Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Dowlada TFG-da Md Shiiq Shariif Sh Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalia ka gadaal marki ay soo dhameysteen socdaal ay ku tageen dalalka Ethiopia iyo Kenya.
Madaxweynaha oo horkacayey wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaaraha Adan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan dowlada iyo saraakiisha AMISOM.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ay kasoo amba baxeen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya halkaas oo uu shariifka kaga yimid maanta magaalada Addis Ababa,waxaana xubnaha wafdigiisa ka mid ah wasiirka maaliyada iyo wasiirka warfaafiinta.
Madaxweynaha ayaa kasoo qeyb galay shirkii 14-aad ee Midowga Africa kaasoo uu ka jeediyey qudbad xasaasi ah oo uu ku codsaday taageero miltari oo dheeraad ah.




























