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Munaasabadaha Itoobiya ee Soomaaliya looga dabbaal degayo waa farrin cad!

Warku waa iska cadyahay, dagaalna kama duwanna kamana xanuun badna midka 26sano annaga Soomaalida ah dhexdeenna ka socday, Itoobiyana waligeed waa ay innaga hub badnayd, oo innaga taakulo badnayd, dagaalka ay innagula jirtayna wuxuu ku salaysnaa diinta iyo dhaqanka inkastoo aan annagu ku haysannay dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay adoonsanaysay. Nabadda iyo wanaagga haddii deriskii uu diiday yaa wax ku falayana?! Nabad la diidayse yeey macno u leedahay?  Qaranimadeenna, xornimadeenna, iyo ammaanka xuduudaheenna midna baryo ma aha, Itoobiyana siday jeceshahay bay inoogu dhamaaanaysaa haddii ay doonayso deris wanaag iyo labo dadl oo jaar ah oo xeer iyo xudduud wadaagana sidaysay noqonaysaa, haddii kalana sida ay hadda wado  gunteeda waa mid an garan karno, shaki iigama jiro sida ay hadda iska dhaadhiciyeen oo ay ula dhaqmayaan  Soomaalida burbursan inaysan sii soconayn.
 
Itoobiya marna inaysan wanaag innaga damcin waxay ka muuqatay markii ugu horeysay sanadkii 1996kii iyadoo ay kooxihii dagaalamayay ee Soomaaliyeed ay ku shiriyaan Sodere oo  wali ay marti u yihiin Itoobiya ayaa har cad si aan gabbasha  lahayn waxay ciidammadeedu duulaan ugu soo qaadeen gobolka Gedo  waxayna ku andacoonaysay in niman Al-itixaad ah ay dalkeeda ka difaacayso, hasa yeeshee ciidammadaas waxay geysteen xasuuq dad  faro oo shacab ah una  badanaa  haween iyo  caruur yar-yar,  waxayna boobeen hanta aad u faro badan, illaa iyo heer ay guryaha u dadka ugu dhceen iyagoo baaranaya, arrintaas waxa Beesha Caalamka  Loogu yeero waxay kaga jawaabtay inay yiraahdaan itoobiya way is difaacaysay, ugu dambayntiina waxaa loo sharciyeeyay gelitaanka Soomaaliya iyadoo la leeyahay  waliba meeshii ay rabto bay uga daba tegi kartaa ama ka soo qabsan kartaa argagixisada ( macnaha  qoka ay u baahantahay ).
 
Wixii markaas ka dambeeyay dalalka xooga is biday ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka waxay maalin kasta soo saarayeen go’aano gogol xaar ah oo aan waxba ka duwanayn kuwii Belfast 1948kii ee Israel lagu dejinayay Falasdhiin,  waxaana cuna qabatayn xagga hubka ah la saaray dalalka Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana si dadkeenna loogu duleeyo lagu soo daray dhammaan nidaamka kasta oo waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay arrimaha Soomaaliya lug ugu yeelanayso, waxaa si bareer ah oo aan qar-qarsi lahayn loo diiday in wax ciidan Soomaaliyeed ah ay dhismaan oo lays hor taagay….ma aragtay 4 xaajiyadood oo David Cameron uu ku deeqay wazaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya oo waliba la gudoonsiinayo waziirkii dhammaa ee wazaaraddaas?!....heerkee baan maraynaa?! ..maalin kasta in Puntland iyo Somaliland looga dabbaal dego  munaasabadaha ay Itoobiya leedahay?!...Qarnigii la rabaa in layna adoonsado, aduunkaba maanta kama jiro dal la adoonsado, marka ma annagoo xor ah baa hadda waxa Beesha caalamka loogu yeero ay la noqotay inay adoonsigii dib inoogu ceshaan!
 
Maxaa innaga galay dabbaal degga Itoobiya? Maxayse isu kaaya dooriyaan Mengistu Xayle Maryam  iyo  Xayle Maryam Desalegn degeynaa ?  Sababtaan ula dabbaal degayno maxay tahay? Tan kale haddii xeerarka diplomatsiyadeed la raacayo waa  macquul  safiirka Itoobiya u jooga Muqdisho  cazuumad  ku qabsado ay ka soo qayb galayaan ergooyinka shisheeyaha ah ee sal-dhigoodu Muqdisho yahay wuuna ku marti qaadi karaa nimanka jaakadaha ku giigsan ee magacii iyo xafiisyadii dalka ku adeegta, hasa yeeshee ma aha sida ay hadda Itoobiya u dhaqmayso si aan ka aqbalayno waxayna kor u qaadaysaa cuqdaddii gaamurtay ee labada ummadood ka dhexeysay.
 
