Opinion
RBC

RBC

Saadaal Wacan oo Puntland ka Muuqata Sanad kadib doorashadii Dr Faroole

Bishii janaayo ee sanadkii 2009 waxaa isbadel uu ku yimid hanaankii iyo madaxdii maamul goboleedka Puntland, iyadoo bishii janaayo 8 ee sanadkii 2009 ay ahayd markii uu caynaanka maamulka Puntland qabtey Madaxwayne Dr Cabdraxmaan Sheekh Maxamed faroole hadaba sanad ka dib doorashadii faroole maxay tahay saadaasha u muuqata shacbiga reer Puntland?


Intaana ka jawaabin suaashaasi islamarkaana aan soo bandhigin tusaalayaal muuqda oo tibaaxaya islamarkaan tilmaan saxa ka bixinaya saadaasha dawladda Puntland bal aan yara jaleecno dhacdooyinkii soo jireenka ahaa ee suura galiyay iney saldhigatao nabadda, sharafta iyo xasiloonida maamulka Puntland.


Aasaaskii Maamul Goboleedka Puntland.

Intaanan gudo gelin aasaaskii maamul goboleedka  Puntland oo ku beegnaa 1998, ayaa shakhsi walba oo Soomaaliyeed gaar ahaana reer Puntland waxa uu is weydiinayaa bal dawladda Puntland iney gaartay himiladii, ahdaaftii iyo rabitaankii loo aasaasay iyo waxa himiladaasi uga suuro galay?


Suaashaan ayaan waxaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya Ku weydiinay Cali Cabdi Awaare oo kamid ahaa 20kii musharax ee isu soo taagay jagada madaxtinimada puntland golaha wasiirada Puntland mudo ka soo shaqeeyay? waxa uuna masuulka ku jawaabay.


Halkaan ka dhageyso cali cabdi awaare oo ka jawaabaya:

Maamul goboleedka Puntland waa gobollo isutagay oo ka tirsan dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee soomaaliya waxa uu dhacaa ama uu ku yaallaa jihada waqooyi bari, ee dalka soomaaliya waxaana xarun u ah Magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal, halka magaalada ugu balaaran ee uu ganacsiga xooga lihi ka socdo ay tahay magaalada Boosaasa ee xarunta gobalka Bari.


Waxaa dhidibada loo taagey maamul goboleedka Puntland bishii august ee sanadkii 1998, kadib markii isimada, Salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo cuqaasha gobaladaasi deggan ay mudo ku shirsanaayeen magaalada garoowe, kadibna waxay isla afgarteen in maamulkaasi uu noqdo maamul goboleed soomaaliyeed oo aysan ahdaaftiisu kamid aheyn inuu gooni isu taago sida maamulka waqooyi galbeed ee la magac baxay Somaliland, waxayna isimadii iyo masuuliyiintii halkaasi ku shirey ay xaqiijiyeen iney diyaar u yihiin iney la shaqeynayaan cid walba oo diyaar u ah sugidda iyo xaqiijinta midnimada soomaaliyeed iyadoo markaasi loo marayo hanaanka federaaliga ah.


Markii ugu horeysay waxaa maamulka Puntland hogaamiye ka noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo xilkaasi soo hayay intii u dhaxaysay 1998-2004 kadibna u gudbay in loo doorto madaxwaynaha dawladii soomaaliya ee Kenya lagu soo dhisey.


