News
Muqdisho

Muqdisho

Al-shabab oo si buuxda u mamnuucday Hay'ada WFP iyo Shaqsiyaadka la shaqeya

 Al Shabaab ayaa si buuxda u diiday in ay dalka dib ugu soo laabato hay'ada Qaramada midoobay u qaabisan Cunada ee WFP taasi oo dhawaan ka codsaday shabab in ay u fasaxaan dalka.

Xafiiska la socodka hay’adaha ee Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ee marka magaciisa la soo gaabiyo looyaqaan (OSAFA) ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in  la joojiyo howlaha hay’adda WFP kadib markii la tixgaliyay arimaha hoos ku qoran.


Saakay ayaa Xarakada Al-shabab waxa ay saxafada soo gaarsiisay Warsaxaafadeed  ka soo baxay Xafiiska la socodka hay’adaha kaasi oo qornaa siadatan.


WFP waa in ay joojisaa dhamaan howlaha ay ka heyso Soomaaliya maanta oo taariiqda hijriyada ay ku beegantahay 14-03 1431”


Waraqada ayaa waxa ayaa katimid Xafiiska la socodka hay’adaha ee AL Shabaab , marka magaciisa la soo gaabiyo looyaqaan (OSAFA) ayaa daabacay in gabi ahaan WFP la mamnuucay howlaha ay ka waday Somaliya kadib markii la tixgaliyay arimaha hoos ku xusan.


1-Cabashada sii kordheysa oo ay soo jeedinayaan beeraleyda Soomaaliyeed kuwaasi oo waayay sida la sheegay Suuq ay badeecadooda kaga ganacsadaan sababta keentayna ay tahay WFP  oo raashin badan soo dajisay xiliga uu dalagu soo go’ayo.


2-hay’adda oo qeybisa cunto dhacday : kadib markii la baaray bakhaaqarada WFP waxaa cadaatay in raashin ku keydsan uu badankiisu yahay mid dhacay oo aan aheeyn mid uu bini’aadamku cuni karo.


3-Faafitaanka cuduro farabadan oo ka dhashay cuntada dhacday ee hay’adu qeybisay.


4-Raashinka hay’adu keento oo ah mid dano qarsoon oo siyaasadeed laga leeyahay sida taakuleynta ciidamada Xabashida iyo Murtadiinta (Sida ku qoran Warsaxaafadeedka).


Dhanka hoose ee waraaq waxaa ku qornaa degniin ku socota shaqsi walba oo qandaraasle la ahaa hay’adda WFP in u faraha kala baxo hadii uu kamadax adeegana ay tilaaban ka qaadi doona shababka.


Lama ogo jawaabta ay ka soo saari doonaa Hay'ada WFP oo horay u codsaday in la fasaxo bilaa shuruud taasi oo ku sii adkeesay Shabab in ay gabi ahaan mamnuucaan hay'ada.





COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]