Sport
Ciyaaraha

Ciyaaraha

Todobaadkan iyo Ciyaaraha Qaarada Yurub

italy: Kooxda Milan ayaa waxaa ka maqnaan doona mudo bilooyin ah ciyaar yihanka dada  yar ee reer Brazil Alexandre Pato kadib marki garoonka looga saaray dhaawac culus oo ka soo gaaray feesha midig.


Weeraryahankan dada yar ee reer milan  dhawaan uu ka soo laabtay dhaawacyo uu garoomada kaga maqnaa mudo, kuwaas oo ka soo wajahay muruqyada.


Pato ayaa galabta dhaliyey 2 ka mid ah 3-1 oo ay kooxiisa AC Milan uga badisay kooxda Atalanta ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Seria A-da oo ka dhacday garoonka San Siro.


Warar dheeraad oo soo baxay ayaa sheegaya in Pato dhaawaciisa uu yahay mid halis ah,waxaana la arkayey marki laga bixinayey garoonka isaga oo ooyaya kuna dhagan lugtiisa midig.


Wuxuu seegi doonaa kulanka asbuuca danbe ay is arki doonaan Milan iyo AS Roma oo ah kulan derbi ah, waxa sidoo kale uu seegi doonaa ciyaarta lugta labaad ee Champions League ee ay Milan u safri doonto kooxda Manchester United.

Gennaro Gattuso ayaa sidoo kale ka maqnaan doono kulanka Roma waxa uu maanya qaatay jaale kale waxana uu ka ganaaxanyahay kulankaasi.


Spain: Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa u muuqata mid jaanta isla heshay kadib marki ay asbuuci labaad ku badisay guulal faraban, waxaana kulan xiiso leh oo xalay ay la qaadatay kooxda tabarta yar ee Tenerife ku liqday 5-1.


Weeraryahanka kooxda Real Gonzalo Higuain ayaa dhaliyey laba ka mid ah goolasha waxaa wiilkan u dhashay dalka Argentine uu hada u tiigsanayaa hadafkiisi ahaa in mar un uu yeero macalin Maradona oo aanan wali soo qaadan.


Guushaan ayaa ah tii lixaad oo xiriir ah oo ay Real ka soo hooysay horyaalka La Liga,waxaana ay hada noqotay kooxda ugu dhibcaha sareyso iyada oo hal dhibci oo nadiif ah ka sara martay kooxda Barcelona oo caawa marti gelin doonto kooxda Malaga.


Higuain ayaa ku biiray weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi iyo laacibka kooxda Valencia David Villa kuwaas oo haya hogaanka gool dhalinta horyaalkda dalka Spain.


Xidiga kooxda Real Cristiano Ronaldo ayaa saxiixay goolkiisii 13-aad ee xilli ciyaareedkan,iyadoo goolka shanaadna uu dhameystiray kabtanka kooxda Rayl kaasoo badal kusoo galay ciyaarta.



LONDON: Wiilka da,da yar ee u ciyaara kooxda Arsenal iyo xulka Wales Aaron Ramsey ayaa ka maqnaanaya garoomada mudo bilooyin ah kadib marki uu lugta si xun uga jabay ciyaar ay kooxda Arsenal xalay 3-1 uga adkaatay kooxda Stoke City.


Sida uu sheegay macalinka Arsenal Arsene Wenger,Ramsey ayaa waxa soo gaaray mid ka mid ah dhaawacyada ugu daran,waxaana 19-jirkan muluqa ah laga qaaday garoonka marki uu si xun ugu dhacay difaaca kooxda Stoke Ryan Shawcross.


Ramsey oo garoonka laga qaaday daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta ayaa waxaa aad uga naxay dhaawaciisa dhamaan ciyaartooyda labada koox,waxaana ilmo ay kasoo daatay ciyaaryahanki dhaawacay Shawcross oo ah 22 jir,Shawcross ayaa la arkayey isaga oo ilmeynaya una socda qolka dharka lagu bedesho si uu u ogaado xaalada wiilka da,da yar.


Sidoo kale TV-ga Sky Sports, oo ciyaarta tabinayey ayaa diiday in uu kusoo celiyo dhacdada maxaa yeelay murugta iyo caloolyoowga uu reebay dhaawaca.


Ramsey ayaa dhowr jeer la daaweeyey iyadoo lagu rakibay wajigiisa neetfa oxygen-ta,laakin kooxdiisa ayaa laba gool ooo deg deg ah ku jawaabtay waxaana ciyaarta ay ku dhamaatay 3-1 oo ay kooxda Arsenal ku badisay.


 Kala soco DunidaOnline wararka ciyaaraha

Mohamed kassem Dhegnas

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]