News
24.06.2016 comments (0)
Yasiin Mohamud Jama Yaab-arag

Yasiin Mohamud Jama Yaab-arag

Baaq ku socda shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba

Hiil Shacab.

Sanadihii tirada badnaa ee tagay iyo waqtiga xaadirka ah ee la joogo shaki kuma jiro in qofka soomaaliga ah uu aad isu waydiinayo maxay tahay dhibaatadda haysata soomaalida iyo meesha uu ka socdo ba’aan iyo balanbalkaan soomaali aafeeyay, badayna nooc kasta oo dhibaato qof bini’aadam ah ku dhici karta inta maskax bini’aadam ahi qiyaasi karto (Unimaginable).

Dhibaatadda Soomaalida ku habsatay oo ah mid aan lasoo koobi karin, waxaa ugu wayn baa la orankaraa, mida ku dhacday Qaranimadii (Dowladnimadii) Soomaaliyeed. Soomaaliya intii ay ku jirtay xiliga burburka waxay soo martay marxalado kala duwan oo lagu baadi goobayay, in dib loogu yagleelo qaranimo soomaaliyeed oo soomali mar labaad dib u hanata, shacabkeedana ugu adeegta . Inkastoo Dowlad kastaa oo hada dhalata ay waqti badan iyo juhdi lixaad leh ku qaadan doonto in ay soomaaliya cagaheedii mar labaad dib isugu taagto, hadana waxaa lama huraan ah in laga shaqeeyo in la helo dowlad lagu aamini karo masuuliyaddan baaxadda leh ee soomaalidu aadka ugu hamuun qabto, mudana ku taamaysay, lana orankaro dadka Soomaaliyeed waxay hada qarka u saaranyihiin Rajo beel iyo inay hankoodii dib u liqaan oo ka fakaraan arimo aan u cuntamin, Soomaaliduna aysan dhaqan iyo hido toona u lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda hada waqtigeedii dhamaaday waxay ku fashilantay inay ka dhabayso balanqaadyadeedii quruxda badnaa, sida in 2016 ay Soomaaliya gaarsiin doonto Doorasho hal qof iyo hal cod. Taa badiilkeed waxaa hada lagu heshiiyay in halkii xildhibaan ay dooranayaan ayagoo cod u qaadaya (51) qof oo ka mida qaybaha kala duwan ee bulshadda uu xildhibaankaasu kasoo jeedo. Sidaa awgeed waxaa la orankaraa sida hada muuqata Soomaalidu waxay haysataa fursad dahabiya oo lagu soo xuli karo Baarlamaan tayo leh oo hanankara Masuuliyadda Ummada Soomaaliyeed. Waxaa hubaal ah hadii la helo Baarlamaan tayo , aqoon iyo karti leh in la heli doono Madaxwayne Tayo , Aqoon iyo karti leh kadibna la heli doono Dowladd ku dhisan Tayo, Aqoon iyo karti.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa Soomaalidu maanta uma baahna Hiil dibada uga yimaada ee waxay u baahantahay inay ayadu isu hiiliso, oo ay soo xusho dad tayo iyo aqoon leh oo hanan kara Masuuliyadda baaxadda wayn, soona saari kara Madax dadka iyo dalka u naxaya rabina ka cabsanaya.

Waxaa Qoray
Yasiin Mohamud Jama Yaab-arag


 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]