Waxaa xusid mudan dooraashadii Puntland ka dhacday sanadkii 2002 waxaa natiijadii doorashada madaxtinimada Puntland ku Murmey Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Jaamac Cali Jaamac oo markaasi kula loolamay jagada madaxtinimada, waxayna arintaasi dhaxal siisay in maamul goboleedka Puntland ay ku dagaalamaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyadii wahadal ee ka bilwadey dalka Kenya horaantii 2002 ee lagu wadey in lagu heshiisiiyo soomaalida ayaa waxa uu horseeday iney gacanta isa saaraan General Max’uud Muuse Xirsi oo loo yaqaanay Cadde Muuse oo markaasi horkacayay jabhadii JBB iyo Cabdulaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii puntland, waxaana markaasi la xaqiijiyay in maalin gudaheed la isku daray ciidamadii labada garab islamarkaana bishii May sanadkii 2003 ay labada masuul u wada duulaan dalka Kenya oo uu ku socday shirkii nabadeynta Soomaalida ee lagu dhisey DFKMG aheyd ee uu hogaaminayay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.


Bishii October sanadkii 2004 waxaa Madaxweynihii Puntland Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed garoonka kasarani ee magaalada Nairobi loogu caleemo saaray Madaxweynanimada dawladii Soomaaliya ee Kenya lagu soo dhisey oo uu iska casilay bishii Dec ee sanadkii 2008, waxaana xilka madaxtinimada ee Puntland ku wareegay madaxweyne ku xigeenkii Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi.

Bishii janaayo ee sanadkii 2005 waxaa maamulka Puntland ka dhacday doorashadii madaxtinimo ee wakhtigaasi loo madalsanaa waxaana ku tartmay madaxweynihii talada hayay Maxamed Cabdi Xaashi iyo Gen Maxamuud Muuse Xirsi oo loo yaqaanay Cadde Muuse waxaana guushu ay ku raacday General cadde Muuse.

Gen Cadde muuse ayaa xilka madaxtinimada Puntland waxa uu hayay intii u dhaxaysay 2005-2009.

Doorashadii Madaxweyne Faroole iyo waxyaabihii uu ballanqaadey.


Bishii janaayo 7deedii waxaa baarlamaanka puntland ay marti geliyeen iney dhageystaan khadubadihii iyo waxqabadkii ay soo diyaarsadeen musharixiintii madaxtinimada Puntland iyadoo wakhtigaasi uu noqdey taariikhda Puntland musharixiintii ugu badnaa abid ee isu soo taagta xilka madaxtinimada kuwaasi oo ay tiradoodu gaareysay ilaa iyo 20 musharax.


Intaanan guda gelin khudbadii uu jeediyay madaxweynaha haatan talada haya Dr. Cabdiraxman Sheikh Maxamed Farooole, bal aan yaro xasuusano cabsidii shacbiga reer Puntland ay ka qabeen waxyaabaha ay horseedi kartay doorashadaasi Musharixiinteedu ay tirade ka bateen ee ay gaarayeen ilaa iyo 20ka musharax.


Magaalada garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland waxay marti gelinaysay dad aad u tiro badan oo isugu jirey 66 xildhibaan ee golaha baarlamaanka dawladda Puntland, musharixiintii xilka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen u tartamayay, ilaaliyaasha musharixiintii xilkaasi u hanqal taageyay, warbaahinta gudaha iyo dibedda, iyadoo ay u sii dheerayd shacbiga reer nugaaleed iyo kan reer Puntland oo usoo ambabaxay sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqii ka socday magalada garowe ee xarunta dawladda puntland, dadkoo dhan dhegta ayaa u taagnayd oo waxay ka cabsi qabeen waxyaabaha ka dhalan kara hadiiba doorashada lagu murmo sida tii dhacdey 2002 oo ay kuwada murmeen Cabdulaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, dad badan ayaa saadaaliyey in hadiiba laba musharax (Cabdulaahi iyo Jaamac) ay ku murmeen islamarkaana ku dagaalameen jagada madaxtinimada bal maxaa ka imaan karey oo laga filan karey musharixiin tiradoodu gaareysay 20 iyo wax ku dhaw.


Sidoo kale wareysi aanu Cali Cabdi Awaare kal hor aanu Nairobi kula yeelanay magaalada Nairobi ayaan ku hordhigney bal in Reer Puntland ay ku waayo arkeen rabshadihii Doorashadii 2002 dhex martay Cabdulaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac oo laga dhaxlay dirirtii dhex martay Mr Yusuf iyo Mr Jama, waxaana uu Mudane Cali Cabdi Awaare iigu jawaabay.


