News
Muqdisho
Waa sidee Saakay jawiga magaalada Muqdisho?
Waxaa saakay degan xaalaga Magaalada Muqdisho oo ay dagaalo iyo duqeymo culusi ka dhaceen 48-ki saac ee lasoo dhaafay kuwaas oo u dhaxeeya Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Waxaa caadi ah xaafadaha ay dagaalada ka socdeen iyadoo ganacsiga Suuqa Bakaaraha uu yahay mid ku socdo sidii caadiga aheyd halka gaadiidka dadweynaha uu ka shaqeynayo wadooyinka iyo xaafadaha furan ee magaalada.
Inkastoo jawiga uu yahay mid degan ayaa hadana waxaa saacad walbaa ama daqiiq kasta la filan karaa dagaalo iyo duqeymo dhex mara dhinacyada isku haya caasimada oo meelo badan oo ka mid ah Muqdisho isku hor fadhiya habeen iyo maalin.
Duqeymo culus oo ka dhacay caasimada shalay iyo habeen hore ayaa waxaa ku dhintay ku dhintay dad ka badan 10 ruux kuwaas oo ahaa dhamaantood rayid iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar kale oo badan.
no comments available
POST A COMMENT
gallery



























