News
Muqdisho

Muqdisho

Maamulka Gobalka Banadair oo ka hadlay Dabkii xalay qabsaday Suuqa Bakaraha .

Gudoomiye ku xigaanka gobalka Banadair dhanka siyasada iyo bulshada C/salaan Daahir cabdulle ayaa sheegeen inay aad uga xun yihiin dabka xalay qabsaday suuqa Bakaaraha isla markaana ay uga tacsiyadeynayaan dhibaatadii soo gaartay Ganacsatada.

Mr Cabdulle ayaa saxaafada u sheegay in ay gudi u saari doonaa oo soo qiimeeyo sababta keentay iyo qasaaraha ka dhashay xalay waxa uuna raaciyay hadalkiisa in uu ku tuhmayo dabkiisa kooxaha Islaamiyiinta .

"Gobalka Banaadir aad buu uga xunyahay dabkii xalay qabsaday suuqa waayo waxaa halkaasi ku baaba'ay hantida Shacabkeena waxaa halkaasi ku waxyeeloobay shacabkeena weeyaan ,waxaa qasab ah in ay gacan siino dadkii uu dabka wax yeeleeyay " Mr Cabdulle.


Ma ahan markii ugu horreysay oo uu gubto suuqa Bakaaraha, u dhawaad 10-jeer  oo hore ayaa dab caynkan oo kale uu qabsaday isla goobahan hadda dabku baabi’iyay qaas ahaan dhanka Sarta Maalin Taajir.


Hadalkan ka soo yeeray maamulka Gobolka Banadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili aysan gacanta u heynin Maamulka suuqa bakaraha ee digmooyin badan oo katirsan G/Bananadir .





COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]