Halkaan ka dhageyso jawaabta Cali Cabdi Awaare.

Alihii arintaasi iney meel marto suuro galiyey ayaa abaal ideylkiis leh, Maamulkii Cadde Muuse ee amnigii doorashada sugay islamarkaana reer Puntland u xaqiijiyay waxyaabihii ay sanooyin badan ku naaloonayeen ayaa ajar iyo ammaan leh.


Waaberigii 7 janaayo sanadkii 2009 oo ay ku beegnayd maalinimo arbaca ah waxaa hoolka baarlamanka Puntland lagu soo dhaweeyay in lagu dhageysto khudbadihii musharixiinta halganka ugu jirey hogaaminta Puntland bal aan soo qaato waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu ballan qaadey Dr faroole oo ahaa masuulkii doorashadaasi ku guuleystay, haatana caynaanka u haya maamulka Puntland.


Inkastoo ay hubaal tahay khudbad uu jeedinayo nin musharaxa ee loolan ugu jira sidii uu u heli lahaa waxa uu u loolamayo, run iyo beenna ay caan ku yihiin musharxiinta caalamka ee isu soo taaga jagada madaxtinimada, ee uu Dr faroole isu soo taagay haddana faroole kama leexleexan inuu si xirfadeysan isugu dayo inuu ka dhaadhiciyo golihii baarlamaanka Puntland in la Doorto oo loo caleemo saaro hogaaminta Puntland afarta sano ee soo socota, waxaana masuulku waxyaabihii uu ballan qaadey ugu mudnaa uguna muhiimsanaa arimo ay kamid ahaayeen:


1. Dhisida iyo abuuridda maamul tayo wanaagsan.
2. Hirgelinta hanaanka dimuquraadiyada eek u saleysan xisbiyo siyaasadeed iyo yagleelida guddi doorasho.
3. La dagaalanka iyo Ciribtirka Musuqmaasuqa.
4. Hagaajinta dhaqaalaha Puntland iyo soo celinta suuqa xorta ah.
5. Sugiida amniga guud ee Puntland iyo dib u soo celinta dhulka ka maqan Puntland.
6. Ka shaqeynta arimaha bulshada si sare loogu qaado wacyiga dadweynaha Puntland.
7. Habeynta iyo isku dubaridka ciidanka Puntland ee burburey.
8. Dib usoo nooleynta iyo hagaajinta xiriirada caalamiga ah.
9. Ka hor tagga iyo la dagaalanka tahriibta.
10. Suggida iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoriyatul qawlka.


Janayo 8 sanadkii 2009 waxaa si xamaasadeysan u bilawdey doorashadii maamulka Puntland, isimadii lahaa xuquuqda iyo codka doorashada, musharixiintii jagada u loolamaysay, warbaahintii maxaliga iyo tii caalamiga ahayd, shacbiga reer Puntland dal iyo dibedba iyo dhamaan bulshada caalamku waxay u dhega taagaysay waxa ka soo yeera magaalada garoowe ee caasimadda Puntland.


Inkastoo musharixiin farabadan ay rajo weyn ka qabeen iney xilkaasi ku guuleystaan, haddana tii rabbi ayaa ku biyo shubatay iney wareegii sadexaad isu soo haraan laba mudane oo markii horeba aad loo hadal hayay iney soo bixi karaan:


1- Mudane Cabdiraxman Sheikh Maxamed faroole iyo
2- Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir

Ugu dambeyntiina waxay guushu ku biyo shubatay in hanaanka. Hogaanka, caynaanka iyo madaxtinimda Puntland uu ku guuleysto:

1. Mudane Dr Faroole oo helay 49 cod halka.
2. Mudane Ilkajiir uu isaguna helay 17 cod.

Dhinaca kale waxaa iyana markii doorashada madaxtinimada laga gudbay lagu kala baxay doorashadii madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u baratameen ilaa iyo 5 musharax iyadoo markii ugu dambeysay uu ku soo baxay, Gen Cabdisamad Cali Shire oo ka guulaystay Dr saleebaan xagla toosiye, waxaa xusid mudan in isla goobtii doorashada lagu dhaariyey madaxweyne Faroole iyo ku xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire.


