News
Garoowe

Garoowe

Daraasad lagu sameeyay Waxbarashada Puntland oo la soo bandhigay

Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay Cilmi baaris lagu  sameeyay waxbarashada Puntland, Cilmi baaristan ayaa waxa iska kaashaday labo urur oo wadani ah, isla markaasna lagu kala magacaabo Hadaf iyo Tadaamun. Munaasabad balaaran oo lagu qabtay Xarunta Wasarada Waxbarashada ee Garowe ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda wasaarada gaar ahaan Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland, ku xigeenadiisa,  Saraakiil ka tirsan Wasaarada Waxbarashada iyo Masuuliyiin ka socday Ururadda Maxaliga ah ee Hadaf iyo Tadamun.


Ugu horayn waxaa ka hadalay Goobta C/laahi Farax Mire oo ka tirsan ha'yada Tadamun qaybta Waxbarashada waxaana uu sheegay in Buugaan ay soo diyaarisay Ururka hadaf in ay  cilmi baaristana tahay tii ugu horaysay ee laga sameeyo Soomaaliya  siiba Puntland.  C/laahi waxaa kale oo uu tibaaxay in cilmi baaristaani ay socotay mudo hal sano ah ayna kala qaybaateen,'' waxaa uu buugaani yahay mid ka turjumaya sooyaalka marka laga reebo cilmi baarista buugu waxaa uu soo bandhigayaa aqoonyahaynka PL, waxaana uu ka turjumayaa hormarka waxbarashadda waxaana jira gaab balse waxaana ku kooban dhaman ardayda wax ka dhigata Dugsiyadda PL '' sidaas waxaa yiri C/laahi.
 


Inkastoo masuuliyiin badan ay ka hadleen Goobta ayaa hadana waxaa hadal dheer oo mahad celin iyo dhiiri galin ka soo jeediyay Wasiirka waxbarashada PL Cabdi faarax Juxa oo isagu ku dheeraaday habka waxbarashada Puntland oo uu ku tilmaamay in cilmi baaristaani ay wax wayn ka tari doonto PL, ayna tahay Guul isla markaasna darasadii ugu horaysay ay tahay oo waxbarashada laga diyaariyo, wasiirku waxaa uu ku guubaabiyay bahda waxbarashada in aysan cid kale wax ka sugin,waxaana ay noo tahay ayuu yiri mid bilow ah.
 


'' waanu ku tala jirnaa in aanu samayno Daraasad waxbarasho ah oo aanu samayno waxaana bilaabi lahayn sanadkaan hada dhashay, sanadkaan waxaan xooga saaraynaa dadka aqoon yahanka ah waxaana ka rajaynayaa in aanu helno xog rasmi ah tayada waxbarashada ayaa hoosta nooga xariiqnaa waxaana la soo gaaray xiligii aan ogaan lahayn waxaan baranayno mar dhow waxaanu qabanaynaa shir wayne looga hadlayo waxbarashada oo ah kii ugu horeeyay'' sidaas waxaa yiri wasiir Juxa.


si kastaba ha hatee waa markii ugu horaysay ee cilmi baaris  lagu sameeyo waxbarashada soomaaliya amaba Pl taas oo wax wayn ka tari doonta ha'yaddaha waxbarashada daneeya sida wasaarada waxbarashada PL.

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]