Itoobiya warshado hubka sameeya baa loo dhisay, laakiin iyagu mid baa ka khaldamaysa oo maxay  tahay  awalba hub  la’aan Itoobiya ma haynee  hubkaa  wuxuu u yaalay dhismo Washington ama Moscow ku yaal laakiin hubka mar walba iyagaa loo sameeyay,  hasa ahaatee Itoobiya miyeysan ogeyn waan kaa hub badnahay haddii uu aduunka ku dhisanyahay  iyaguba qaran ma ahaan lahayn! Siyaabaha qaar waxay u marag kacayaan ujeeddada  foosha xun ee ay Itoobiya innaga damacday…..sidii uu burburka inoogu dhacay wali dowlad baa laynagu magacaabayay, laakiin wali ma dhicin koley Djibouti ku tahay dowlad inoogu soo hambalyeeysay  munaasbadaha aan u dabbaal degno ee qarankeena maalmaha u astaysan lagu xuso; 1da luulyo iyo 26ka juun! Taas macnaheedu muxuu yahay? ….xataa intii uu ninkii waalnaa garanayay baan garan la’nnahay, ninkaas dawada lagu seexiyo ayuu necbaa oo uu diidi jiray, marka waxaa la dhihi jiray war kaalay lacag baa lagu siinayaayee, war kaalay wax cun, markaasuu intuu qoslo oo cararo dhihi jiray “Al-caaqil yafham!”… maxaa diiday in laynoogu hambalyeeyo maalmaha gobanimadeenna?!..... haddee waxay ila tahay arrintu waa caddahay, Al-caaqil yafham!...sow maha macnaheed dowladnimo idin  ma  aqoonsanin, mise?!
 
Xuseen Caydiid baa mar sheegay sheeko aad dadka badankii  uga caroodeen, laakiin saansaanteedii baa muuqata, Caydiid wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya laysku darayo hal baasaboor iyo hal lacagna ay wada yeelanayaan. Waxaa taas ka horeeyay sida uu ii sheegay diplomats hore oo Soomaaliyeed in dowladdii burburtay ee Soviet-ka (United Soviet Socialist Republic) ay u soo jeediyeen dowladdii maamulkii Siyaad Barre xilligii uu Mengistu Xayle Maryam ka talinayay Itoobiya in labada dal ay noqdaan dowlad federal ah oo hanti-wadaag (Socialist) ah, khariidadaha noocaas wali yaalaan, Itoobiyana waxa ay ku haminayso waa carab-laad-laadintaas ay ka haysato meelo badan oo ka mid ah dalalka xoogga is biday oo Soomaaliya ku colaadinaya sababo diineed, waana sababta ugu weyn ee cuno-qabataynta hubka loo saaray Soomaaliya iyo Eritrea, waliba waxaa xusid mudan inaan qorshuhu ku jirin in cuno-qabatayntaas laga qaado, sida Falasdhiin oo kale.….oo maxaad Falasdhiin uga duwantahay?! …..is-bedelka waa maanta, bowdka meesha uu ka gaabtay ee laynooga soo dhacayna Al-caaqil.. .Yaa!
 
Al-shabaab baa laynagu  mashquuliyay iyadoo dhammaanteen Al-shabaab laynoo haysto, oo magacooda dalkii oo dhan ciidamo shisheeye ah loogu xalaaleeyay, oo xudduudihiisii oo dhan loo furay…..waxxaa su’aal is weydiin mudan ah maxaa munaasabadaha Itoobiyo leedahay ee u gaarka ah looga dabbaal degaa Soomaaliya?!  Waxyaabaha aan ka soo sheekaynay iyo marka aad fiiriso dhaqdhaqaaqyada iyo sida ay Itoobiya ula dhaqmayso Soomaaliya waxay ku tusaysaa in farriintu caddahay oo ay salka ku hayso cadaawadda ay in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed tuhmayaan.  Waxaa  intaas dheer  in fal-danbiyeedyo badan oo dalka gudihiisa ka dhacay oo lagu laayay dad badan oo wax garad ahaa ama wax ku ool u ahaa  dib u dhiska ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku  jiraan khubaro ku xeel-dheer  aqoonta iyo dhisiidda ciidammada, maamulka iyo siyaasadda, iyo culumaa’udiin oo loo haystay in  kooxda Al-SHabaab ay khaarijisay, hadda la rumaysanyahay in ciidmmada sir-doonka ah ee itoobiya ay dileen.
 
