News
Garowe

Garowe

Hay'adda TADAMUN oo tababar shaqo loogu abuurayo‏ u soo xiray dhalinyaro

Waxaa lagu soo geba gebeeyay magaalada Garoowe Barnaamij looga gol leeyahay sidii dhalin yarada waxbaratay ee aan helin wax shaqo ah,  loogu abuuri lahaa shaqooyin isla markaaana ay gacan ka gaystay dowlada Jaban Unicef iyo Hayadda Shaqaalaha aduunka ee ILO isla markaasna ay fulinayso hayadda bulshada ee Tadamun.

 
Waxaana tababar loogu soo gaba gabeeyay Xarunta laybareeriga ee Magaalada Garowe 170 dhalin yaro ah oo sigu jira wiilal iyo gabdho kuwaas oo markii ay waxbarashada dhamystay aan helin shaqooyin barnaamijkaan oo dhiiri galinaya dhalinyarada ayaa waxaa ay fursad u tahay dhalinyarada waxbaratay oo isla markaasna ka soo xiraya in ay tahriibaan ama loo adeegsado falalka amni daro xiliyada ay waayaan wax shaqo ah balse tani meesha ayey ka saaraysaa marka loo eego shaqooyinka loo abuurayo gaar ahaana dhicana Ganacsiga.
 

 
Xiritaankii tabarkaan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ay ka kala socday Maamulka gobolka Wasarada dhalinyarada iyo Hayadda Tadamun ayaa dhamaanba masuliyiintii ka hadal waxaa ay soo dhaweeyeen Barnaamijkaan shaqo abuurida dhaliyarada oo waxbad ka badalaya shaqo la anta haysatay.
 

 
Hayada tadamun oo ah hayada ugu shaqaalaha badan puntland sida ay sheegeen masuliyiinta Tadamun ayaa sheegay in ay tahay barnaamij loogu tala galay Gobolada Nugaal iyo Bari dhalinyarada ku dhaqan sidii loogu abuuri lahaa shaqooyin, waxaana ay labadaasi gobol laga tabaray sidii ay u shaqaysan lahayeen dhalin yaro gaaraysa 320.

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]