News
Nairobi

Nairobi

Burcad Badeed Markab xoog looga soo furtay .

Ciidamada ilaalada Bada ee NATO ayaa badbaadiyay Markab ay qabsadeen Burcad badeed Somali ah kuwaasi oo doonayay in ay u kaxeestaan dhanka iyo xeebaha Somaliya.


John Harbour oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada Bada Danish ayaa sheegay in ay Burcad Badeed kasoo furteen Markab laga leeyahay dalka Denmark oo ay saaranyihin illaa 25-qof oo Shaqaale ah.


Waxaana uu sheegay in Markab dagaal oo ay iska leeyihiin Ciidan Badda ee dalka Denmark laakiin katirsan ciidamada NATO  ay Burcad Badeeda Soomaalida xoog kaga soo furteen xilli ay afduubteen.


Afhayeenku waxa uu wakaaladda wararaka ee AP u sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee markab dagaal uu farageliyo burcad saaran markab oo shaqaale heysta lagana badbaadiyo.
 

Burcad Badeeda ayaa la sheegay in ay iskaga carareen oo ay ka baxsadeen markabka Ciidamada Danishka kuwaasi oo doonayay in ay gacanta ku dhigaan , waxaana la sheegay in shaqaalaha saarnaa markabka la badbaadiyay aysan dhibaato arag madama la  ay isku soo xireen qol badbadada ee  Markabka.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]