Kooxo hubeeysan ayaa xalay will dhalinyaro ah ku dilay xaafad ka mid ah
degmada Waabari ee gobolka Banaadir kaasi oo ka mid ahaa dhalinyarada
xaafada degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in willkan xalay la dilay oo ka
mid ahaa dadka dhalinyarada Sigaarka ku iibiya degmadaasi , waxa ayna sheegen in
kooxaha hubeeysan ee dilka geeystay wiilka ay dileen ay ka qaateen
teleefan gacan qaadka ah ee uu watay.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay walaac ka muujinyaan xaalada
amaan dari ee ka jirta gudaha Degmada Waabari iyo dilal loo geeyto dad
dhalinyarada ah ee degmada waabari, waxa ayna dowlada ugu baaqeen in
wax ay ka qabtaan xaaladaha ka jira degmada.
Degmada Waabri ee gobolka Banaadir ayaa waxa y hooy u noqotay dilal
isdaba joog ah oo xiliyada habenkii ah ka dhaca gudaha degmada ,
waxaana dhoor jeer oo hore loogu dilay dad dhalinyaro ah iyadoona aanan
lo ageeyn dadka dilay iyo sababaha loo dilay.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