Dr Faroole oo ah khabiir hore ula soo shaqeeyay maamuladii hore Isla markaan la socday is le’egtii horey loogu maareyn jirey axwaasha Puntland waxa uu ugu horeynba lagama maarmaan u arkay inuu casuumaad u fidiyo xildhibaanada golihii wakiilada iyo sidoo kale xubno ka tirsan musharixiintii ay hogaanka Puntland kuwada loolameen, isagoo u arkayay iney muhiim tahay inuu kasbado qaar badan oo kamida raggii uu marti qaadey si uu u hubsado in masuuliyiintaasi ay diyaar u yihiin iney la shaqeeyaan, waxa uuna kulankaasi ugu magac daray casuumaad saaxiibtinimo, mahad celin iyo wada shaqeyn dhex marta isaga iyo xubnihii uu casuumaadda u fidiyey.


12 janaayo sanadkii 2009 oo ay ahayd 4 casho un kadib ayaa mudane Faroole loo caleemo saaray hogaaminta dawladda Puntland waxaan xilka si niyad sami iyo sharafi ka muuqato ugu wareejiyay madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo ammaan, sharaf iyo kal gaceylba ay u hayaan shacbiga soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana Reer Puntland, dhabtii umada reer puntland inta caqliga u saaxiibka ah waxa ay  wakhtigaas dhaheen:

Guul iyo garashaba rabbi gallad kaaga dhig!


Dr Faroole markii uu xaqiiqsaday in si nabad uu u hantay kursigii madaxtinimada puntland ayuu si geesinimo leh waxa uu ugu dhiiraday inuu baadi goob u galo sidii uu ku soo dhisi lahaa xukuumad tayo leh oo wax ka qabata hawlihii hor yaallay.


Dhabtii qancinta qabiilada wax ku heshiiya waxay kamid tahay waxyaabaha muhiimadda 1aad laga siiyo guud ahaanba dalka soomaaliya, oo hanaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaaba lagu qeybsadaa 4.5 oo ah afar beelood iyo bar, Maamulka Puntland na kama fiyooba arintaasi oo Dr Faroole waxaa caqabad ku noqotay inuu dhiso xukuumad tiro yar islamarkaana tayo sareysa, waxay dad badan la fajacen 49 wasiir oo yeelato Puntland taariikhdana ay u gashay wakhtigii golaha wasiirada ugu badan ay soo mareen Puntland, hase ahaatee waxaana la xaqiri Karin dimuquraadiyadii iyo guushii uu madaxwayne faroole ku xaqiijiyay in golihiisa wasiirada uu ku soo daray qaar kamida musharixiintii kula loolamay kursiga hogaaminta Puntland, taasi oo si aada ugu dhaweyd isbadelki mareykanka ee Madaxwayne Barrack obama oo xoghayntiisa arimaha dibedda ka dhigey Senator hillary Rodham Clinton oo ahayd gabadhii kula loolantay magaacabida musharaxnimada xisbiga dimuquraadiga.


Waxa uu Dr Faroole ugu horeyna golihiisa wasiirada ku soo biiriyey:

1. Nuuradiin Aden Diiriye oo uu u magacaabay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah
2. Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo uu u magacabay wasiirka arimaha gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga, halka
3. Saleebaan Axmed Ciise wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Cabdulaahi ilkajiir oo ahaa musharixii wareegii 3aad kula loolamay Dr Faroole maahane labadii kale ee musharax (Nuuradiin iyo Saleebaan) ayaanan iyagu aqbalin xilkii uu markaasi Dr Faroole u magacaabay.

