Politics
Qaybtii 4 aad

Qaybtii 4 aad

Fadeexdii Tukaraq; Kulan ay yeesheen Ciidanka Somaliland iyo Wasiir ka mid ah Puntland

Waxey inoo joogtey ma lagu soo hadal qaadi doonaa shirka golaha Wasiirada Puntland kulankii Tukaraq, jawaabtii ka soo baxdeyna waxey noqotey haa waa lagu soo hadal qaadey waxaana looga Hadley arinkaasi si kulul oo dhalisey buuq ugu danbeyntiina uu madax weyne ku xigeenka oo saluugsanaa hadalkaasi go,aamiyey in gudi uu u saaryo arinkaasi.

 

Wali si rasmiya uma soo bixin gudidii arinkaa loo saarey waxaana sii kordhaya xamaasada siyaasadeed ee arinkaasi, oo marba marka ka sii danbeysa cirka isku sii shareereysa.

 

Isimada jooga tuulada Buura wadal  ayaa si weyn u canbaareeyey dhacdadaasi, waxaana si fool ka foola ay ugu sheegeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdi Samad Cali Shire oo booqdey madasha Isimada Khamiistii la soo dhaafey duhurnimadii inaan marna aysan aqbaleyn in madaxda sare ee dawladu ay ku kacaan falal noocaasi oo kale ah oo ay ku tilmaameen in ay tahey khiyaamo qaran.

 

“…..Ma aqbli karno angoo cadowga heysta dhulkayagii uu nagu hareereysanyahey hol hol  in Madaxweyne wasiirkaagu uu Shir la galo cadowga oo aadan waxba ka qaban wali, miyaad wax ka qabtey adigaan ku weydiinayaaye madaxweyne …..”sidaas waxaa yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo la hadlayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdi samad cali shire

 

Inkastoo uusan wax jawaab ah ka bixin Madaxweyne ku xigeenku halkaasi ayaa hadana uu u  muujiyey Isimada in uu taageersanayhey Go,aanka ka soo baxa shirkooda, balse arintan ayaa u muuqatey mid dhirbaaxo ku aheyd siyaasada Madxweyne Cabdi Samad Cali Shire.

 

Sidoo  kale marka laga eego arintaasi ayaa waxaa socda guux balaadhan oo si weyn aad uga dareemeyso goobaha lagu gorfeeyo siyaasada iyadoo hadal heynta todobaakani ay ku soo ururtey in hawsha haatan taagan tahey mid laga dheehen karo siyaasada madaxweyne ku xigeeynka Puntland in uu aragti kale ka heysto hawshaasi ka  dib markii ay goloyaasha dawladu iska fogeeyeen masuuliyada arinkaasi, waana sababaha haatan xiisaha gaarka iyo wajiyada cusub u yeeley arinkan.

 

Dhan kalena waxa dhamaadkii todobaadkii hore wareysi siiyey idaacada garoowe Xildhibaan Cali Jaamac Faarax Dhaga Cade oo ka mid ahaa wafdiga uu watey Wasiir ku xigeenku oo ka qayb galey kulankii Tuka raq waxaanu si buuxda u qirey in kulankaasi dhacey isagoo sheegey in go,aankaasi ay kaligood qaateen danna ay ugu jirtey dalka iyo dadka  wareysigaasi ayaa sii laba jibaarey xamaasada dhacdadan oo Dunidaonline ay horseedka ka aheyd soo shaac bixinteeda.


………………Lasoco halka ay ku dhamaato arinkan siyaasdeed




COMMENTS
24.05.2010Abdulaziiz

Somali

Wax ceeba ma samayn,wuxuu ku shaqaynayey siyaasadda Faroole iyo C/samd Cali Shire,si alla sidii kursigoodu ku badbaadi karo inay sameeyaanna xaq bay u leyihiin
POST A COMMENT
Captcha

[top]