Opinion
11.06.2016 comments (0)
W/Q: Siciid Rooraaye

W/Q: Siciid Rooraaye

Bisadihii cadka ku heshiin waayay ee u-gardhiibtay daanyeerka!

Berigii aan dhiganayey Dugsiga Hoose, ayaa waxa aan ku dhigtay sheeko xariir taas oo aalaaba looga sheekeeyo, caruurta markii ay yar yar yihiin, markastana ku qotonta wax jira balse aan looga dan lahayn oo kaliya in lagu maaweeliyo caruurta, balse ujeeddadu ay tahay in lagu dhiso sare loogu qaado fahanka maskaxdooda, sheeko xariir ahaana waxna lugu fahansiiyo, mid ka mid ah sheekoyinkaas ayaa saaka maankayga ku soo dhacday, taas oo ah labadii biisadood ee cadka weyn ee hilibka ah intay heleen ku heshiin kari waayey ayna ku dagaalameen. Sida dhabta ahna Bisaduhu waxa ay cunaan hilibka ayey ugu jecelyihiin, tii maalinkaas cad yar oo hilib ah heshana waaba maalinteeda oo waxba kama maqna, markii cuntuna meel har macaan bay intay iskala bixiso dug tiraah-daa.



Hadaba bisadihii hadii ay heshiin waayeen kalana rayn waayeen maxaa dhacay, ayagoo dagaalamaya baa waxaa meeshii soo maray danyeer, wuu kusoo leexday, wuxuuna niyada iska yiri labadaan bisadoon ee doqomada maxay isku haystaan bal aan ka faa’iidaysto.

Wuxuu u tagey labdii bisadood waxa uuna ku yiri cod dheer bisadoyahow ha dagaalamina, anaa idiin garnaqayee, Labadii waxay go'aan sadeen in ay u gar-dhiibtaan Danyeer bal si uu ugu qaybiyo hilibkan jiirka ah ee saaka qaraabka ku soo heleen, kadiba waxa ay danyeerkii uga warameen sida ay wax u jiraan, waxa ay ku yiraahdeen danyeeroow bal adaa oday ahe noo qaybi hilib kaan, daanyeerkuna waxa uuba ahaa mid wax la'aani haysay oo wax uu cuno la'aa rabayna in uu ka faa’iideysto doqonimada iyo nacasnimada bisahaan.

Hadaba, danyeerkii waa kii miisaan soo qaatay oo hilibkii labo u-qaybiyey mid yar iyo mid weyn, oo labadii kafadood kala saarey, kadibna ileen isma miisan le'ekaanayaane, oo awalba uguma talo geli in uu ugu qaybiyo si is le'ege asagaa rabay siduu hilibkan gacantiisa soo galay si tar-tartiiba uu cad cad ugu cuni lahaa, kadib buu inta madaxa ruxay yiri alle kana weyn kadibna kii waynaa xoga ka goystay oo liqay, ilaa uu hadba sidii uu miisanka u saarayey oo uu gobolka yar ee uu mid midka weyn uu ka jaray uu u cantuugayey kii ugu danbeeyeyna uuba cantuuga weyn afka kala dhex dhigay ayuuba hilibkii halkaas ku dhamaaday. Bisadihii doqomada/maan-laawayaasha ahaana markaas qaylo afka ku shubteen markii cadkii ugu danbeeyey uu afka gashaday ayagoo indhahoodu shan yihiin, ilaa ayagaa ku heshiin waayeye halkaasna ka baxeen ayagoo niyad-jabsan, abaalkooduna wuxuu noqday wax la’aan iyo wareer. Dulucda sheeko xariirta oo ah (ilaa Soomaalidu waxya ku maahmad “Lax walba shilalka ay is dhigto baa lugu qalaa” Walee Tooyooy tashan waydaye waa lugu talin).



Hadaba, dulucda maqaalkayga hadii aan hoos ugu dhaadhaco, hadafkaygu ma uusan ahayn in aan sheeko xariirtii caruurnimada aan dib ugu noqdo, balse sheekadaas ayaa waxa ay iila muqaal eekaatay, xaalka maanta wadankeena ku jiro iyo u gar dhiibaashada beesha caalamka iyo dawladaha deriska ah. Waxaana muuqata anagoo u jeedna in wadankeenii gelinay gacmo kale oo shisheeyo ayna noo taliyaan, Waxaana cadeyn u ah ragii soomaaliyeed ee inta heshiin waayey u garta u dhiibanaya si ay ugu gar naqaan Itoobiya, Kiinya, Carabta iyo beesha calamka, kuna qanacsan in ay damaanad qaade u noqdaan oo heshiisyada la garaay ay ayagu gar-waddeen iyo markhaanti uga noqdaan, qoladii jabisana ay kar baashaan iyagu.



