Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka hadlay shirweynaha madaxda Midowga Africa uga socda magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Qudbada madaxweynaha oo ka koobneyd dhinacyo badan ayaa waxa uu xooga ku saaray baaq uu u diray aduunyada gaar ahaan Midowga Africa oo uu ka codsaday in laga taageero dhinaca milatariga iyo in Africa ay soo dhameystiraan ciidamada AMISOM.
Wuxuu codsaday in ciidamada AMISOM lasoo kordhiyo lagana dhigo tiradi loogu talagalay ee aheyd 8,000 oo askari si buu yiri ay dowladiisa uga taageeraan soo celinta amaabka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
"Annaga ciidamadeenii waan diyaarinay waxaana diyaar u nahay in aan amaanka gacanta u dhigno,AMISOM aad ayaan u amaanayaa wax weyn ayeyna noo qabatay laakin waxaan codsanayaa in lasoo kordhiyo."sidaa waxaa yiri Shariif Sh Axmed.
Qudbadi madaxweynaha oo ku baxeysay afka carabiga ayaa waxaa ugu muhiimsanaa qodobada uu kusoo qaatay sidatan:-
1- Dowladdu waxay kooxaha ka hor jeeda ugu baaqday in wada hadal, waxa ayna ku guuleysatay in ay qaarkood dowladda ku soo biiraan, sida garab ka mid ah ururka Xisbul islaam, haatanna dowladdu waxa ay isku dayeysaa in ay heshiis la saxiixato Culimaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
2- Dowladdu waxay aas-aastay qeybihii kala duwanaa ee ciidammada qalabka sida ee Somaliya, iyadoo sidoo kalena la xoojiyay horumarinna lagu sameeyay ciidammada booliska, si ay u noqdaan kuwo awood u leh in ay muwaadiniinta soomaaliyeed iyo dalkaba ka ilaaliyaan khatarta qas-wadayaasha ku xad gudbaya madaxbannaanida iyo midnimada dalka.Arrintaas ayuu madaxweynuhu tilmaamay in ay ku dhacday rabitaanka shacabka soomaliyeed iyo taageerada beesha caalamka iyo midowga Afrika.
3- Kaamooyin la gaarsiiyay dadka ku waxyeelloobay dagaallada ka soconaya dalka, inkastoo arrintaasi aysan u dhicin sidii loogu tala galay, waxaana ugu wacan ayuu yiri madaxweynuhu kooxaha rabshadaha wada oo boob iyo kharbudaad kula kaca kaalmada ku socota dadka tabaaleysan.
4- Waxaa dib u habeyn iyo dib u howl galin lagu sameeyay hay’adihii dowladda, waxaana tababarro la siiyay shaqaalihii dowaldda si kor loogu qaado awooddooda shaqo iyo kartidooda xirfadeed.
5- Waxaa dib loo soo nooleeyay kaalinta hay’adihii dhaqaalaha sida bangigii dhexe, dekadda iyo garoonka diyaaradaha.
6- Waxaa la dajiyay hab maamul cusub oo la dagaallama musuqa dhanka maamulka ah, kuna shaqeeya hab loo wada jeedo.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladda muddadii ay shaqeyneysay ay soo foodsaareen dhibaatooyin xoog leh oo ay ugu khatar sanaayeen weerarkii Shabaab iyo Alqaacidda oo is garab sanaya ay ku soo qaadeen dowladda, si ay u ridaan, kaas oo dowladdu fashilisay.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























