News
Garoowe

Garoowe

Dawlada Puntland oo ku gacan saydhay dalab uga yimi Faarax Macalin

Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalin uu khadka taleefanka kula Xidhiidhay Gudoonka Baarlamaanka Puntland isaga oo ka dalbaday inuu Booqasho ku yimaado gobolada Puntland, balse sida la sheegay Puntland ayaa si cad ugu gacan Saydhay codsigaasi.

Dalabka Faarax Macalin ayaa yimi ka dib markii dawlada Puntland ay dacwad ka gudbisay Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka Kenya, dacwadaasi ayaa salka ku haysay, safar uu Gudoomiyuhu ku tegey magaalada Lascaanood ee laga haysto Puntland.


Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kenya Moses Wetangula ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu dacwad la xiriirta safarkii Laascaanood ee Faarax Macalin uu u gudbiyay gudoomiyaha Baarlamanka Kenya, Wasiirka ayaa ku eedeeyay Faarax Macalin inuu u ololeeyay aqoonsi doonka Maamulka Hargaysa.


Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Kenya Moses Wetangula ayaa Saxaafada u sheegay in Faarax Macalin uu meelo Fagaaro ah ka sheegay sida uu u xiisaynayo in Maamulka Hargaysa la Aqoonsado, taasina ma aha arin ay dawlada Kenya raali ka tahay.


Faarax Macalin ayaa mar la waydiiyay isagu ka warwareegay inuu aqoonsi u raadinayo Maamulka Riyaale isla markaana si dadban u weeraray Puntland, waxa kale oo hadaladiisa uu ku daray in ujeedada safarkiisu ay ahayd dan Soomaaliyeed. Bishii Decembar ee sanadkii tegay ayaa Faarax Macalin Booqasho ku tegay Hargaysa isaga oo u sii talaabay Magaalada Laas-caanood ee colaadu ka taagan tahay.


Si kastaba Farax Macalin ayaa lagu tilmaamaa nin wejiya badan, ahna siyaasi (Lobbying) ku shaqeeya ama u shaqeeya hadba cidii kharash siisa, waxaana is burrinaya hadalada uu idaacadaha ka sheegay iyo cadaymo maqal iyo muuqaalba ah oo laga hayo xiligii uu joogay waqooyi galbeed Soomaaliya.


Daawo Faarax Macalin oo ka hadlaya goosashada iyo dadaalka uu u geli doonoi aqoonida maamulka Hageysa




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]