Waxaad arkaysaa kuwii wadanka canshuurtiisa wax lugu soo baray oo wadanka iibsanaya, ayagaa u kala gar dhiibanaya wadamo kale sida Itoobita, Kiinya, Carabta iyo wadamo kale oo shisheeyo oo aan dan iyo heelo midna ka lahayn bur-burka iyo baaaba’ dalkaan, balse ay qolo kasta rabto kheyraadka dalkeena dhex ceegaaga, iyo qolyo raba in magaca iyo dalka Soomaaliyeed meesha laga saaro si ay ayagu gacanta ugu dhigaan. Habadaba, maxay dhamaan bisadihii doqomada ahaa iyo danyeerka sheekada dhex-martay.

Run ahantii sida qofkasta uu arki karo 25 sano oo lugu dhex jirey bur bur, dil, qax iyo kala carar iyo qaran la'aan wax cashar ah oo laga bartay ma jiraan balse dalkii soomaaliyeed baa meesha kasii baxaya xaalkuna “waaba ka daroo dibi dhal”!.

Labadii sano ee ugu danbeysey, waxa aad mar walba idaacadaha iyo madaxda ka maqlaysaa ayagoo ku hadaaqaya kalmadaan dhagihiina ku badatay, sida ayagoo oranaya “waxa aan arrinka u soo bandhigaynaa ama fariintayadu ku socota dadka af-soomaaliga ku hadla”, hada ka hor ma maqashay dadka afsoomaaliga ku hadla?, waxanu naqiinay dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed, balse is weydii waa kuwama "Dadka Af-soomaaliga ku hadla” miyey ku tusinayn in dalkii Soomaaliya la oran jirey uu ka baxay meeshaba.

Dhanka kale, berigii hore markii qof meel kale oo aan Soomaaliya ahayn uu tago oo qof ajnabi ah yiraahdo xageed ka timid wuxuu oran jiray Soomaaliya hada waxaa badalay Puntland, Soomaaliland iyo Jubaland iyo BeloLand.

Waxa aad arkaysa maalinkasta dadka la dilayo oo qaraxa iyo toogashada lagu dilayo in ay yihiin kuwii wadanka xogtiisa hayey, oo lahaa saraakiil, sharci yaqaano, wadaado, oday dhaqmeed, dhallinyaro iyo haween wax-gal ah, sababto loo dilayo waxa ay tahay waa in ay soo harto in yar oo wax magarato ah oo aan aqoon u lahayn wadankan iyo taariikhda uu lahaa, wadamo shisheeyana ka kala yimid iyo wax magarad kale oo wadanka dhooban oo ay dilootay qabyaalad, qurun iyo xaasidnimo, iyo sidoo kale dhalinyaro yar yar oo aanba dawlad soomaaliyeed arkin ama ku caqlisan dalkaana waxa uu gali jirey iyo waxa uu gudi jirey aanba ogeyn nafac raadisna ah, xataa aan aqoon magaalada uu joogo gobolkay ka tirsan tahay, iyo xuduudaha dalkeenu leeyahay.



Waxa aan caad-saarneyn qof kasta in uu arkayo godka ay ku dhacday qaranimadeeni, sharafteeni iyo sumcadeenii, balse ruuxna diyaar uma ahan in uu ficil sameeyo, qofkasta wuxuu sheegayaa wadankii in uu gacan kale galay, hadana Afka ma dhaafsiisana oo horey buu dantiisa u wataa oo leeyahay maxaa iga galay.

Waxaa xaqiiq ah eeda 80% waxkasta oo nagu dhacaya ama bur buriyey qaranimadeenii in aan aanagu leenahay, anaguna aanu nahay dambiilayaasha bur buriyey qarankeenii har cad, aysan jirin cid kale oo aan ku eedayn karno, haday noqon lahayd Itoobiya, Kiinya , Carabta ama wadamada kale ee shisheeye.



