Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka saakay ayaa waxaa gabi ahaan dagan xaalada deegaanka Bacaadweyne oo ay shalay dagaalo qaraar ka dhacayn.
Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa shalay Gabaldhacii ka dhacey gudaha deegaanka Bacaadweyne , Waxaana inta la ogyahay ku dhintay halkaa 9-ruux oo rayidka ah.
Dagaalkani ayaa daba jooga colaad biryahani ka taagneed deegaanka taasi oo la xariirtay la haanshaha dhul daaqsi ah.
Odayaasha dhaqanka beelaha halkaasi isku dagaalay ayaa haatan wada dadaalo ay ku sugayaaan amaanka deegaanka waxaana gabi ahaan caadi haatan ku soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gobolka.
Dhawaan ayay aheyd kolkey sidaan oo kale dagaal uu ku dhaxmaray labo beelo oo halkaa wada daga ayadoona odayaashii waan waanta ka dhaxwadayna aysan ku guuleesan markaa .
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























