News
Waajid

Waajid

Dab xalay baabi,iyey baqaaro ganacsi oo ku yaalay degmada Waajid


Dab baabi,iyey hanti fara badan ayaa xalay ka kacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool iyadoo ay socdaan maanta baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay dabkaasi.


Dabkan oo xalay fiidkii ka kacay baqaarada waaweyn ee suuqa degmada Waajid ayaanan la ogeyn waxa sababay inkastoo ay socdaan baaritaano wuxuuna baabi,iyey hanti fara badan oo ku jirtay baqaarada.


Sida ay xaqiijiyeen maamulka iyo dadka deegaanka, ma jirin cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay dabkaasi marka laga reebo hantidaasi ku gubatay.


Daminta dabka oo ay ka qeyb qaateen dadka iyo maamulka ayaa waxaa door muhiim ah ka cayaaray baabuurta dab damiska ee hey'ada WFP kuwaas oo la halgamay dabka.

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]