Madaxweyn Dr Cabdiraxmaan Faroole waxa uu wacad ku marey inuu isbadel lataaban karo ku sameynayo maamulka Puntland islamarkaana uu ka dhabeynayo qodobadii uu balanqaadey inuu wax ka qabanayo wakhtigii uu ku gudo jirey ololihiisa doorasahada.

Si kastaba ha ahaatee iyadoonan tiraab iyo tilmaan lagu soo koobi Karin horumarka iyo tilaabooyinka ay ku tilaabsatay Puntland hal sano kadib ayaan haddana waxyaabaha aan ka xusi karno waxaa kamida:
  • Sugida mushaardka ciidamada qalabka sida ee Puntland
  • Xaqiijinta waxay ku baxayaan kharashaadka ku jira khasnadda dawlada
  • Dejinta miisaaniyada iyo maaliyada dawlada Puntland.
  • Magaacibida guddi qaabilsan dib u habeynta dastuurka,
  • Sugida dhaqaalaha Puntland
  • Sare u qaadida adeegyada arimaha bulshada
  • Musuqmaasuqa oo si baaxad leh loo yareeyey
  • Hab dowladeedka oo uu sare u qaaday
  • Qurbajoogta Puntland oo uu ku dhiirigaliyey in dalkooda iyo dadkoodaba wax u qabtaan
  • UN ta iyo wadamada reer galbeedka oo uu ka dhaadhiciyey in Puntland si toos ah wax loogu qabto
  • Xoojinta iyo xaqiijinta xiriirada arimaha dibedda, oo ay saldhig u ahayd in madaxweynuhu uu xaqiijiyo xiriirada wadamada deriska iyo kuwa caalamiga ahba.
  • Hirgelinta dastuur cusub iyo calan ay yeelato dawladda Puntland taasi oo laga rajo qabo in dawladu ay fuliso afti guud oo laga qaado shacbiga Puntland iyo in la xaqiijiyo in arimahaasi ay noqdaan kuwo meel mar ah.
  • In madaxweyne faroole uu geed gaaban iyo geed dheerba u koro sidii uu u xaqiijin lahaa in heshiisyo la taaban karo uu la galo dalalka deriska iyo wadamada caalamka.

Bishii august sanadkii 2009 iyadoo madaxwyne faroole uu xilka Puntland hayay mudo 7 bilood ah ayaa loo diyaar garoobay in loo dabaal dego sanad guuradii 11aad ee kasoo wareegatay aasaaskii maamul goboleedka Puntland waxaana soo shaac baxay weynaynta iyo sharafta ay shacbiga reer Puntland u hayaan maamulka Puntland, xasiloonida, nabadda, sharciga iyo kala dambeyntuna waxay noqdeen waxyaabaha lagu qirey suugaantii ka timd abwaan Cali Xasan Warsame Awdoon oo qaaday hees aad ugu caanbaxday dalka iyo dibeddaba waxan miraheeda ka mid ahaa:

Ku dayoo Puntland ku dayoo, sidey bulshadeedu tahay.
Ku dayoo Puntland ku dayoo, meelay nabad buuxda taal
.

Halkaan ka Daawo Heesta Abwaan Cali Xassan.

Dadaaladii uu faroole bixiyay sanada oo kursiga Puntland ku fdhiyay waxaan ka xusi karnaa heshiiskii ay dawlada Puntland la gasahay DFKMG ee soomaaliya laguna saxiixay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug oo ay muddo ku shirsanaayeen guddiyo ay kala hogaaminayeen Rw Cumar c/rashiid iyo Madaxweyne Faroole inkastoo heshiiskaasi uusan meel mar noqon oo ay hor istaageen dad aanan jeclayn horumarka Puntland, laakin waxa uu ahaa hesiisyadii ugu mudnaa ee uu galay madaxweyne faroole.

