News
Doolow

Doolow

Ahlu Sunah oo diyaar garow ugu jira weerar ka dhan ah Al-Shababka Doolow

Wararka saaka naga soo gaaraya degmada Dooloow Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay wadaan diyaar garoow dagaal oo ay ku doonayaan in ku la wareegaan gacan ku heentaa degmadaasi.


Sheekh C/raxmaan Al Ansaari Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna  ee gobolka Gado oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay haatan u diyaar garoobeen in duulan ay ku qadaan magaalooyinka gobolka Gado ee ay gacanta ku hayaan xarakada AL shabaab.


Al Ansaari ayaa sheegay in qorshaha dagaalka uu yahay mid degsan dhowaana ay weeraro qaadayaan oo ay Al Shabaab kala wareegayaan degaanada gobolkaasi Gado.


Ugu danbeeyntii Al Ansaari ayaa saxaafada weydiisay qoshayaasha dagaal ee ay ladamacsan yihiin gobolka Gado in ay ku wehli doonaan cidaamo Etobiyaan ah ayaa waxa beenyey hadalkaasi isagoona sheegay in haddii ay wadan lahayeen ciidamo Etoobiyaan ah xiligan gacanta gobolka ay ku dhigi la ahaayeen.



 kala war wixii ku soo kordha weerarkasi DunidaOnline.com




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]