Opinion
02.06.2016 comments (0)
Qore: Muuse Xaaji Abees

Qore: Muuse Xaaji Abees

MAXAAN UGA WAHSANNAY MAHADNAQ ALLE?

  SOOMAALIYEY WALAALAYAAL, HADDII RAXMAANKU INNAGA SAARAY ABAARTII DARRAYD, INNOOGUNA NAXARIISTAY RAXMADIISA KHAYR, MAXAAN UGA WAHSANNAY IN AAN DHAQSO UGA MAHADCELINO?
 
Sida gacalka Soomaaliyeed wada xasuustaan waatii abaar aad u daran oo baahsani inna wada aseebtay, dad, duunyo iyo noole kalena u dhinteen oon, gaajo iyo baad la'aan, waana innagii af-labadi dhawaaqnay, isku dhex-yaacnay, buuraha iyo bannaanadana isugu soo baxnay si aan sacabbada kor ugu taagno Allaah, kana barinnay ROOB, waana isagii ALLAAH ibaha innooga saaray raxmaddiisa, innagana haqabtiray xareedda iyo daaqa xoolaha, dabadeedna waa innagii indhaha ku kala qaadnay cad macaan, caano dhay ah iyo garoor, waana innagii dhaylada hidiidnay.

Waa innagii in muddo ah ku cataabaynay Casiisoow haddaan ciir la dhamin la cokanaan-waaye. Waa innagii carruur iyo cirrooleba aad u wada faraxnay, una rayraynay.
 
Waa iyagii  hooyooyinka iyo gabdhaha miyigu aad u wada dhaashadeen, una wada dhalaaleen, martidana loo diyaariyey dhiilo culan oo laga camiray caano geel oo galax (dhay) ah & karuur, caano lo'aad & iyo caano ari oo ku jira weel culan oo aad u caraf badan. "RABBI DEEQIISU DHOWAA, NAFTU DUULI OGAA, NABSI SOO DEDANAA".

Waa xaq iyo waajib inna saaran in aan marwalba ka baqno RSW, si joogto ahna u caabudno, ugana  barino in uu innaga badbaadiyo abaaraha, cudurrada, colaadaha, caasinimada, xaaraanta, xad-gudubka iyo dhibaato adduun oo kasta oo jirta, innagana cafiyo dunuubta badan ee aan gallay, aakhirona inna geeyo halkii roon oo ah Jannadiisa Fardoowsa, insha Allaah.

Waxaan aad u aaminsanahay in haddii aan Islaam nahay ilbiriqsi kasta u baahannahay Naxariista Eebbe, Eebbena innoogu filanyahay heer kasta oo baahideenna ah, Eebbena waa innoo sheegay in irsaaqaddiisu ay aad waasac u tahay.

Sidaas darteed, anigu ma garawsan in aan deg-deg telefoon ugu dirro BBC iyo VOA mar kasta oo dhibaato yar ama weyn ay dhacdo sida jiilaal dheeraaday, daadad dhawr neef qaaday, rati bawdada ka jabay ama carruur ku dhimatay ceel xaree- deed ama berked. Wax kasta oo shar ama khayr ah waxaa ogsoon oo wax inooga qabankara Allaah oo qura, waxaana innala gudboon in aan muujinno sabbur, insha Allaah.    
 

                                                            WABBILLAAHI TAWFIIQ
                                                            Qore: Muuse Xaaji Abees
                                                            Email: abees11@gmail.com


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]