Opinion
18.06.2016 comments (1)
Muse Xaaji Abees

Muse Xaaji Abees

HOOYO HALYEEYAD DHUDI, 100 KA ROON MAXAA LOO HAG-RADAY?

RSW ha u naxariisto Hooyo Halyeeyad Dhudi Yuusuf Aadan, rugteeda aakhirona ha ka dhigo JANNADA FARDOOWSA. RSW samir iyo iimaan buuxa ha ka siiyo dawladda, shacabka iyo dhammaan eheladii ay ka geeriyootay Dhudi ee Puntland. Muddo dhan 26 sano ayaa habeen iyo maalin walba dhegta dhiigga loo darayey dadkeenna wax ku oolka ahaa, si xulasho ahna loo tamadinayey hadba intii loo arko karti, aqoon, firfircooni iyo aragti dheeri siyaasadeed.

Ma aan garanayo goorta ay reer Puntland baraarugayaan, ayna kala garanayaan cadoowgooda iyo gacalkooda, kana tashanayaan waxa la gudboon in ay ka yeelaan sida loo tXmadinayo har iyo habeen walba.

Sidaan anigu qabo, shaqsiga aadamiga ah ee qiirada badan, dalkiisa iyo dadkiisa jecel, qalbigiisu nadiifka yahay, isku kalsoon, aadna u danaynaya in uu wax wanaagsan ka qabto dalkiisa, daacadna u ahaado geyigiisa u baahan horuumarinta iyo daryeelka shacabkiisa tabaalaysan ma wahsado, ma caajiso, ma baqo, wax shaki ahna kama horyimaado, wuxuuna ku dhiirradaa hawlkasta oo adag, badibana waa uu ku guulaystaa wax qabadkiisa iyo riyadiisa ku dhisan niyadsamida, waxaana aragtidaas waddanimada ku dhisan ku qiimeeyey Halyeyad, geesiyad iyo boqol ka roon Dhudi Yuusuf Aadan, kaddib markaan dhegeystay aragtideeda, waxna
ka ogaaday waxqabadkeedii ku dhisnaa daacadnimadeedii, kalsoonideedii iyo hawlkarnimadeedii aan xadka lahayn.

Waxaan wada ogsoonnahay in aan hore u waynay boqolaal murwooyin iyo mudanayaal isugu jiray oo qoorta loo dheereeyey kaddib markii la ogaaday kartidooda, hufnaantooda iyo waxqabadkooda ifaya, aragtidooda dheer ee aan shuhubadu ku dheehnayn.

Ugu dambaystii waxaan tuhunsanahay in aad looga hag-raday Dhudi 2 qof oo hubaysan oo shaqadii ay ummadda u haysay la fududeeya, isla markaana ka ilaaliya cadoowga u caraysan maadaama aan in badan ku waynay taxaddar la'aan, amarka Alle ka sokoow.


                                                                                                    WABBILLAAHAY TAWFIIQ
                                                                                                    Qore: Muuse Xaaji Abees
                                                                                                    Email: abees11@gmail.com


 
COMMENTS
26.01.2017xasbahalle hatayaag

sagaaradii abaartu heshay oo dabagaale balan lagashay

waxaa la yaabay webside ka puntlandes oo sidii dameerkii dhogor ahaa meelaha biqle u tuurayaa sidaa la socotaan dameerka dhogor waa sheeko aad somalidu u xiisayso oo ku saabsan nin afar wiil lahaa iyo dameer rajay ah marka dameerka dhogor la yiraahdo waxa uu caanaha la qaybsan jiray 4ta wiil oo odaygu dhalay laakiin dhogor maalintii uu koray baa odaygii ku soo biyo doontahay oo meel ceel keenay dhogor geesaha ayuu fiirfiiriyey waxana u arkay kuwo isaga u qaab eg halkii baa dhogor 3 biqle odaygii ku kiciyey halkiina dameerihii kale ka raacay odaygiina halkii ayuu ku tacabbeelay-----webside puntlandes mr dhogor ha ka waantoobo aflagaadhada siyaasiyiinta ---cunwaanka tittle markale baan soo dhigayaa sagaaradii abaartu heshay oo dabagaale balan lagashay
POST A COMMENT
Captcha

[top]