Dadka ku dhaqan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay soo wajahay cabsi la xariirta fatahaad uu sameeyo Wabiga Jubba ee mara magaaladaasi.
Dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan degmada Baardheere ayaa ka argagaxsan biya fara badan oo xili roobaadkan maraya Webiga Jubba, kaasi oo hadii uu fataho ay la kulmayaan hoos u dhac xoog leh oo ku yimaada dalagii ay beereen sanadkan, sidii dhacday marar sii horeysay oo Webiga Jubba uu sameeyay fatahaad ay beeraleydu kala kulmeen Qasaaro baaxad leh.
Cabsida Beeraleyda ayaa sii xoogaysatay ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay ay roobab xoogani ka da’een deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo uu maro Webiga Jubba gaar ahaan magaalooyinka Luuq, Baardheere iyo Buurdhuubo taasi oo keentay in xiligan Webiga Jubba u keeno Biyo aad u fara badan, waxaana haatan beeraleyda ay bilaabeen in Matooradii beeraha iyo Qalabkii kale ee loo isticmaalayay dhinaca beeraha ay kala baxaan.
24 kii saac ee ugu dambeeyay ayaa Roobab xoog lihi ka da’een inta badan
degmooyinka gobolka Gedo waxaana wararka laga helayo deegaanada ay sheegayaan in Roobabkii ugu dambeeyay ay gaysteen
qasaarooyin soo gaaray dad reer guuraa ah, kadib markii
Daadad kus oo rugmaday agagaarka tuulada Deenle oo ka tirsan degmada
Buurdhuubo, halkaasina wax yeelo ka geysteen sida uu
saxaafada u sheegey C/laahi Diiriye oo kamid ah Odayaasha degaankaasi.




