Waayadii Mbagathi lagu shirayay ama uu socday shirkii lagu soo dhisay xukuumaddii Cali Max’ed Geeddi waxaa jiray dad badan oo ka soo hor jeeday in ciidamo Itoobiyaan dalka ay soo galaan oo xil-dhibaano ahaa ama ka tirsanaa xukuumadda, maxaa dadkii aamusiiyaya maanta oo ay arrintu aad uga khatarsantahay sidii hore?! Maxaa is bedelay?  Mise dadkii  waa loo caga jugleeyay?! Aaway dad-weynihii, maxaa afka haysta?! Siday kastaba ha noqotee maanta Soomaaliya diyaar uma aha cadaawad iyo colaad hor leh oo dhex mara iyada iyo Itoobiya, hasa ahaatee sida uu noqonayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya  intiisa badan wuxuu maanta ku jiraa gacanta Itoobiya, laakiin mid baa xaqiiqa ah oo aan shaki iiga jirin ama aanan marna ka walaacsanayn oo maxay tahay? Waxaan ku faraxsannahay oo aanan walaac ka qabin in dadka Soomaaliyeed ciddii ay doontaba  ha ahaatee aysan marna qaadanayn; san taagis,  gar-daro iyo dulmi.




Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

 
COMMENTS
13.03.2017Larryvom

Get Worry-Free Rest With This Sleep Apnea Advice

If you have difficulty sleeping, it may be a symptom of sleep apnea. Lots of people deal with this condition every day, and it is often a problem that is quite unpleasant to manage. But the good news is that there are effective treatments out there. Read this article to learn some basic information about recognizing and treating sleep apnea.

If you suffer from sleep apnea, you should use a Continuous Positive Airway Pressure machine while sleeping. This will help you treat your sleep apnea and get you on the path to having a full nights sleep. This machine uses either a face or nasal mask to pump air while you sleep.

Some people have problems using the CPAP machine to deal with their sleep apnea. The best advice is to stick with it. It is not a cure, but it does treat your sleep apnea. If you stop using it, you still have sleep apnea, so you need to keep using the machine regularly.

If you have sleep apnea, be sure to ask your doctor every five years if you should have a follow-up sleep study. As your weight and health change, your CPAP pressure may need to be adjusted. The most accurate way to reassess your needs is to have another sleep study with CPAP so the appropriate pressure can be determined.

Understand the effects that smoking and drinking alcohol have on sleep apnea, if you are trying to get a grip on your quality of sleep. Smoking enlarges airways, while alcohol can relax them too much, both of which will contribute to the symptoms of sleep apnea severely. Consider making the necessary cut-backs that will cut down on your sleep problems.

Try your best to maintain a regular sleeping schedule. When your body gets into a customary sleeping cycle, you will find yourself getting a better night's sleep, and you will also be more relaxed. Several studies have shown that apnea episodes decrease when a person is not sleep deprived or stressed out.

Should you suffer from sleep apnea, keep a regular sleep schedule. Your condition is already messing with your regular sleep cycle every night. If you can get on a better scheducle you will help your symptoms. The adjustment that is most important is your sleep schedule.

For people who smoke, the best way to correct a sleep apnea condition is to quit smoking. Smoking is one of the biggest causes of sleep apnea. When people stop smoking their risk of sleep apnea is reduced and they can get a full night sleep within days of quitting.

People who use alcohol, sedatives, and sleeping pills are far more likely to suffer from sleep apnea. This is because these drugs will relax the throat and cause their breathing to be impaired. Using these drugs before bedtime is more likely to cause sleep apnea than using these drugs during the day.

If you are concerned that you may suffer from sleep apnea, it is important to be diagnosed right away. This way, you can start getting the treatment you need as quickly as possible. The advice you have read in this article can help you find the relief you need from this troublesome condition.

<a href=https://www.viagrasansordonnancefr.com/>viagrasansordonnancefr.com</a>
30.05.2016tol la ay

tol la ay

aan ooyee albaabka ii xira
29.05.2016Gabar Hawd

Gunnima ka muuqata sawirka

Ninkan Dhererka Badan Ee Tigreega Cake gga u jaraya miyuusan ahayn nin sinji ku leh kuna abtirsada Dhashii Daraawiishta!!?? ...Waxaa ka sii xun kuwa Madaxweyne kuxigeen ka dhigtay ....Caqli iyo xirfad aqooneed midna malahan...ninka ka fakari waayay in Ethiopia-Tigrenians inay yihiin kuwa gacanta u galiyay SSC Isaaq, asaguna uu maanta CAKE u jar jarayo, sidii Jaariyadihii Sacuudiga ka shaqysan jiray ...Gunnimo ayaa ka muqata meesha iyo dhalan rogan Darwiisheed...Allow Sahal Amuuraha.....
POST A COMMENT
Captcha

[top]