News
Muqdisho<br />

Muqdisho

AU oo codsatay in gacan la siiyo dowlada KMG Soomaaliya

Ururka Midowga Africa ayaa ka deyriyey xaalada Somalia isaga oo ku eedeeyey beesha caalamka in aysan si daacad ah uga dhex muuqan dadaalada nabada ee Soomaaliya.


Gudoomiyaha Amniga iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ramtaana Lamambara oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad qatar ah aduunyadana ay iska indha tirtay sidaasi daraadeedna ay saameyn xoog leh ku yeelan doono gobolka iyo caalamka hadii aanan aduunyada u midoobin kaalmeynta Somalia.



Madaxda Midwga Africa ee ka hadashay kulan madaxeedka Midowga Africa ee ka socda dalka Ethiopia ayaa dhamaantoodba muujiyey sida ay uga xunyihiin wax ka qabasha la,aanta xaaladaha ka taagan Soomaaliya inkastoo ay amaaneen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.


Inta badan hogaamiyaasha Africa ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay markan door milatari ka cayaarto Soomaaliya si loo xoojiyo howlgalka AMISOM ee Somalia looguna soo kordhiyo ciidamo ka socda Jimciyaada Qurumaha ka dhaxeyso.


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo ka hadlay kulanka Addis-Ababa muusan soo hadal qaadin ciidamo ka socda QM oo loo qorsheyey Soomaaliya laakin wuxuu walaac ka muujiyey xaalada Soomaaliya.


Somalia waxaa uga qeybgalaya kulankaasi wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiiq Axmed waxaana ay halkaasi kula kulmeen madax ka tirsan Africa iyo wufuud ka kala socota beesha caalamka.



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]