Opinion
26.06.2016 comments (0)
Ciiro Ahmed Hassan (Dr.Ligle)

Ciiro Ahmed Hassan (Dr.Ligle)

Waxaad maqashay Burcad Badeed ee maxaad ka taqaana Burcadda Biriga?

Mudo haatan sanada dhawar ah laga joogo ayaa waxaa soo maray deeganada Puntland masiibo loogu magac daray Burcad Badeed waxayna gaaratay qof waliba oo Puntland ku nool marka uu maqlo ereyga Burcad Badeed inuu geesaha iska eego baqdin daraadeed.

Waxaan xusuustaa dhowr sano ka hor qofka markab ka soo daga oo haysta lacag uu Madaxfurasho u soo helay wuxuu ahaa nin dhaqaale haysta oo bulshada magac ku leh waliba hadii ay ahaan lahaayeen Wasiiro, Agasimayaal, Sarakiil ay daba yaaci jireen heerka ay gareen xiligaas Burcad Badeedku.

Markii Buracdii loo atkaysan wayay fusuqoda iyo dhaqan xumadooda ayaa dawladii xiligaas uu hogamiyaha ka aha  Madaxwayne Faroole waxaay ku qaday dagaal safayan ah iyadoo ragii madaxada u aha Buracada intooda badanayd xabsiyada la dhigay qaarna  ay u carareen dhakaas  iyo Xaradheere isla xiliyadaa waxaa si is-daba joog ah wacdi & dardaaran  looga bilaabay dhamaan  Masaajidyada Puntland oo dhan, Culimada ugu waaweyn degaamada iyagoon u kala harin  waxayna iftiimiyeen Culinadu lacagta Burcad Badeeda inay Xaraan tahay, Gabadhii lagu guursado Guurkeedu inuu Xaraan yahay, Awlaadii ku dhalata iney xaraan yihiin , Gurigii xoolo Burcad Badeed lagu dhisto inaan lagu Tukan Karin, sidoo kale wagaasi Maamulkii Puntland ee xiligaas waxaay sii wadeen ugaarsi & dagalkii Burcada lagula jiray.

Dhankale iyana waxaa markiiba bilowday ururo (NGO) isugu jiray  kuwo caalami ah & kuwo maxali ah iney Mashariic Malayiin dolar kaga soo qataan Hay’adaha deeqaha bixiya (ILLAAH BAA DEEQ BIXIYEE)  si ay bulshada wacyi gelin ugu sameyaan ugu danbayan Dawlad iyo Culumo iyo NGO-dii intaba mira dhalkodi waxuu noqday in Burcad Badeed laga suuliyo Puntland hadaba akhristoow mawduuci Burcad Badeedka intaas baan kusoo afmeraya waxana hada yara iftiimin doona Buracad Bariga.

                 BURCADA BARIGA:

Culimada Soomaliyeed waxaan ka doonayna inaay siday Burcad Badeedka u wacyi galiyeen ay u wacyi galiyaan BURCAD BERIGA madaama aynu goor kasta ka dhegeysano Culimada  wanaaga iyo waxa uu Alle ina faray & waxa uu Alle inaga xaraamtimeeyay. Intaan Culimada la gaarin aan isla fahano waa maxay Burcad Beri?

•Kooxo intey isa soo hubeyeen dariiqa ku baarta dadka & gawaarida.(QATUL DARIIQ)

•Shaqaale Hay’ad u shaqeeya oo Mushaharkiisu ugu badnaan yahay $ 1500 (kun & shan boqol dolar) bishiiba hadana leh dhowr Guri oo Qasri ah & Gawaari aad qaali u ah sida LAND CRUISER iyo waxii lamid ah xagee ka kenay? bal adba.

•Agaasime isna Mushaharkiisu  lagu qiyaasay ugu badnaan $ 500 (shan boqol dolar) wuxuu leeyahay ugu yaraan 2 Guri oo Qasri ah,
Gawaari aad qaali u ahna wuu leeyahay kaaga sii darane  wuxuu qasab kaga dhigay Hay’adaha iney Gawaridiisa qasab ku kireystaan.

•Haduu yahay Gudoomiye Gobol ama mid Degmo hantida u sameystay xisaab ma leh intii uu xilka hayay.

•Haduu yahay Wasiir ama Wasiir ku-xigeen, Adeega & mushaharka uu qaato waa mansha Allah, Guryaha u dhistay & Gawaarida uu leeyahay Hay’ado ayu  ka kireysteen, Safarada dibeda iyo Diyarad raacu waa Maansha Allah.

Dhalinta Media ka shaqaysa qaarkood  markii war ama qoraal aad doonto inaad u dirto hadaadan lacag  siin Shuururo ah warkaas waa dabaysha xagaa.

Hadaba Akhristoow hadaad horay u maqashay Buracad Badeed kuwasna waxaa la yirahda Burcad Bariyeed waxana ila tahay Burcada Beriga waxaa gacan bir ah ku qaban lahaa oo dagaal la gali kara marka laga reebo qolada media waa  Hanti dhowrka guud ee Dowlada Somaliya ama Dawlad Goboledyada.

Culimada Somaaliyeed & Maamulada waxaan ka codsanayaa iney ka hadlaan oo ka wacyigeliyaan dhibatooyinka Burcad Beriga ay bulshada Somaliyeed ku hayaan.

Ciiro Ahmed Hassan (Dr.Ligle)

 
COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]