Kooxo ku hubeesnaa Bambaanooyin iyo Basdooladoa yaa xalay weerar culus ku qaaday Sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam kaa oo ku sugnaa gudaha magaaladda Muqdisho.
Barre Cali Barre waa sarkalka xalay ku sigtay in la qaarijiyo kaa oo lagu weeraray gurigiisa oo ku yaala isla muqdisho balse waxaa dhaawac soo gaaray Askari ilalo ka hayay gurigiisa.
Sarkaalkani ayaa ka mid ah Saraakiisha ugu caansan Ururka Xisbul Islaam kaa oo biryihii u danbeeyay ku kacsanaa Xarakada Al-Shabab dhoormarna dhaleeceyay Howlaha ay ka wadaan Muqdisho.
Raga weerarka geestay ayaa u baxsaday dhanka Suuqa Bakaraha oo looga shakiyay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Amniga ee Wilayada Gobalka Banadi ee hoostaga Mamulka Al-Shabab
Sarkaalkani ayaa labo malain ka hor Saxafada Muqdisho lahadlay asiguu ka biya diidan Hishiiskee Dhexmaray Xarakada Al-Shabab iyo Wadaadka Xasan Turki ,kaasi oo ku tilmaamay hishiiskaasi mid baadil ah oo aan socon doonin .
Si kastaba ha ahaatee lama ogo halka uu ku danbeen doono Bare Cabdi Bare oo ka badbaaday Xalay dil lagu khaarijin lahaa iyo Wadaadka hogaamiya X.Islaam oo ka biya didan Tilaabooyinka Shabab.




























