News
04.06.2016 comments (0)
Arizona

Arizona

AUN feeryahan caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday

Dalka Maraykanka gaar ahaan cisbital ku yaala magaalada Arizona ku geeriyooday feeryahankii ugu caansanaa caalamka AUN Maxamed Cali Kalaay, kaasi oo da'da ahayd 74 sano.

Qaar kamid ah eheladiisa ayaa xaqiijisay geerida Kalaay, waxayna sheegeen inuu muddooyinkii dambe la xanuunsanayay cudurka Parkinson oo ku dhaca habdhiska xidida qofka kaasoo saameyn ku yeesha dhaqdhqaaqa qofka iyo maskaxda sida ay u shaqeyso.

Waxaa cudurkaasi uu ku dhacay sanadkii 1984-tii, afar sano ka dib markii uu ka fariistay ciyaaraha feerka, Mohamed Ali oo lagu naanaysi jiray "The Greatest", ayaa guulaystay ilaa 56 jeer halka laga raayay  shan jeer, isagoo ahaa Muslim diinta qaatay 1964-tii.

Kalaay oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Maraykanka ayaa dhashay, January 17, 1942, wuxuuna ku dhashay  Louisville, Kentucky, seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feerka culus ee caalamka.

Dunidaonline.com
Wararka-Caalamka


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]