News
Baydhabo

Baydhabo

Garab ka mid ah kuwa ugu Itaalka roonaa X. Islaam oo isku dhiibay Xarakada Al-Shabab

Mucaskarka Raaskambooni oo ka mid ah Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay la midoobeen  Xarakada AL-Shabab, kadib xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo xurunta gobolka Bay,

Kulamo xasaasi ah oo maalmihii la soo dhaafay ay ku yeelanayeen magaalada Baydhabo Hogaamiyaha Kooxda Raaskambooni Sheekh Xasan Turki iyo ku xigeenka Amiirka Al-Shabab Muqtaar Roobow ayaa sida la sheegay waxa ay soo saaray midaynta labada garab, balse labada hogaamiye maanta kama hadlin kulankan.


Shiikh Fu'aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha Shabaab ayaa sheegay in kulankaas muhiimadiisa ay aheyd in la mideeyo Mujaahidiinta, isla markaana meel walba uga soo horjeesta Cadawga.


Fu'aad Shongole ayaa xusay in ay ku heshiiyeen qodobadan oo kala ah In la mideeyo dhamaan Mujaahidiinta labada dhinac, In la raadiyo Midinimada Muslimiinta, iyo in loo howl galo Dhismaha Dowlad Islaami ah oo hirgelisa shareecada Islaamka.


Shiikh Maxamed Dulyadeyn oo ah Saraakiisha Mucaskarka Raaskambooni ayaa isna sheegay, in kulankaas ay ka wada qeyb galeen Saraakiisha labada dhinac, isla markaana la isku waafaqay midnimo ay wada gaaraan Mujaahidiinta, isagoo muujiyay qorshaha dhow ee ay hiigsanayaan oo ay dhismaha Dowlad Islaami ah.


Dulyadeyn ayaa sheegay in ay isku afgarteen in lagu howl galo magaca Xarakada Alshabaab, waxaana uu xusay magacyada Saraakiishii saxiixday heshiiska, kuwaasoo ay ka mid yihiin Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane Abuu Zubeyr iyo ku-xigeenkiisa Shiikh Mukhtaar Roobow, Hogaamiyaha Mucaskarka Raaskambooni Shiih Xasan Turki iyo Shiikh Maxamed Maxamuud Dulyadeyn.


Heshiiska ka dhacay magaalada Baydhabo maalmo ka hor, balse munaasabad ahaan maanta looga dhawaaqay ayaa ahaa mid si gaar ah u dhex maray labada Hogaamiye ee ururkaas, taasoo tani meesha si rasmi uga saareysa jiritaanka Xizbul Islaam, gaar ahaan Axmed Madoobe oo si rasmi banaanka ugu soo dhacay, kadib markii Shabaabku dagaal kaga saareen Jubooyinka.


Mucaskarka Raaskambooni ayaa horay uga mid ahaa ururka Xizbul Islaam, iyadoo tani ay suura gal ka dhigeyso bur bur ku yimaada Xizbiga, waxaana la ogeyn jawaabta ka soo bixi karta Hogaamiyaha Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys oo kuxigeenkiisa Xasan Turki uu si rasmi ugu biiray Al-Shabaab.



Kala soco dunidaonline warar sugan




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]