News
Kismaayo

Kismaayo

Axmed Madoobe: Raaskambooni kumeysan biirin Al Shabaab

Siyaasiga lagu magacaabo Axmed Madoobe oo ah nin ay meel ka wada tirsanaayeen Xasan Turki ayaa qaadacay heshiis ay dhalay baydhabo ku wada gaareen Al Shabaab iyo ururka uu hogaamiyo Xasan Turki ee Raaskambooni.


Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu Axmed Madoobe ku qaadacay heshiis ay ku midoobeen Kooxda raaskambooni oo ah koox uu hogaamiyo Axmed Madoobe isla markaana horay uga tirsaneyd Xisbul Islaam iyo Ururuka Awooda balaaran leh ee Al Shabaab.


"Adeeroow go,aankaasi waa mid waxba kama jiraan ah waxaana wata dad dano gaar ah leh,raaskambooni kumeysan biirin Al Shabaab,kooxda isku sheegta Al Shabaab ayaa dhagartaasi wadata"ayuu yiri Axmed Madoobe.


Axmed Madaxed Islaan ayaa sheegay in Sheeh Xasan Turki uusan go,aan ka qaadin karin isaga kaligii jabhada Raaskambooni isaga oo ku tilmaamay sheekha in uu yahay nin xanuunsanaya oo aanan xiligaan go,aan qaadan karin.


Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyey in ay sii wadi doonaan dagaalada ku dhifoo  ka dhaqaaqda ah ee ay kala soo horjeedaan Al Shabaab.


Mar wax laga weydiiyey halka u ku danbeeyo ayuu sheegay in uu joogo Jubooyinka isaga oo ku faanay in asbuucan dagaalo ay ku qaadeen Afmadoow iyo Baladxawo ay ku dileen qaar ka mid ah ciidamada Al Shabaab.



COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]