Shirkii uu u aadey dalka mareykanka kadib markii uu casuumaad ka helay aqalka congreska mareykanka ninka u qaabilsan arimaha afrika Donald payne oo casuumay DFKMG soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Somaliland, waxay ahayd tilaabo laga dheehan dheehan karey horumarka caalamiga ah ee Dr faroole uu u horseeday maamulka Puntland, bishii june waxa uu sidoo kale Dr faroole khudbad loo riyaaqay ka jeediyay dalka ingiriiska taasina waxay horseeday in Puntland masraxyada caalamiga ah ay ka muuqato, inkastoo arimaha ugu badan ee Dr faroole laga hadlayay ay ahaayeen Burcad badeeda iyo ammaanka guud ee maamul goboleedka Puntland, balse aysan reer galbeedku wax muhiimada siinaynin arimaha horumarka puntland.

Isku soo wada duuboo horumarka iyo waxqabadka hal sano kadib dawladda Dr faroole waxaa laga xusi karaa heshiiskii 20 bishaan janaayo magaalada garoowe ee casimadda dawladda Puntland ay isku afgarteen kuna heshiiyen hayadaha deeqda bixiya waxaana heshiiskaasi oo uu ka warbixiyay wasiirka qorsheynta uu xaqiijiyay in sadexda sano ee soo socota Puntland iyo hayadaha deeqda bixiya ay isku waafaqeen in la fuliyo msahaaricda ay kamidka yihiin:

1. Balaarinta dekadda magaalada boosaaso ee xarunta goblka bari.
2. Dayactirka wadada isku xirta garoowe iyo gaalkacyo.
3. Dhisidda qeybo kamida gegida diyaarada magaalada gaalkacyo ee gobalka mudug.
4. Sare u qaadida waxbarsahada iyo taageeridda macaahidda waxbarashada iyo jaamacaddaha.
5. Xaqiijinta iyo hirgelinta arimaha lagu heshiiyay.

Hadaba anagoo si aada baadi goob ugu galnay bal inaan wax ka ogaano waxqabadka xukuumada Madaxweynaha Puntland Dr Faroole sanad ka dib iyo saadaasha muuqata ayaan magaalada Nairobi wareysi aan kula Yeelanay Mudane reer Puntland ah oo katirsan Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya oo ah xildhibaanka lagu magacaabo Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor oo aan hordhignay Su’aal ah bal sida uu  u arko horumarka maamulka Puntland hal sano ka dib Doorashadii Dr Faroole.

Halkaan ka dhageyso Su’aasha aan weydiiyay Jinni boqor iyo waxa uu ku jawaabay.

Inkastoo dawladdu ay jirtey mudo sanada islamarkaan aysan koobi Karin iney fuliso waxyaabihii looga fadhiyay iney qabato 12 bilood ee ay jirtay ayaa haddana waxyaabaha ay dad badan oo soomaaliyeed gaar ahaana reer Puntland ay is weydiinayaan waxay yihiin maamulka Dr Faroole muxuu ka qabtay ama uu uga jawaabi lahaa hadiiba la weydiiyo.

• Maxay tilaabo ah oo ay xukuumadda Puntland ka qaadday falalka burcad badeeda iyo tahriibta lagu hoobtay kuwaasi oo ay ballan qaadeen iney gacan ka geysanayaan sidii loo soo afjari lahaa?

• Xukuumaddu maxay bayaan ah oo ay ka soo saartay ammaan darada iyo xasilooni la,aanta Puntland ka jirta ee ay ugu dambeysay dilkii xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland lagula beegsaday Bartamaha magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland?

• Maxay dawladdu ka qabatay Hanaanka maxakamadaha iyo garsoorka?
• Ma fuliyay madaxweyne faroole ballan qaadkiisii ahaa inuu dhawrayo islamarkaana sugayo xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda saxaafada mise tacadi iyo dar xumeyn baa loo horseeday saxafiyintii iyo ururadii bulsahada ee reer Puntland?