Mar u nabigu SCW uu tilmaamay dacfiga jamaaciga ah, wuxuu yiri, waxaa la arkaa in umaduhu isugu kiin yeerato sida dadka xeerada leh isugu yeertaan dadka sabta lihi isugu yeertaan, sida sabta iyo alle bariga la isugu yeerto, in la isugu kiin yeerto baa la arkaa saxaabadii oo xili ay guuleeystaan oo rag rag ah ahaa markaas ay joogeen markuu nabigu warkaan u sheegay warkaasi wuu la qalafsanaaday wayna fahmi kari waayeeen, markaasay yiraahdeen ma inta dunidu isugu kaayo timaado baa nala boobayaa markaas ayaga caqligooda suurada qura ee uu siiyey waxa ay ahayd tollow miyaad tiro yaraanaysaan, halka dadka kale aad u badanayaan, markaas baa tiradaas yar la idinku boobayaa, markaasay Rasuulkii Alle waxay ku yiraahdeen rasuulkii ilaahayoow maalinkaas nala boobayo tiradayada miyaa yar, dabadeetana nabiga SCW waxa uu ku yiri mayee maalintaas waad badan tihiiin ee tiro yari ma jirto waxaa tihiin dad aad u badan aad badnaateene waxaa la mid tihiin daad xoorta, xumbada biyaha roobka sidaan oo kale baad tihiin (daad xoortu waa daadku markuu socdo xashiishka, xumbada iyo xoorka iyo wixii qashin ee uu sido, dood xoortu sifadeedu waxa weeye waxan meelna u socon oo hadba meesha biyuhu aadaan adaya, oo iyadu meel gaara kuma socoto, oo waa waxaan miisan lahayn kama hari karto oo biyahaa sidaya, daad xoortu wax geedka soo maraba bar kala

haro, oo laantii biyaha so dhex gashaba in xashiisha bay la hartaa, macnaheedu waxa weeyaan miisaankiina imaanka ba yar, waa tiro badan tihiin laakin waxaad tihiin qashin, waa tiro badan tihiin afkaar kale, mabadii kale iyo caqiidooyin kale iyo wax kale baa idinka buuxa, waa tiro badan tihiin laakin macno samayn maysaan. markaas buu nabigu SCW wuxuu ku yiri gaaladu idinka biqi mayso, oo baqdin oo dhan waa laga saarayaa, idinkana cabsi baa la idinku beerayaa iyo wahni iyo dacfi, maato baad noqonaysaan; markaas bay yiraahdeen rasuulkii ilaahayoow waa maxay wahnigan iyo dacfigani nagu dhacay?, markaas buu Nabiga SCW wuxu yiri waxa weeye aakhirona wad ilaawaysaan aduun jaceyl iyo geeri nacayb baa idin soo galaya miisankiina iyo in aad aakhiro abaal galkeeda wax ku qiimaysaan waa idinka baxaysaa aduunka deg degiisa baad jeclanaysaa aakhiro iyo warkeedana waad iska nicin doontaan.

Sida Xadiiska nabigu SCW ka muuqata, tani waxay ay daliil iyo tusaale cad u tahay ama sawir ahaan laga akhrisan karaa xaalka Soomaaliya iyo heerka maanta aanu tagaanahay iyo hab-dhaqanka maan-lawaayashan dalka iyo dadka ku gor-gor tamaya iyo maanta ceebta aynu dhex taaganahay nabaday iyo in nalooku yeero magacyada qarmuun ee la inoo baxshay sida (Argagaxiso, Al-shabaab, burcad-badeed, qaxooti, tahriibayaal iyo wixii xun oo dhan oo aan ku caan baxnay ama qofkasta aduunkan joogo markuu maqlo erayadaas ay maskaxdiisa kusoo dhacayso ‘’Soomaali”.

Markii aad sheeko ku maqashid hal-gankii xoriyada oo lagaaga sheekeeyo yaraanta tabartii, wax la’aantii iyo aqoontii halgamayaashii Soomaaliyeed aadna bar-bar dhigtid tirada dadka Soomaaliyeed iyo aqoonyahanka aan haysano maanta ee ka badan kuwii shalay dhiigooda iyo naftooda u soo hurey miyeysan run ahayn in aan noqonay sidii “DAAD XOORTII” oo kale, iyo saxankii ama sabtii caalamku isugu yeeranayey ee Nabiga SCW kumanaan sano ka hor uu usheegay asxaabtiisa. Waxaa caad-saarnayn, waxa keenay masiibadan nagu habsatayna in ay tahay “dulmiga, qabyaalada, eexda, caddaalad daradda, wax-isku-quurid la’aanta, aduunyo jaceylka iyo rabitaanka qof walba kaligiis in uu noolaado”.

Gabogabadii, waxa aan kusoo gunaanadayaa “Sidatan si baa dhaanta, si kastana sibaa dhaanta!!!!!

Xuquuqda sawirada waxa leh

* ngururaj.

* Japantimes.co

* Puntlandstatehouse

W/Q: Siciid Rooraaye



 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]