Dagaalo iyo Madaafiic culus oo si aad ah looga maqlay Xafadaha magaaladda Muqdisho ayaa xalay qal qal ku abuuray dadka shacabka ah ee ku nool caasimada .
Waxaana ay dagaaladaas ay ahaayeen kuwa uu dhaxeeyey Ciidamada DFKM ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda,waxaana uu ka dhacay Degmooyinka C/Caziz ,Shibis iyo boondheere.
Dagaaladaas ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa bilawday xilli dambe oo xalay,waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo aad uu culus oo isku jira madaafiicda iyo hoobiyaha.
Inta la ogyahay waxaa ku geeriyootay dagaalkii xalay oo 3-ruux oo rayid ah 5 kalana dhaawacyo ayaa ka soogaaray duqeymaha ay xalay is dhaafsanayeen qolyaha isku haya talada dalka Somaliya.
Dhinacyada ku dagaalamay ayaa waxaa ay kala sheegteen guulooyin,waxaana aan la aqoon khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada xoogag ee xalay isla dhacay madaafiicda.
Xaafaddaha ku yaala goobta lagu dagaalamay ayaa waxaa kusoo dhacaayay madaafiic ay labada dhinac isku adeegsanaayay,waxaana dadka tirada yar ee ku aharay Boondheere ay ahaayeen kuwa walaac xoogan,saakana bilaabeen in ay isakga soo cararaan halkaasi.
Dagaaladani ayaa ku soo beegmaya xili ay magaalda Muqdisho ka taagantahay abaabulkii ugu balaarnaa oo ay wadaan Shababul Mujaahidiin iyo xukuumada somaliya.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