• Dawladda Dr Faroole ma xaqiiqsan tahay muhiimadda kalsoonida shacbiga sideebayse ula socotaa shacbiga reer Puntland ee ku nool dibedda iyo gudahaba iney ku faraxsan yihiin hanaanka dawladda Puntland?

• Dawladdu ma ka dhabeynaysaa hirgelinta axsaabta badan ee dalka laga hirgelinayo mase sugi kartaa in la qaado afti guud oo laga qaado shacbiga reer Puntland?

• Dr faroole afarta sano ee u hartay ma xaqiijin karaa inuu sii balaariyo isla markaana hirgeliyo hogaaminta sanadkaan la soo dhaafay uu wadey isagoo saldhig uga dhigaya Hogaamin dhab ah iyo go,aan qaadasho dhaxal gal ah
(True leadership and self determination)

Saadaasha sanadka dib laga dhawarayo waxaa saldhig u ah Arimahaas iyo arimo kale oo farabadan oo looga fadhiyo maamulka Puntland ee sanad jirsaday ee uu horkacayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole oo kalsoonida iyo aaminaadda lagu qabaa ay tahay mid la isku halayn karo loona baahan yahay in la sugo afarta sano ee Madaxweynaha u hartay inuu xilka sii hayo umada reer Puntlana uu gaarsiiyo horumar dhan walba leh.

Ugu dambeyntii waxaan qoraalkaan ku soo afmeereynaa maanso aan ugu alla tuugayno guud ahaanba dalkeena hooyo ee soomaaliya gaar ahaana dawladda Puntland oo aan shacbigeedaba iyo dawladaba u rajeynano inuu ilaahay u sugo nabadda iyo xasiloonida ka jirta guud ahaana dalkeenii hooyo ee soomaaliya uu Allaah subxaana watacaalaa sharftii iyo karaamadii uu lahaa dib noogu soo celiyo Aamiin… Aamiin.

Raboow saatirbaad tahay.
Raxmaankii sareeyee.
Khalqigaan sugaad tahay.
Risaaliyo tilmaantana.
Rabigii suureeyee.
Rususha soo diraad tahay.
Magacyadada suubaniyo.
Sifaadkaaga sareeya.
Rabigii na siiyee,
Quraanka noo sugaad tahay.
Raboow baryadeene.
Sanadkaan riyadeena.
Mid rumowda ka yeel.
Sanadkaan rajadeena.
Raboow noo rasmiyee.
Dawlaad raaska ka yeel.
Raxmadaada na sii.
Shacabkeena rafaadkiyo.
Raboow diifta ka saar.
Raboow diinta waxyeeliyo.
Damac nooga ilaali.
Raboow nabad aan ku dakeyno.
Nolol aan ku daweyno
Shacabkeena dayoobay.
Dhalinteena dagaagtay.
Haweenkeena doorsoomay.
Raboow noo darbiyoo.
Dalakeena ka yeel.
Cirkoo daaha ka qaadma.
Daruurtoo yar bidhaanta.
Dhibicdoo ku dul hoorta.
Beerohoo la diyaarsho.
abuurkoo lagu duugo.
Mirohoo ku dangiigma.
Badohoo ka dawooba.
Haraagii lagu daadshay.
Burcadoo ka dhamaata.
Kaluunkoo ku diyaara.
Raboow noo darbiyoo.
Dalakeena ka yeel.
Barwaaqaan ku dakeyno.
Raboow noogu daryeel.
Diintaada sarreysa.
Raboow noogu daryeel.
Raxmadaada diyaarsan.
Raboow nooga daryeel.
Dhibaatadaanu ka daalnay.
Aamiin… Aaamiin…Aamiin.

RBC Radio
Editorial.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]