Dab xoog leh ayaa haatan kusii fidayo qeybo badan oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo ay jirto cabsi weyn oo laga qabo in dabka uu geysto qasaare baaxad leh.
Dabkan oo aanan la ogeyn ilaa iyo iminka waxa sababay ayaa waxaa uu si xoog leh uga socdaa qeybta Sarrifka lacagaha qalaadka iyo agagaarka daarta Maalin Taajir iyo iyadoo fridhadka dhimbilaha iyo holaca laga arkayo magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Dabka ayaa haatan si xowli ah uga socda gudaha Bakaaraha waxaana jirta cabsi ah in uu sababao qasaare nafeed iyadoo ay muuqato in ay dhici karto qasaare hantiyeed oo baaxad weyn maadaama Bakaaraha uu yahay suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Waxaa socda gurmad xoog leh oo ay wadaan kooxaha islaamiyiinta iyo dadka rayidka ah oo lagu doonayo in lagu damiyo dabkan.
Amaanka ayaa waxaa sugaya Al shabaab iyadoo uu jiro buuq iyo dadaal ay wadaan kumanaan dad ah oo isugu soo baxay suuqa.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























